Hambalyo Ku Socota Ciidanka Qaranka

0
1246

Hargeysa(Gees)-Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan oo ah aqoonyahan iyo siyaasi reer Somaliland ah ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ciidanka qaranka Somaliland oo shalay 25 jirsaday.

Dr. Maxamed-rashiid, oo xalay nagu soo booqday xarunta Geeska Afrika, wuxuu sheegay in ciidanka qaranka Somaliland ay kaalin muhiim ah kaga jiraan ilaalinta ammaanka iyo weliba difaaca qaranka Somaliland, “Waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan ciidanka qaranka Somaliland, waxaanan geesiyaasha ciidanka qaranka ku ammaanayaa sida ay mar walba heegan ugu yihiin difaaca dalkooda iyo weliba ilaalinta ammaanka guud ee qaranka.

Waxaan qirayaa in ciidanka qaranku kaalin mug leh kaga jiraan horumarka Somaliland, waxaanan dhammaan ciidanka qaranka leeyahay hambalyo.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here