Xukuumada Somaliland Oo Dib U Fasaxday Shir Hargeysa Ka Socday Oo Ay Hore U Joojisay

0
733

Hargeysa(Geeska)- Xukuumada Somaliland ayaa Dib u fasaxday shir hargeysa ka socday oo ay hore u joojisay .

Haayada Somalia stability fund (SSF) ayaa shir sanadle ahaa oo ay ku qabsan jirtay Hargeysa ay xukuumada Somaliland gaar ahaan wasaarada qorshayntu ay ka joojisay kowdii bishan todobaad markii uu hal maalin uun shirkaasi socday.

Shirakan oo haayada u socon lahaa mudo sadex maalmood ah ayaa ay  wasaarada qorshayntu sheegtay in aanay ka diiwaangashanayn Somaliland, isla markaana aanay haysan ogolaansho ay shirarka noocan ah ay kaga qabtaan Somaliland, waxaana ku saxeexnaa qoraalka diidmada ah ee haayadan lagaga joojiyay shirka wasiir ku xigeenka wasaarada qorshaynta Xuseen Ibraahim Buuni.                                                                                                                                                                                                                                                                                          Hase yeeshee go’aankan xukuumada ayay soo faragaliyeen haayadaha qaadhaan bixiyayaasha Somaliland taageera, faragalintaas oo sababtay in shirkii uu dib uga furmo hotel Ambassador magaalada Hargeysa, balse xukuumada Somaliland ayaana ka hadlin wali shirkaas ay joojisay iyo  sababta ay dib ugu fasaxday.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here