Laba Wasiir Oo Ka Mid Ah Weftiga Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Socdaalkooda Dalka Guinea

0
970

Hargeysa(Geeska)-Wasiirada arrimaha dibadda Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon iyo maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo ka mid ah weftiga Madaxweyne Biixi ee dalka Guinea ayaa ka hadlay ujeedada socdaalka Madaxweyne Biixi uu ku joogo dalkaas.

Majalada Media Max ee dalka Kenya, oo shalay baahisay warbixin ku saabsan socdaalka Madaxweynaha JSL ee dalkaas, ayaa waxay waraysi kooban la yeelatay labadan Wasiir oo sheegay in ujeedada socdaalka Madaxweynuhu tahay sidii ay Somaliland u xoojin lahayd xidhiidhka dalalka galbeedka Afrika iyo weliba sidii ay dalkaas uga baran lahayd cashar ku saabsan qaabka uu u casriyeeyay dhaqaalihiisa.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa sheegay in ujeedada socdaalka Madaxweyne Biixi ee dalka Guinea uu yahay sidii ay Somaliland u bilaabi lahayd inay xidhiidh dhow oo la mid ah kuwa ay la leedahay dalalka Bariga Afrika la yeelato dalalka galbeedka Afrika. “Dabcan, labada wadan waxay ka wada hadlayaan arrimaha danaha guud inta aanu joogno dalka Guinea.”  Ayuu yidhi Wasiir Faratoon.

Wasiir Sacad Cali Shire, wasiirka maaliyadda oo isna ka mid ah weftiga ayaa warbaahintan u sheegay in socdaalka Madaxweyne Biixi ee dalka Guinea uu y ahay sidii ay Somaliland dalkaas uga soo baran lahayd qaabka ay Guinea u casriyaysay dhaqaalaha, gaar ahaan qaybta macdanta.

Warbaahinta Media Max, waxa kale oo ay sheegtay in socdaalkan Madaxweyne Biixi muujinayo sida ay Somaliland u kobcinayso xidhiidhka ay la leedahay dalalka Afrika, kaas oo u muuqda inuu isa soo tarayo.

Madaxweyne Biixi oo habeen hore gaadhay magaalada Conakry ee caasimadda dalka Guinea, ayaa waxa madaarka Conakry ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas Mamadi Toure, iyadoo si diiran loogu soo dhaweeyay qolka martida VIP ee madaarkaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here