Golaha Guurtida Oo Ka Hadlay Muranka Ka Dhexeeya Golaha Wakiilada Oo Ay Maxkamadda Sare U Gudbiyeen

0
668

Hargeysa(Geeska)- Golaha guurtida Somaliland ayaa dacwad ka dhan ah shir gudoonka golaha wakiilada u gudbiyey maxkamadda dasturiga ah

Golaha ayaa ka cabanaya in xeerar la gudbiyay oo uu madaxweynuhuna saxiixay, iyadoo aan la marsiin nidaamkii sharciga ahaa.

Labada gole baarlamaan ee Somaliland ayaa isku maan dhaafsan awooda ansixinta xeerarka lagu curinaayo haayadaha cusub ee dawlada, waxaana golaha guurtidu uu u gudbiyay maxkamada sare ee dalka inay fasiraad ku samayso arintan ay labada gole isku maan dhaafsan yihiin.                                                                                                                                       Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Ilkacase ayaa soo bandhigay halka uu salka ku hayo khilaafka labada gole, kaas oo uu ku faah faahiyay dood golaha guurtida laga dhagaystay”Labada gole waa xeer dejin oo isma hayaan dastuurkuna wuu cadeeyey balse hal qodob ayaa dhexyaala kaas oo qabyana ka ah xeer hoosaadka labada gole, qodobadaas laysku hayo waxa weeyaan oo ka mid ah in anagu(Golaha Guurtidu) aanu leenahay qodobka dastuuriga ah ee 113 aad kaas oo faraya in hay’ad kasta oo la curiyey in xeerka lagu aas aasay uu marayo labada gole, xeer dhaqaale maaha xeer maaliyadeedna maaha, markaa isma haynee waxaynu u baanahay in qodobkaas ay maxkamada dastuuriga ahi fasirayso kaas oo xeer hoosaadka labada gole-na ka maqan.”

Xildhibaankan oo hadalkiisa siiwataa waxa uu yidhi “Markaa waxa la rabaa in maxkamadu tafsiir ka soo bixiso qodobkaasi nooca uu yahay lana fuliyo, kaas oo gali doona xeer hoosaadka labada gole waana qodobka qabyada ah labada gole ka maqana waa kaas, waxaanan soo jeedinaynaa isma hayno oo labada gole way wada shaqeeyaan dastuurkuna si cad ayuu u sheegay, wixii maaliyad iyo miisaaniyad ah laguma haysto golaha wakiilada anaguna ma dajino tacriifadaha ah laakiin muhiimadu waxa weeyaan hay’addaha dawlada ee la curinayaa waa arin maamule aan sideeda marino anagana waxba na dhibi maayaane.”

Golayaasha  wakiilada iyo guurtida ee Somaliland ayaa khilaafkoodani uu taagnaa mudooyinkii ugu danbeeyay, waxaana marar badan dhacday in midba ka kale uu ku eedeeyay inuu sharciga baalmaray, waxaana ugu danbayn laga warsugayaa maxkamada sare ee dalka oo guurtidu ay u gudbisay muranka ka dhaxeeya iyaga iyo wakiilada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here