Xukuumada Oo Soo Saartay Baaq 30% Lagu Yareynayo Soo Saaridda Dhuxusha

22
643

Picture4Hargeysa (Geeska) – Dawladda Somaliland, ayaa baaq ka soo saartay Jaridda dhirta laga shido Dhuxusha, taasoo sababtay in 80% dhirtii dalku debar go’do isla-markaana meelo badan oo dalka ahi isku bedasho lama deggaan.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo shalay ka qayb-galay Carwo ay Wasaaradda Macdanta iyo Tamartu ku soo bandhigtay Tamarta aan dhuxusha ahayn ee dalka taala, ayaa halkaasi ka jeediyay baaq dheer, waxaanu sheegay in xukuumadda Somaliland go’aansatay in labada sanadood ee soo socda 30% la yareeyo soo saarista dhuxusha, si looga badbaado nabaad guur uu dalku qarka u saaran yahay.

Madaxwayne ku xigeenku, waxa kale oo uu ka hadlay qiimaha dhuxusha oo uu tilmaamay in Jawaankii dhuxusha ahaa dalka ka marayo $ 15 doollar.

Madaxwayne ku xigeenka oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Tamarta dhuxushu waa ta isticmaalkeedu ugu badan, wakhtigan xaadirka ahna waxay noqotay mihnad dhalinyarada iyo dadka reer miyigu ay nolol maalmeedkooda kala soo baxaan labaatankii sanadood ee u dambeeyay”

Md. Saylici, waxa uu sheegay in 80% la gumaaday dhirtii dalka ku taalay “Waxaynu ka war-qabnaa in labaatankii sanadood ee u dambeeyay gubista dhirtu ay burburisay 80% dhirtii ama geedkeenii waynaa, taasoo dhul daaqsimeedkii xoolaheeni ku noolaayeen ku reebtay xaaluf, xooluhuna waa kuwa aynu 80%  dhaqaale ahaan ku tiirsanahay, iyadoo xoolaha lagu qiyaaso in dalkeena uu ka soo galo dhaqaaluhu 80% dhoofinta iyo ka ganacsiga xoolaha, Waxa intaasi dheer ciddii caafimaadka qabtay ee wax lagu beeri lahaa ay qaadeen biyaha roobku, kuna dareen badaha, taasoo ay sabab u tahay dhulka la qaawiyey ee dhirtii ciidda hayn lahayd laga shiday dhuxusha, taasina waxay dhalisay inuu afar laabmo nabaad guurka ku yimid dhulkeena 30-kii sanadood ee u dambeeyay, iyadoo natiijadu noqotay in wakhtiga dhow uu dhulkeenu isku bedali doono lama degaan, waxa ayaan daro ah markii dhirtii waaweyd la dhameeyay in loo soo jeestay geed gaabkii, taasoo dhalisay in bilo gudahood lagu gubo dhul kiiloo Mitiro ah”ayuu yidhi, isaga oo intaasi raaciyey “Lixdii bilood ee u dambaysay waxaynu la soconaa in qiimaha dhuxushu oo cirka isku shareeray oo jawaankii gaadhay $ 15 doolar, halkii ay ka ahaan jirtay $ 6 doolar, taasoo ay sabab u tahay dhuxusha oo ku yar suuqyada lagu kala iibsado, taasina waxay caddeyn u tahay in gumaadka dhirtu marayo halkii ugu darnayd taariikhda Somaliland, hay’addo iyo aqoonyahano waxay xaqiijiyeen in 80% dhirtii la xaalufiyey, taasina ay caddaynayso in dalku deegaan ahaan uu ku jiro xaalad deg-deg ah, waana inaynu dhammaanteen gurmad ka wada galnaa, damiirkeenuna inama siinayo inaynu u dul-qaadano xaaladda deegaankeenu ku jiro, waxa qasab ah inaynu ku talaabsano wax kasta, qiimo kasta ha inagu kacee inaynu bedbaadino xaalaufka deegaankeena iyo dhirta”

Madaxwayne ku xigeenku, waxa kale oo uu ka hadlay qorshaha xukuumaddu ku yareynayso soo saaridda dhuxusha iyo jaridda dhirta “Annigu Madaxwayne ku xigeen ahaan, anniga oo matalaya Madaxwaynaha JSL, waxaan soo jeedinayaa baaq ah in la yareeyo soo saaridda dhuxusha 30%, labada sanadood ee soo socda 2014 iyo 2015-ka. Waxaanu faraynaa Wasaaradaha Tamarta iyo deegaanka iyo hay’adaha ay wada shaqeynta leeyihiin inay si deg-deg ah u keenaan wixii xal u noqon lahaa xaaladdaa khatarta ah, kuna fuliyaan wakhtiga aanu bar-tilmaameedka ka dhiganay” ayuu yidhi, waxaanu intaasi sii raaciyey “Dawladda Somaliland waxay si deg-deg ah aanu ugu talaabsan doonaa in cashuurta laga dhaafo dhammaan agabyada tamarta ee la cusboonaysiiyo, sida gaaska”ayuu yidhi, Madaxwayne ku xigeenka Somaliland.

 

Comments are closed.