Ma Dhabaa In Dib Loo Dhigayo Shirweynaha Xisbul Xaakimka KULMIYE?

32
585

Hargeysa(Geeska)-Iyadoo uu Arbacada toddobaadka dambe ku beeganyahay maalinta loo asteeyay inuu furmo shirweynaha xisbiga KULMIYE, ayaa waxa soo baxaya warar sheegaya suurtogalnimada in shirweynaha dib loo dhigo ilaa muddo kooban. 25 December ayuu hoggaanka xisbiga KULMIE hore ugu qoondeeyay inuu shirweynuhu qabsoomo, laakiin sida muuqata waxaan ilaa hadda loo dhaqaaqin qaban qaabadii shirweynaha xisbiga, ka dib markii ay murano ka dhasheen magacaabistii guddiga qaban qaabada iyo doorashadii hoggaankooda. Sidaas darteed sida ay ilo xogogaali u sheegeen Geeska Afrika, waxa la filayaa in maalintaas 25 December xubnaha golaha dhexe ee shirka ka soo xaadira laga ansixin doono in shirka dib loo dhigo muddo aan ka badnayn laba toddobaad si loo dhammaystiro waxyaabaha qabyada ah ee ay khilaafyada taagani saamixi waayeen in la dhammaystiro. Xisbiga KULMIYE ayaa waxa haysta khilaafaad iyo murano muddo huursanaa, kuwaas oo banaanka u soo baxay markii loo diyaar garoobayay qabashada shirweynaha xisbiga.

Comments are closed.