Madaxweynaha Somaliya Oo Lagu Eedeeyay Dagaalo Ka Socda Shabeelaha Hoose

20
579

Picture3Muqdisho(Geeska)-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyo hurinta colaad gobalka shabeelada hoose ku dhex maraysa Beeshiisa iyo beel kale. Dagaalka ayaa u dhexeeya Hawiye iyo Beesha biyo-maal.

Odayaal iyo Waxgarad shalay Muqdisho ku kulmay ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xubno ka tirsan Dowladda  waxaa ay ku eedeeyeen hurinta Coodalaha ka taagan Gobolka Sh.Hoose Dagaal oogena ku tilmaamay Nabadoon Axmed Diiriye Cali.

Odayaashan iyo Waxgaradkn ka soo jeeda Gobolka Sh.Hoose kuna kulmay mid ka mid ah Hoteelada ku Yaala Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee Xukuumadda Soomaaliya, iyo Wasiirka Gaashaandhiga ee Dowladda Soomaaliya in ay hurinayaan Dagaalada ka oogan Degaano ka tirsan Gobolka Sh.Hoose.

Odayaasha ayaa tilmaamay in Ciidamada Militariga ee Dowladda Soomaaliya madaxna uu ka yahaya Wasiirka Gaashaandhiga ay ka Dagaalamayaan Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka taasi oo ay ku tilmaameen wax laga xumaado. “Dagaalada ka sii socda Degaano iyo Degmooyin ka tirsan maaha mid Beeleed waa Dagaal la soo abaabulay” sidaasi ayaa la yidhi intii uu kulanka socday.

Ugu dambeyn Waxgaradka ka soo jeeda Gobolka Sh.Hoose ayaa hoosta ka xariiqay in Shacabka ku dhaqan Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Sh.Hoose lagu laynayo Dareeska Militariga ee Dowladda Soomaaliyeed.

 

Comments are closed.