Xukuumada Oo Ku Fashilantay Inay Dalka Keento Shidalka Batrolka Iyo Raggii Loo Xilsaaray Oo Dalka U Jebiyay TOTAL

0
835

 

shidaalHargeysa (Geeska)-Shidaalka baabuurta gaar ahaan Batrolka  ayuu qiimihiisu  cirku isku shareeray, kadib markii uu gabaabsi noqday shidaalka lagu keydiyo  kaalmaha shidaalka ee caasimadu, waxaanu gaadhay halka litir ee batroolka ahi 7000-S/Sh, waana qiimihii ugu sareeyey ee uu gaadho shidaalku intii ay xukumada madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) qabatay hoggaanka dalka

Kor u kaca qiimaha shiidaalka baabuurta, gaar ahaana Batroolka ayaa war wara badan ku abuuray gaadiid layda  magaalada Hargeysa, waxaana jira cabsi xoogan oo ay gaadiidlaydu ka qabaan shidaal la waayo, taas oo sabab u noqn karta isku socod la’aan dhan kasta, saamayna ku yeesha gacansiga dalka.

Shidaalka la waayey ee uu qiimihiisu kor u sii kacay ayaa sabab looga dhigay go’aankii uu dhawaan madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu dalka kaga joojiyey ruqsadiina uu kala noqday shirkadii shidaalka keeni jirtay Somaliland ee TOTAL Oil Mer Rouge. Ilaa hadda ma jirto cid si buuxda loogu wareejiyey dammaanad qaadka keenista shidaalka gudaha Somaliland.

Mar aanu la xidhiidhnay wasiirka wasaarada ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed, haba yaraatee noomay suurto galin in aanu wax ka waydiino, kadib markii uu naga qaban waayey tilifoonkiisa gacanta.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa markii uu heshiiska kala noqday shirkadda TOTAL, waxa uu magacaabay guddi ka tirsan hay’adihiisa xukuumadda kuwaas oo ka hor inta aan cid la siin qandaraaska keenista shidaalka gacanta ku hayn doona hawlaha shidaal ee dalka, laakiin guddigaas ayaa u muuqda inay ku fashilmeen hawshii loo xilsaaray. Waxaana guddigaas ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo  Gudoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka.