Muxuu Daarnaa Kormeerkii Madaxweyne Xigeen Saylici Ee Shalay?

0
745

 

sayliciHargaysa(Geeska)-Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil (Saylici) ayaa shalay kormeer  u muuqday kadis  ku soo maray  qaar kamida xafiisyada haay’adaha dawlada, kormeerkaas oo uu madaxwayne ku xigeenku ugu kuur galayay sida ay xafiisyada uga socdaan hawlaha ay qaranka u hayaan.

Haddab haay’daha uu madaxwayne ku xigeenku kor meerka ku soo maray ayaa waxa ka mid ahaa Haayada korantada, Komishanka Xuquuqu Insaanka, Hay’ada Ilaalinta Tayada,Xisaabaadka Guud, Hanti dhawrka qaranka, Haay’ada Qandaraasyada Qaranka, Hay’ada Shaqaalaha, Hayada Wadooyinka iyo xafiisyo kale waxaanu inta badan xafiisyadaas kula kalmay masuulyiniintoodii oo madaxwayne ku xigeenka uga war bixiyay hawlaha xafiisyadooda sida ay u socdaan.

Inta badan xafiisyada uu maray Md.Cabdiraxmaan Saylici ayaa marka ay gudbiyaan warbixinta ay u soo jeedinayeen madaxwaynu ku xigeenka, waxa  ay aad ugu ladhayeen in aanay haysan xafiisyo ku filan oo ay ku shaqeeyaan.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa dhankiisa markii uu soo dhamaaday kor meerkii uu ku marayay haay’adaha dawalada saxaafada la hadlay, hadaladiisana waxa kamid ahaa “ Waxa ay ahayd uun inaan u kuurgalno siday u socdaan hawlaha hay’adaha dawlada, dhammaan xafiisyadii aanu kor meerka ku soo marnay waliba xiligay shaqadu bilaabaysay waa ay ku sugnaayeen masuuliyiintii dhawr xafiis mooyaane, waanan la soconaa baahida dhanka xafiisyada ah ee taagan insha allaah waxna waan ka  qaban doonaa.”

Kormeerkaas Md. Saylici waxa xafiisyadooda laga waayay laba masuul oo kala ah hantidhawraha guud ee qaranka Md. Maxamuud Aw Axmed iyo guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Md. Muxumed Aw Axmed,  inkastoo ay shaqaalah xafiisyadoodu sheegeen inay hawl ku maqnaayeen.