Xukuumada Madaxweyne Silaanyo Goorma Ayey Baranayaan Habmaamuuska Dawliga Ah Iyo Maamulka Dawladnimo

20
703

Shacabka Somaliland iyaga oo ka xun waxay dareemayaan in ay xukuumada madaxweyne Silaanyo aad ugu liidato hab maamuuska dawliga ah iyo nidaamka maamulka wanaagsan ee dawladnimo.

In muda ah waxa laysku maaweelin jiray ama dadka qaar ku doodi jiray in raga iyo dumarka la magacaabay ay yihiin dad saaxada ku cusub oo u baahan in fursad la siiyo, waxay rajo ka qabeen in ay si dhakhso ah wax u baran doonaan oo ay la qabsan doonaan masuuliyada iyaguna isla qabsan doonaan mudo yar ka dib laakiin waxa muuqata in aanay waxaba u kkordhin sadex sanadood kadib.

waxa markasta inagu soo noqnoqonaya fadeexado hab maamuus iyo kuwo maamul iyo khaladaadkii shalay ama ka hor la sameeyey, bal u fiirso oo dhugo odhaahdan “ If you fail to learn from your mistakes, you are going to fail again and again” bal aynu eegno dhawr tusaale : 25/4/2013 waxa dalka Itobiya ku dhintay abwaan caan ah oo la odhan jiray Cabdilaahi Macalin (Dhoodaan), aaskii marxuumka waxa tagay in ka badan afartan masuul  oo ay mid yihiin 5 wasiir, ma xuma in ay xukuumadu ka qayb gasho haddiise la tegayo wadan kale lagama gudbi karo ama lays kama dhaafi karo hab maamuuska dawliga ah, waxay ku haboonayd in xukuumadu wafti rasmi ah oo kooban u dirto oo wakiil ka ah xukuuma iyo shacbiga Somaliland.

11/1/2013 waxa geeriyooday halyeygii qiimaha badnaa gudoomiyihii Banka Dhexe ee Jamhuuriyada Jabuuti, Jaamac Maxamuud Xayd, tacsidiisii waxa ka qayb galay masuuliyiin Somaliland ah oo 70 kor u dhaafay marka laga reebo qaraabadii iyo asxaabtii marxuunka  waxa ka mid ahaa 10 wasiir oo ka dhigan kala badh golaha wasiirada xukuumada Somaliland.

Shirkii London ka dhacay 7/2/2013 dawlada Ingiriisku Somaliland waxay ka casuuntay 3 xubnood  haseyee waxa si habaqle ah iskaga tegay in ku dhow 15 xubnood marka laga reebo tiro kale oo laga soo celiyey Addis Ababa.

laba jeer oo madaxweynaha JSL Md. Axmed Mohamed Mohmoud laga casuumay  Isu taga Imaaraadka Carabta, safarkii hore isaga iyo wafti balaadhan oo la socday hotel-kii la dejiyey waxay ku sii nagaadeen 13 habeen oo ka baxsan martiqaadkii rasmiga ahaa.

hotel-ka waxa intaa u dheeraa hugunka iyo cagta jaaliyada Somaliland ee ku nool wadama khaliijka oo si raabo-raabo ah u soo booqanayey waftiga.

Safarkii dambe waxa loo soo diray diyaarad khaas ah maxaase dhacay: halkii madaxweynaha  iyo dhawr qof oo kale ka raaci lahaayeen , diyaaradii may kicin ilaa laga buuxiyey kuraasidii oo dhan.

Bal iyana aynu milicsano dhanka dalka gudihiisa : markasta oo madaxweynuhu dhoofaayo ama dalka ku soo noqonayo waxa sii sagootiya ma soo dhaweeya dhamaan golaha wasiirada, agaasimayaasha guud iyo masuuliinta kale ee dawlada iyo madaxda ciidama kala duwan.

Munaasabadaha muhiimka ah ee madaxweynuhu ka hadlaayo waxa madasha iska soo buuxiya wasiirada iyo madaxda kale ee hay’adaha dawlada iyaga oo aan la casuumin si ay isku tusaan madaxweynaha ama sacabka ugu tumaan, isaguna madiido.

Mar walba waxaa la arkaa ama shaashadaha telefishanada laga daawadaa tiro wasiiro ah oo fadhiya xaflad madarasad sanad dugsiyeed loo xidhayo ama loo furayo oo xafiisyadoodii soo baneeyey iyaga oo ka dhumanaya dadkii ay shaqada u hayeen.

Hoos u dhaca haybadii iyo karaamadii wasiirnimo ka sakow waxay tilmaamaysa in aanay shaqo ka socon xafiisyada dawlada, waxa kale oo ay tilmaamaysa in aanay jirin cid ay ka baqayaan oo ku daba gasha, qiimaysa ama kala xisaabtanta hawlaha qaranka  ee loo igmaday.

Cabdiraxman Cadami

abdirahmanadami@yahoo.com

Comments are closed.