Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi Oo Sheegay In Lagu Dhaawacay Qorshe Ay Xukuumaddu Soo Abaabushay Iyo Mudanaha Falkan Lagu Eedeeyay Oo Ka Jawaabay

0
681

 

Picture8Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi, oo ah guddoomiyaha guddiga khayraadka dabiiciga ah ee golaha wakiilada, ayaa sheegay inuu shalay weerar gacan ka hadal ah kula kacay xildhibaan Xariir Siciid Bulaale oo ka tirsan golaha wakiilada, kaas oo uu sheegay inuu wasiirka macdanta iyo biyuhu u soo adeegsaday.

Xildhibaan Siciid, oo dhawr goor soo bandhigay dhaliilo uu u jeediyay sharciyada ay dalka ku joogaan shirkadaha shisheeye ee sahaminta shidaalka dalka ka wadaa, wuxuu sheegay in xildhibaan Xariir uu shalay si cad ugu qaaday weerar uu dhaawacyo ugu gaystay. Xildhibaan Siciid, oo shalay Geeska Afrika u waramay ayaa hadalkiisa ku bilaabay, “Maanta ( Shalay ) intaan la fadhiisan fadhigii golaha aniga oo maraaya barxada golaha waxa weerar kedis ah igu soo qaaday nin xildhibaan ah oo ka tirsan golaha wakiilada dhawr goor oo horena  hanjabaado hawada iiso marinaayay, una hadlaayay arin ku saabsanayd shidaalka, markii uu isoo weerarayna waxaan ku war helay uun feedhka uu igu dhuftay iyo hadalka ah ( Maxaa wasiirkayaga ku dabo dhigay ) haba yaraatee wax dhib ah oo shaqsiyan naga dhaxaysayna ma jirto oo aan ka ahayn dhawr goor oo aan ka hadlay arimaha shidaalka oo uu  isaguna ka jawaab celinaayay.” Ayuu yidhi Siciid.

Xildhibaan Siciid wuxuu intaas raaciyay, “Arintan waxaan u haystaa inay qorshe abaabulan ahayd waanay soo bixi doontaa ciddii ka danbaysay, laakiin digniin ah in weerar igu soo maqanyahay  mudaba waan qabay, wakhtiga uu isoo weeraray waxyar ka hor ciidanka boolisku xildhibaankan waxay ka qaadeen baaskoolad uu u sitay inuu hawshan ku fuliyo, alle waxaan uga mahadnaqayaa in waxii layla doonayay aanay dhicin.”

Wargeyska Geeska Afrika, waxa kale oo uu dhinaciisa la xidhiidhay xildhibaan Xariir oo uu xildhibaan Siciid ku eedeeyay inuu ku soo qaaday weerar loo soo qorsheeyay.  “ Waxaanu nahay gudida khayaraadka dabiiciga ah, markaas dhawr jeer isaga oo magaca gudida ku hadlaaya oo gudoomiye sheeganaya ayuu in badan warbaahinta ka hadlay, aniga iyo xildhibaano kale oo gudida ka mid ah ayaa u yeedhnay oo nidhi magacayaga haku hadlin inaga oo aan kulmin arintaasna waa uu joojin waayay, markii aanu maanta( Shalay ) isugu nimid xeerkii macdanta iyo biyaha oo gudi hoosaadkayaga uu hayo, ayaan ku nidhi xeerkii golaha dhex keen aanu saxeexno waxaanu igu yidhi ( tag nacasyaw nacasku dhalay), anaga iyo xildhibaanka waxa na dhex marayna waa shaqadaydii.”

Xildhibaan Xariir, waxa la weydiiyay sida uu iskaga difaacayo eedda ah inuu u soo adeegsaday Wasiirka macdanta iyo biyuhu, waxaanu yidhi “Wasiirku inuu joogo iyo inuu maqan yahay ma ogi, waxna kama oga dagaalkayaga. Anigana dhaawacyo waa ay igu yaalaan isagana waa ay ku yaalaan, imikana shir gudoonkii ayaa na dhex dhexaadiyay oo guddi u saaray arinka Sabtida na dhex-dhexaadinaysa.”

Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi, ayaa ayaa dhawr goor si ba’an u naqdiyay heshiisyada ay xukuumadu la gashay shirkadaha hawlaha sahaminta shidaalka dalka ka wada, oo uu sheegay inaan la horgayn golaha wakiilada. Waxaana dhawr goor isna u jawaabay xildhibaankan Xariir Siciid Bulaale oo eedaymo u jeediyay xildhibaanka ka hadlay hawlaha sahaminta shidaalka.