Weeraro Ismiidaamin Ah Oo Muqdisho Ka Dhacay Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

5
565

Picture5Muqdisho(Geeska)-Qaraxyo ismiidaamin ah oo xooggan ayaa ka dhacay barxadda iskaashatooyinka oo ka soo horjeedda dhismaha ex-fiyoore oo ku dhow Maqaaxida Village ee magaalada Muqdhisho ee dalka Somaliya. Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarkaas.

Inta la ogyahay 15-qof oo isugu jiray shacab iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somaliya ayaa qaraxyadaas ku geeriyoodey, iyadoo ay ku dhaawaceem in ka badan 20-qof oo dad rayid ah u badan.

Weeraradan ayaa waxay ahaayeen kuwo isugu jira gaadhi miineysan oo ku qarxay barxadda iyo ruux markaas kadib ismiidaamiyay, iyadoo la sheegay in ruuxa isqarxiyay uu sababay inta badan khasaaraha dhimashada ee tirada badan.

Madaxweynaha Somaliya oo ka hadlay weerarkan ayaa ku tilmaamay mid naxariis darro ah oo lagu laayay dad aan waxba galabsan, isagoo sheegay inay qayb ka tahay qorshayaasha ujeeddo la’aanta ah ee shacabka lagu laynayo“Inta aan maqlay waxaa ku dhintay qaraxyadan 14-qof, waxaana dadkani ay intooda badan dhinteen iyagoo doonayay inay u gurmadaan dad waxyeello ay ku gaadhay qaraxii hore, waana arrin xanuun badan.”

Xildhibaan Xiis oo ka mid ahaa xildibaanno ku sugnaa Maqaaxida Village ayaa sheegay inuu arkay dhimashada 10-qof oo rayid ah, kuwaas oo isugu jiray siddeed rag ah iyo laba dumar ah, oo ku dhintay qaraxii uu ruuxa miineysan geystay.

Weerarada noocan ah ayaa ku soo kordhaya muddooyinkii u dambeeyay magaalada Muqdisho, waxaana dhawr habeen ka hor ay qaraxyo bamboo gacmeed ahi ka dhaceen gudaha magaalada Muqdisho.

Comments are closed.