Xukuumada Ingiriiska Oo Nasiib Daro Ku tilmaantay Go’aan Maxkamada Sare Dalkaasi Gaadhay

0
3168

 

London (Geeska/FCO)-Xukuumadda Ingiriiska ayaa nasiib daro ku tilmaantay go’aan Maxkamada sare ee UK ka gaadhay dacwad ku saabsanayd xasuuq loo geystay jabhadii Mau Mau oo u halgami jirtay xornimada Kenya.

Halgamayaashii jabhada Mau Mau ayaa muddo dheer u sheeganayey xukuumada Ingiriiska inay magdhow ka bixiyaan xasuuq kala duwan oo Ingiriisku u geystay xilligii ay halganka xoreynta Kenya ku jireen.

Maxkamada sare UK aya ashalay go’aan rasmi ah ka soo saartay dacwada halgamayaasha Mau Mau ku dalbanayeen magdhowga, kuna sheegtay inay waajib tahay ka garnaqa dacwadaa ooh ore xukuumada Ingiriisku u diidayn.

Afhayeen u hadlay wasaarada Arrimaha Dibedda u hadlay ayaa sheegay in xukuumada Ingiriisku nasiib daro u aragto go’aanka maanta maxkamada sare ee UK gaadhay.

Qoraalka afhayeenka Arrimaha Dibedda oo lagu baahiyey barta ay ku leeyahiin net-ka  ayaa lagu sheegay, "Go’aankani maaha bixinta magdhow, laakiin, hab raac meesha ka saaraya dhegeysiga dacwadahaa oo hore u xanibnaa, isla markaan aogolaanay in maxkamadahu ka garnaqaan.

Wakhtiga sharciyan dacwadaha madaniga la soo oogo waxay ku qeydnaayeen 3 ilaa 6 sannadood. Balse, kiiskan waxuu ogolaanayaa ilaa 50 sannadood  ka hor, inkastoo hogaamiyeyaashii xilligaasi dhinteen, awoodina inay cadeeyaan waxii dhacay. Maadama arrintaasi muhiim tahay waxaan doonaynaa inaan racfaan ka qaadano, inta ka horeysana xukuumadu wax tafaasiil ah kama bixin doonto kiiskaa.

Sidoo kale ma dafirsanin in dadka dacwoonaya ay ka soo gaadhay xasuuq iyo tacadi gacantii maamulkii gumaystaha, isku dhac iyo dhibaatana ka timi ka horimaadka wakhtiyadii xaaladaha degdegu socdeen. Waana waajib in qofkii xuquuq sheeganaya uu dacwadiis au gudbiyo maxkamada ay khusayso.

Ugu danbayn, xidhiidhka UK iyo Kenya iyo labada shacab waxuu ahaan doonaa mid adag oo qoto dheer.”