Dahabshiil SMS: Fariinta Qof Walba Sugo Somaliland

0
688

smsWashington (Geeska/Oxfam America)- “Shacabka Soomalida, fariinta ay ka helaan shirkada Dahabshiil, waxay uga dhigan tahay in taageeradii ay ku noolaan lahaayeen soo gaadhay. Anigana, waxay iiga dhignayd daaqad ii furtay fahamkii qaab nololeedka Soomaalida.” Sidaa waxa lagu qoray maqaal Scott Paul, oo Oxfarm America u shaqeeya qoray. Waxaana lagu bilaabay, “Maalintii koowaad ee safarkayga Somaliland, waxaan tegay xarunta guud ee shirkadda Dahabshiil, oo ku jirta laba dhisme mataano ah, laakiin u qorshaysan inay u guuraan dhismaha cusub ugu weyn Somaliland.

 

Waxaan weydiiyey, Cabdirashiid Maxamed Ducaale, oo ah Maareeyaha Guud, halista ugu weyn ee diritaanka lacagaha Maraykan iyo Soomaaliya waajahaan, laakiin, shaki la’aan waxuu iigu jawaabay, “Bangiyada, Bangiyada, Bangiyada.”

Bangiyada qaabka islaamiga u shaqeeya, sida Dahabshiil, waxa jira wakiilo soo ururiya lacagaha, isla markaana bixiya lacagaha, laakiin, iyagu kama soo diraan lacagaha toos Maraykanka ilaa Soomaliya-waa in baananku sidaa sameeyaan.  Sidaa darteed, bangiyo kooban ayaa la shaqeeya shirkadaha xawaaladaha, kuwaa oo wakhtigii ay doonaan joojin kara.

In badan oo Soomaalida Maraykanka ayaa werwer iyo cabsi qaba, ku timi, intii yareyd ee naftood ay ka xanibeen uguna tallogaleen inay ku caawiyaan ehelkooda, in baanankii diri lahaa xilliga ay doonaan joojiyaan ogeysiis la’aan.

Dhowaan ayey ahayd markii bulshada Soomaalida Maraykanka ee degan Minnesota qabanqaabiyeen kulamo, banaanbaxyo iyo joojin, ay ku khasbayaan baananka iyo saraakiisha xukuumada inay raadiyaan xalkii diritaanka lacagahaasi ku sii socon lahaayeen.

 Hore si quman umaan fahmayn cabashadooda, markaa waxaan go’aansaday inaan soo ogaado sida Soomaalidu uga helaan lacagaha dibedda, iyo sida shirkada Dahabshiil u ilaaliso diritaanka lacago aan sharciga waafaqsanayn.

Saaxiibkay, Kate, oo badi jecel waaya-aragnimada ayaa ogolaaday inuu iiga soo diro $60 Minneapolis . waxay gudbisay liisankii gaadhiga, iyo telefoon lambarkedii, iyo sawirka baasaboorkayga iyo lambarkaygii Somaliland. Shan iyo toban daqiiqadood ka dib, masaafo fogaanteedu gaadhayso 8,000 miles, waxa iigu soo dhacay telefoonkaygii gacanta, “Waxaa fariin kuu taal Dahabshiil.”

Shacabka Soomalida, fariinta ay ka helaan shirkada Dahabshiil, waxay uga dhigan tahay in taageeradii ay ku noolaan lahaayeen soo gaadhay. Anigana, waxay iiga dhignayd daaqad ii furtay fahamkii qaab nololeedka Soomaalida.