Xafiiska Hargeysa Ee Xidhiidhiyaha Qaramada Midoobay Oo Beeniyey Warbixin Eedaysay Xafiiska UNDSS

0
633

 

unkHargeysa(Geeska)-Xafiiskada xidhiidhiyaha Qaramada Midoobay ee fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa ayaa beeniyay warar ay warbaahinta qaarkeed baahisay oo sheegayay in xafiiska qaabilsan amniga shaqaalaha Qaramada Midoobay ee UNDSS uu qayb ku lahaa warbixin lagu dhaleeceeyay ammaanka Somaliland oo loo gudbiyay xarunta Newyork ee Qaramada Midoobay.

 

Xafiiskan Hargeysa degen, ayaa qoraal uu Khamiistii 4 Oktoobar, soo saaray, wuxuu ku beeniyay wararkaas, waxaanu warsaxaafadeedka Qaramada Midoobay u dhignaa sidan:  “Warbaahinta maxaliga ah  ee  Somaliland  ayaa  dhawaan  qortay  warar  lagu sheegayey  in  xafiiska  qaabilsan  aminga shaqaalaha  ee  UNDSS  uu  ka  qayb-qaatay  warbixin  wax  lagaga  sheegay  amniga  Somaliland. Xafiiska Xidhiidhiyaha Qaramada Midoobay wuxu halkan ku caddeynayaa in xafiiska UNDSS Hargeysa aanu qorin isla markaana ka qayb qaadan warbixintaas oo la sheegay in loo gudbiyey USG UNDSS.  

 Shaqada Xafiiska UNDSS waa in uu hubiyo amniga iyo nabadgalyada shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Somaliland kumana talo jiro in uu gudbiyo warbixin lid ku ah amniga Somaliland.”