Xukuumaadda Oo Qoysaskii Guryuhu Kaga Gubteen Hargeysa Baco U Waydiisay Hay’addaha

1
1793

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in aanay dadkii guryuhu kaga gubteen xaafadda State-house-ka doraad ay hay’adda qaramada Midoobay u qaabilsan qoxootiga ee UNHCR ay u waydiiyeen caawimo.

Wasiirka Dib-u-dajinta Somaliland Axmed Cabdi Kaahin oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa, ayaa yidhi “Shalay (Doraad) waatii gubatay xaafada state-houska ee buulal yarta ah, waxa dhacday markaas in dad badani ay ku dhaawacmeen hal qofna uu ku dhintay, gurmad badan ayey u baahn yihiin in loo sameeyo, hay’adda UNHCR ayaanu u waydiinay baco ay dadku galaan iyo weel hadday tahay iyo waxa ay hayaan ee ay gaadhsiin karaan dadkaas uu dabku baabiiyey.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray “Hay’adaha oo dhan waan isugu yeedhay waxaanu ka dalbanay inay caawiyaan dadkaas ay ku timid maqaadiirtu ee dhibaatadu heshay sidii meel loogu heli lahaa ay gabood ka dhigtaan dadkaasi”

Wasiir Axmed Cabdi Kaahin, waxa kale oo uu sheegay”Annaga waxa nala gudboon inaanu dadkaas ay soo gaadhay tabaaladu u gurmano oo gadhsiino wixii aanu karo ka dawlada ahaan, mar kasta diyaar ayaanu u nahay inaanu dadkaas ay tabaaladu soo gaadhay caawino hay’aduhu wixii ay ku tari karaana u waydiino” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyay sababta xukuumad ahaan ay gurmad ugu samayn waayeen ka hor waxa ay hay’adaha u waydiinayaan “hay’aduhu way hayaan wixii ay kaga tabaabulshaystaan (Masiibooyinka) waxaana u yalaan bakhaaradooda, laakiin anagu kacanta kuma hayno”

Comments are closed.