Idaacadda Qur’aanka Kariimka Ah Oo Laga Hirgaliyey Burco

0
1785

Burco (Geeska) – Wasaaradda warfaafinta, Wacyigalinta iyo dhaqanka Somaliland, ayaa shalay si rasmi ah Magaalada Burco uga hirgalisay Idaacadda Qur’aanka Kariimka ah oo laga dhageysan karo FM. 88.6, taasi oo horena looga hirgaliyey Magaalada Hargeysa.

Munaasibadda lagu shaaciyey idaacadda Qur’aanka kariimka ah, ayaa waxa ka qayb-galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdirashiid Jibriil Yuusuf, Masuuliyiin ka socday shirkadda Isgaadhsiinta Telesom oo door ku lahayd hirgalinta idaacaddan iyo weliba maamulka Togdheer iyo ka degmada Burco.

Ugu horeyn, waxa halkaasi ka hadlay Maxamed Cabdi Axmed oo ku hadlayay Magaca shirkadda Telesom, waxaanu sheegay in Wasaaradda Warfaafintu ula tagtay fikirka ah in idaacadda Qur’aanka Kariimka ah laga hirgaliyo Magaalada Burco “Runtii fikirka aasaaska idaacaddan waxa noola yimid wasaaradda Warfaafinta Somaliland, shirkad ahaana waanu ka caqbalnay, ILAAHAY Mahadii waa guul weyn oo la gaadhay” ayuu yidhi Maxamed Cabdi Axmed.

Munaasibadda Magaalada Burco lagaga furayey idaacadda Qur’aanka Kariimka ee Radio Hargeysa oo ay ka hadleen masuuliyiinta Gobolka Togdheer iyo degmada Burco oo soo dhaweeyay idaacaddan, ayaa waxa isaguna ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaradda warfaafinta Somaliland Cabdirashiid Jibriil Yuusuf “Ka Wasaarad ahaan, rejada iyo hadafkayaga dhow waxa weeyaan in dhamaanba la gaadhsiiyo Goballada dalka oo dhan idaacadda Qur’aanka Kariimka ah” ayuu yidhi agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafintu, waxaanu intaa ku daray “Idaacadda Quraanka Kariimka ah intii aan FM-ta laga dhigin waxaanu galinay qaybta Satellite si ay Idaacaddu Caalamka u gaadho”

Agaasimuhu wuxuu sheegay inay dhawaan samaynayaan Mareeg laga dhageysan karo idaacadda Qur’aanka Kariimka ah “Haddii Alle yidhaahdo, dhawaana waxaanu rejaynaynaa inaanu idaacadda u samayno Website gaar ah si halkaasi looga dhagaysto Qur’aanka Kariimka” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Gobalka Togdheer wuxuu nasiib u yeeshay inuu noqdo gobalkii labaad ee laga furo idaacaddaasi, hambalyo ayaan reer Burco leeyahay, waxaan amaan  u soo jeedinaynaa shirkadda isgaadhsinta Telesom oo kaalin Muhiim ah ka qaadatay sidii ay u hirgali lahayd Idaacadda Qur’aanka Kariimka ah"