Xasan Seekh Oo Raysal-wasaare Saacid Ka Dalbaday Inuu Iscasilo

4
607

Picture1Muqdisho (Geeska) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay inuu ka dalbaday raysal-wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) inuu is-casilo, inkastoo ra’iisul wasaaruhu uu arrintaas si cad ugu gacan-saydhay.

Warar ay warbaahintu helayso ayaa sheegaya in arrintan ay sababtay khilaaf soo dhex-galay Madaxweynaha iyo raysal-wasaaraha, iyadoo raysal-wasaaruhuna uu billaabay inuu kulammo la yeesho la taliyeyaashiisa gaarka ah. Lamana oga go’aanka uu ra’iisul wasaaruhu qaadan doono, iyadoo idaacadda VOA-da ay sheegtay in ilo wareedyo la xadhiidhtay ay u xaqiijiyeen in arrintan ay ka dhalatay kaddib markii madaxweynaha iyo ra’iisul waasaruhu ay isku khilaafeen tirada laga dhigayo golaha wasiirrada xukuumadda oo la doonayo in la isku shaandheeyo.

Sidoo kale, warar kale ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaruhu uu kalsoonidii ka waayay qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada, iyadoo khilaafkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo soo dhexgalay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saacid oo muddo hal sano ah wada-shaqeynayay.

Madaxtooyada Somaliya iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa labadooduba ka gaabsaday inay arrintan ka hadlaan, waxaana socda kulammo gaar-gaar ah oo arrintan la xiriiran.

Ra’iisul wasaaraha Somaliya ayaa dhowr bilood ka hor sheegay inuu isku shaandheyn iyo ballaadhin ku sameynayo golihiisa wasiirrada, isagoo xusay in goluhu ay noqon doonaan 23-wasiir iyo in la mid ah, inkastoo uusan si rasmi ah carrabka ugu dhufan tirada golaha wasiirrada.

Madaxweynaha Somaliya oo xilka u magacaabay ra’iisul wasaare Saacid bishii November ee sannadkii hore 2012-ka ayaa sheegay in sababta uu u doortay ay tahay inuu yahay shaqsi ay si aad ah isku yaqaanaan ayna wada shaqeyn karaan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in madaxweynaha uu sidoo kale ku mashquulsan yahay wadatashiyo la xidhiidha sidii ay u suurogeli lahayd inuu xilka ka dago ra’iisul wasaaraha Somaliya, iyadoo aan la ogeyn sida uu isku bedeli karo xaalka taagan.

Comments are closed.