Xukun Xadhig Ah Oo Lagu Riday Hoggaamiye Jabhadeed Iyo Dambiga Uu Galay

0
561

Xukunkiii ugu horeeyay ee ay riddo maxkamada caalamiga ee danbiyada ayaa lagu xukumay hogaamiyihiii hore ee maleeshiyada Congo afar iyo toban sano.

Bishii March Mr. Thomas Lubanga ayaa lagu helay danbi inuu caruur u qortay askar markii uu socday dagaalkii Congo intiii u dhaxaysay sanadkii 2000 iyo 2003dii. Waqtigaas Lubanga ayaa hogaaminayay kooxdiii ugu waynayd ee dagaalamaysay.

Markii ay dacwadu socotay dacwadoogayaasha ayaa sheegay inuu ilmo aad u yar oo kow iyo toban jir ah uu ku qasbi jiray inay dagaalamaan, gabdhahana uu isticmaali jiray inuu la seexdo.

Dacwad oogeyaasha ayaa hore u dalbadey in 30 sanno oo xadhig ah lagu xukumo Thomas Lubanga. Xiligii dhegeysiga go'aanka, Garsoore Adrian Fulford waxaa uu ku bogaadiyey dagaal oogahan hore , Lubanga akhlaaqda iyo iskaashiga uu muujiyey intii dacwadiisa ay maxkamadda ka socotey, laakiin waxaa uu si weyn uga soo horjeedey dabeecadda iyo hab dhaqanka dacwad oogihii guud ee hore ee maxkamadda ICC Luis Moreno Ocampo.

Waxaa uu ku eedeeyey Luis Moreno Ocampo inuu sameeyey qaladaad, inuu ku guuldareystey soo gudbinta cadeymo uu ku taageero eedeymaha uu soo jeediyey, iyo isagoo shaqaalaha la shaqeeya u oggolaadey inay warar aan sugneyn siiyaan saxaafadda.

Dacwadan laguma soo hadal qaadin wax la xidhiidh magdhow la bixiyo, waxaana labada dhinac la siiyey 30 maalmood oo ay rafcaan waydiisan karaan.