Maxkamada Sare Ee Masar Oo Diiday Soo Laabashada Baarlamaanka Iyo Talada USA

0
523

Picture2Qaahira, (Geeska/AP)- Maxkamada sare ee Masar ayaa soo saartay go’aan lagu diiday go’aan Madaxweyne Morsi dhowaan dib ugu yeedhay baarlamaankii la kala diray.

Go’aanka Maxkamada ayaa yimi saacado ka dib markii wakiilo gaadhaya 508 fadhi ku yeesheen xaruntooda, una codeeyeen sidii ay u xal sharci ugu raadsan lahaayeen go’aankii hore Maxkamada dastuurku ugu baabi’isay doorashadii mudaneyaasha, sababo khaladaad awgeed.

Go’aanka shalay ayaa la sheegay inuu sii balaadhin doono khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Morsi iyo hogaanka Milaretiga awooda badan, oo hore 15 June u kala diray baarlamaanka. Milateriga ayaa mar danbe soo saaray qaraaro badan oo kordhinaya awoodahooda, halka dhinaca kalena ka yareynayo kuwa Madaxweynaha la dooranayey.

Wararka laga helayo Masar ayaa la sheegay in maqalkii go’aankaasi ay ku  tilmaameen sharci daro boqolaal kun oo taageerayaasha madaxweyne Morsi ah oo isugu yimi fagaaraha Xoriyada ee Qaahira.

Mohamed El-baradi, oo hore u ahaan jiray Madaxii qaramada Midoobay u qaabilsanaa baadhitaanada Hubka, ayaa cadeeyey si loo baajiyo  sii balaadhashada khilaafkan loo baahan yahay kulan ay wada yeeshaan madaxweyne Morsi, hogaanka Milateriga iyo baarlamaanka, si isfaham loo gaadho.

Sidoo kale, madaxa garyaqaanada Masar, Axmed Al Zend, aya au soo jeediyey madaxweyne Morsi inuu muddo 36 saacadood kaga laabto go’aankii soo laabashada baarlamaanka, hadii kale garyaqaanadu talaabo sharci ka qaadi doonaan.

Dhinaca kale, Xoghayaha arrimaha Dibedda Maraykanka, Hillary Clinton ayaa la sheegay inay socdaal ku iman doonto Masar maalinta sabtida ayaa ku baaqday in isfaham lagu dhameeyo wax kasta, booqashadeedii ugu horeysay ila amarkii Madaxweyne Morsi xilka qabtay.

Ilaa 1970-kii, Masar ayaa ahayd saaxiibka dhow ee Washington ku leedahay gobolka bariga dhexe.