Yaasir Carafaat Oo La Xaqiijiyey In Uu U Dhintay Sunta Polonium

0
557

Warbixin baadhiseed oo ay Aljazeera wadday muddo 9 sano ah… waxa soo akhriyey Kamaal A. Ali.. Q:4aad

 

Picture3

Sirta cid waliba gaar u qarsatay:

In kasta oo ay bilowgiiba soo baxeen wararka sheegaya in madaxweyne Carafaat uu u dhintay sun, haddana waxaa dadka dunida oo dhan yaab ku noqotay sida ay madaxda Falastiiniyiinta iyo qoyska Carafaat labaduba u qariyeen xogaha caafimaad ee la xidhiidha madaxweynaha, waxaa arrin su’aalo badan dhalisay noqotay markii qoyskii iyo qaraabadii Carafaat ay isku qabsadeen cidda uu cisbitaalka Faransiisku u dhiibayo warbixinta marxuumka, waxase kaba sii yaab badnayd markii guddi ay xukuumadda Falastiiniyiintu u saartay baadhista sababta dhimashada Carafaat oo ahaa guddi heer wasiiro ahi ay ka gaabsadeen in ay baahiyaan natiijada ay gaadheen.

Waa suurtogal in culays dibadda ahi jiray oo laga dalbaday in aanay sheegin xogtan si aanay cadho iyo gadood uga abuurin Falastiiniyiinta dhexdooda iyo guud ahaanba dunida Islaamka, waxaa iyaduna suurtogal ah oo weliba marar dambe soo yara baxday in baadhista cidda sunta soo gaadhsiisay Carafaat ay soo galayso masuuliyiin sare oo Falastiiniyiin ah, sidaa awgeedna ay maamulka Falastiiniyiintu ka baqeen in maamulkooda dhexdiisa qarax ka dhaco oo bubur iyo khilaaf gudaha ahi yimaaddo.

Bilowgii dhimashada hoggaamiye Carafaat waxa ay dadku dareen shaki oo badan ka muujiyeen qaabka ay ehelada marxuumka iyo masuuliyiinta Falastiiniyiintu uga hadleen dhimashadiisa, waxa aanaynu tusaale u soo qaadan karnaa:

23-kii November 2004: Waxaa hadlay Naasir Qudwah oo ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee Falastiiniyiinta waxa aanu sheegay in nuskhad ka mid ah warbixinta caafimaad ee Carafaat ay Faransiisku isaga ku wareejiyeen, maadaama oo ay qaraabo ahaayeen Carafaat. Shir jaraa’id oo uu magaalada Paris ku qabtay ayaanu ku sheegay in warbixinta caafimaad ee cisbitaalka Faransiisku ku wareejiyey ay ka kooban tahay illaa 558 bog oo ay la socdaan sawirro shaybaadh. Qudwah waxa uu markan sheegay in warbixinta aanay ku jirin wax caddaynaya raad sun la yaqaanno ah, laakiin haddana meesha kama uu saarin suurtogalnimada in la sumeeyey Carafaat, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Maadaama oo aan illaa hadda la haynin caddaynta sababta dhabta ah ee uu Carafaat u dhintayisla markaana warbixinta lagu sheegay in aan wax sun ah oo la yaqaanno laga helin shaybaadhkiisa, waxa aanu aaminsanahay in labadaa qodob ee muhiimka ahi ay caddaynayaan in weli su’aalo aan jawaab loo haynin jiraan, mustaqbalkana ay sii jiri doonaan” Naasir Qudwa waxa uu sheegay in baadhitaan rasmi ah lagu samaynayo dhimashada Carafaat oo loo saari doono guddi isugu jirta khubaro carab iyo Faransiis ah. Si kastaba ha ahaato ee hadalkan Naasir Qudwah cidi siima wadin xukuumadda Falastiiniyiintuna may qaadin wax tallaabooyin ah oo caddaynaya in ay baadhitaanka uu Qudwah sheegayo samaynayaan

Oktoobar 2005: Axmed Qurayc oo ah raysalwasaarihii hore ee Falastiiniyiinta ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay faafin doonto warbixinta ay dhimashada Carafaat ka samaysay guddi wasiirro ah oo xukuumadda Falastiiniyiintu u saareen soo xaqiijinta sababta dhimashadda Carafaat, waxa uu Qureyc sheegay in xukuumaddiisu ay sidoo kale faafin doonto warbixinta cisbitaalka Faransiiska ee la xidhiidha xaaladdii Caafimaad ee Yaasir Carafaat. Waxaa yaab dad badan ku noqotay markii uu Axmed Qureyc sheegay in dhakhaatiir Faransiis iyo Falastiiniyiin ah oo la socday daaweynta Carafaat ay sheegeen in xanuunka helay uu ahaa mid caafimaad ahaan loo waayey daawo, isaga oo haddana aan sheegin waxa uu yahay xanuunkaa la daaweyn kari waayey. Waxaa iyaduna yaab lahayd in warbixinahaa uu Qureyc ballan qaaday aan la baahin, waxase kaba sii yaab badnayd markii raysalwasaare ku xigeenkii Qureyc Nabiil Shacath uu sheegay in guddida wasiirrada ahaa ee arrintan loo saaray aanay helin natiijo rasmiya oo la soo bandhigi karo.

Sidee lagu qaabilay natiijada baadhitaanka Aljazeera:

Xaaskii uu ka tegey Yaasir Carafaat ee Suha ayaa isla markii ay warbixintan soo baxday waxa ay ka codsatay masuuliyiinta Falastiiniyiinta in loo fasaxo soo saaridda maydkii Carafaat si dib loogu baadho loogana hubiyo suntan Polonium ee uu shaybaadhku ka helay agabkiisii, waxaa iyaguna markiiba dalabkan si togan uga jawaabtay xukuumadda Falastiin oo sheegtay in ay Suha Carafaat ka caawinayso wax kasta oo soo dhoweyn kara in la ogaado xaqiiqada dhabta ah ee dhimashada halyeeyga reer Falastiin. Sidoo kale Suha Carafaat waxa ay ka dalbatay ururka jaamacadda Carabta in lagala shaqeeyo xaqiijinta runta inta ka dhiman oo la duugan Yaasir Carafaat.

Suha Carafaat waxa ay sheegtay in Zahwa Carafaat oo ah inanta keliya ee uu ka tegey ay si fiican ula shaqaysay khubarada caafimaadka ee baadhitaanka waday, iyada oo ogolaatay in laga qaado DNA si loogu eego kan aabaheed.

Suha Carafaat in kasta oo ay sheegtay in aanay jirin cid si toos ah illaa hadda uga hortimid baadhitaankan ay gacanta ka geysanayso iyo mawqifkeedan ah in Carafaat uu sun ku dhintay, waxa ay sheegtay in dad badani u digeen iyaga oo u sheegaya in qadiyadda ay faraha la gashay ay tahay mid dawlado waaweyni ay ku lug yeelan karaan, sidaa awgeed waxa ay dalbatay in la sugo amniga nafteeda iyo inanteedaba.

Maamulka Falastiin ayaa isaga oo ka jawaabaya dalabka Suha Carafaat waxa uu dalbaday in la dhiso guddi heer caalamiya oo baadhitaan rasmiya ku samaysa qadiyadda. Waxa ay sheegeen in ay aqbalayaan dalab kasta oo ay Suha Carafaat ku doonto in la soo saaro maydka ninkeeda oo ku aasan magaalada Raamallaah si shaybaadh xeel dheer loogu sameeyo. La soco…