Xubin Ka Mid Ah Hoggaanka Xisbiga WADDANI Oo Ka Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Siyaasig Maxamuud Xaashi Cabdi

0
699

Hargeysa (Geeska) – Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamur), oo ka mid ah hoggaanka sare ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa jawaab ka bixiyey hadal dhawaan ka soo yeedhay Siyaasi Maxamuud Xaashi, waxaanu sheegay inuu hadalkani dhaawacay sharaftiisa iyo siyaasadiisaba.

Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamur), ayaa sidoo kale soo dhaweeyey xeerka dib u furista Ururrada Siyaasadda, waxaanu Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu saxeexo, waxaanu ugu horeyn yidhi “Waa guul kale oo guud ahaan Qaranka Somaliland u soo hoyotay, waa guul kale oo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu xaqiijiyey maanta haddii uu saxeexo guul taariikhiya ayey noqonaysaa, arintaas aad baa loogu faraxsan yahay, xilligii loo baahnaa way timid meel laga dhaafaana aniga iimaay muuqan, ishinkeedii way gashay, waayo haddii aynaan loo saarin shuruuxda xilligaas loo baahan yahay, oo aynaan ku beegin xilligaas loo baahan yahay inay wax inoo furmaan, oo ah sharciga maanta laga soo shaqeeyey oo arinkiisa dhawr bilood lagu jiray, Guurtida wuu ka soo baxay, Madaxweynaha ayuu hor yaallaa, inuu Madaxweynuhu saxeexo ayuun baa u dhiman, sannad kadib urur walba waxaa looga baahan yahay inuu la soo baxo wuxuu umadda u hayey, taas ayuu Dastuurku qabo, Sharciguna weeye, waxayna noqonaysaa guul mar kale u soo hoyotay Shacabka reer Somaliland gaar ahaan guul u soo hoyotay Madaxweynaha, waxaana rajaynayaa inuu saxeexo oo aanu soo celin”.

Mar uu ka hadlaayey khudbad uu Farmaajo jeediyey wuxuu yidhi “Farmaajo iyo ciidankiisa waxaa kaga filan fikirkiisa, khudbaddiisa ayaana kaga filan wuxuu Somaliland ka aamisan yahay, sidii u arko, sidii u arko xaalka Geeska waxaa kaga filan khudbaddiisa, ninka dhegaystaana wuu garanayaa in aanay masuuliyad badani saarnayn, wixiisuna ay carqaladayn iyo rabshad tahay, way iska muuqataa, dhalinyarada iyo dadkani meel ay kala tagaan ma leh, dhalinyaradu waa dhalinyaradii dalkuna waa dalkii, waxay ahayd haddii uu hadlayo inuu u hadlo waxaa jira ee xaqaaqiga ah, wada-hadal baa socday, waxaynu ahayn markii hore laba dawladood oo isku darsaday, markii dambena arinkoodii noqday sidan, inuu halkaas hadalka ka galo ayey ahayd ee midnimo ayaa socota oo dhalinyaro ayaa wada oo aan diraa, oo lacag siiya oo rabsha jiritaanka Somaliland khudbadda noocaasi isagana uma fiicna, Soomaaliweynta kalena uma fiicna, markaas waxaan qabaa inay ninkaas hoos uga dhacday, oo arinkaasi aanu ahayn arinkii meesha yaalay, waxay muujinaysaa calooshiisa waxaa ku jira, isagu uu sheegay oo wuxuu yidhi dhalinyaro dhaq-dhaqaaq wada oo aanu lacag siino ayaa jirta, kuwaasina kuwaas ayey ka mid yihiin, nin walba oo u dhega nuglaado dhawaaqaas dalka iyo dadka lagu burburinayana xabsiga ayaa loo taxaabayaa, maanta Jamhuuriyaddu ma joogto heer la yidhaahdo waa looga baqayaa, nin baa soo diree ha la daayo, dhegaha waa inay furaan, kuwa aanay u dhaadhicin jiritaanka Somaliland calan iyo warqad yar oo la qaatay in wax lagaga bedelayo waa inay ogadaan inay Somaliland markii hore dhiig ku timid, imikana dhiig ku bixinayso, oo arintu aanay taagnayn calan baa la qaatay iyo warqad baa la qaatay, dalkana laguma ciyaaro, qaranimaduna ciyaar ma gasho, dal walba oo dunida tagto ma odhan kartid qaranimadaada ayaan ku ciyaaraya, qaranimada ninka taabtana xabsi baa leh, isagana isku geystay, runtiina dhalinyarada waan uga caqli celinayaa oo fikir ahaan is leh si kale wax u dhiga, waxaana leeyahay insha allaahu wey ka soo noqon doonaan, waayo waa dhalinyaradeenii, waayo in yar oo ma xumayn karaan dhalinyarada faraha badan ee halganka u taagan”.

Mar uu jawaab ka bixiyey hadal dhawaan ka soo yeedhay Siyaasi Maxamuud Xaashi wuxuu yidhi “Siyaasad baynu ku jarnaa hadalka qabyaaladda ah laguma baran inaan ka jawaabana ma jecli, Siyaasiyiinta qaar way ugu tarantaa inay qabiil iyo qabyaalad ka hadlaan, waana waxaan fiicnayn, waxaana qabaa inay siyaasadan aynu ku jirno in qofku si lilaaliya ugu jiro dadkan isku hayntooda wada jirkooda iyo wada joogooda uu ka talinayo ajar buu ka helayaa, haddii arinkiisu yahay dadka kala fogee erayga ku tuur, wixii kala fogayn lahaa keen rejadu haddii ay noocaas tahay saacad walba oo uu siyaasadda ku dhex jiro dambi baa ugu jira, anigu waxaan qabaa Maxamuud haddii aan la kaftamo dadkaas uu sheegay ee faraha badnaa waxay qaadeen maaha cuqdad ee waxay qaadeen waa xanaaq, intaas ayaa ka khaldantay sidaan qabo, waxay ahayd dadka ka xanaaqay Doorashooyinkii hore, oo sababta ay uga xaqeen way caddahay oo way jirtaa oo taariikhda ayaa xustay laakiin inuu yidhaahdo ka cuqdadooday halkaas ayaa dhibaatada ku keentay, halka ay dadka faraha badani ugu jawaabayaan waxay ila tahay inay halkaas tahay, waxay tahay haddii uu ninku Telefiishan imanayo ama Mikifoon waa inuu hadalka iska toosiyaa, waayo taariikhdaadii hore iyo tan aad imika ku taagan tahay waxay fasirayaan sida aad u fikirayso, isagana dhaawac siyaasadeed bay ku tahay, wayna dhaawacday runtii, aniguna inaan ka daba tago ma doonayo oo dhiiqada uu galay aan la galo”.

 

Geeska.net/Hargeisa Office