Hoggaamiyeyaasha Siyaasadda Ee Kenya Oo Ballan-qaaday Inay Taageerayaan Somaliland, Ka Dib Safar Ay Ku Yimaaddeen Haregeysa

0
604

Hargeysa (Geeska) – Hoggaamiyeyaasha Dalka Kenya, ayaa muujiyey inay diyaar u yihiin inay si dhow ula shaqeeyaan Somaliland, maaddaama oo labada dal iska kaashanayaan Amniga Mandaqadda Geeska Afrika.

Senator Mohamed Macalin Maxamuud oo ah Xildhibaan laga soo doortay Mandheera oo ah Gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, ayaa sheegay in haddii ay yihiin Madaxda dalka Kenya, ay diyaar u yihiin inay si dhow ula shaqeeyaan Dawladda Somaliland.

Senator Mohamed Macalim Mahmoud oo ka mid ahaa Wefti culus oo Madaxweynaha Somaliland ku marti-qaaday Xuska 61 Guurada ka soo wareegtay Xilligii Somaliland Xornimada ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska oo lagu qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in Kenya iyo Somaliland yihiin Isbahaysi iska kaashanaya amniga Mandaqadda Geeska Afrika oo labada dalba ku yaallaan.

Senator Mohamed Macalim oo ay safarkiisa ku wehelinayeen Dad Gnacsato ah oo Somaliland u yimid furitaanka qayba cusub ee lagu kordhiyey Dekedda Berbera, ayaa sheegay in Somaliland ku tallaabsatay Horumar weyn, inkasta oo aan la aqoonsanayn.

Xildhibaan Maxamed Macalin oo ka hadlayey Xuska 61 Guurada Madax-banaanida Somaliland, ayaa yidhi “Mudane Madaxweyne, aniga iyo xubnaha kale ee weftiga Kenya aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaanu joogno Somaliland oo aanu la dabbaal-degno Shacabka Somaliland, markhaatina ka noqono laba arimood oo muhiim ah toddobaadkan..”ayuu yidhi Senator-ku, waxaanu intaa ku daray “Midka koowaad waa Daahfurka wejiga koowaad ee ballaadhinta iyo casriyeynta Dekedda Berbera iyo bilaabidda wejigiisa labaad. Taasi waxay ahayd taariikhi muhiim u ah kaabayaasha dhaqaalaha ee Somaliland iyo guud ahaanba Gobolka Bariga Afrika. farxadda labaad ee booqashadayadu waa inaanu ka qayb-galno dabaaldegga Maalinta xorriyadda aad ka qaadateen ngiriiska 26-kii Juun 1960.”

Xildhibaanku wuxuu sheegay oo kale  “Kenya iyo Somaliland waxay leeyihiin xidhiidh taariikhi ah oo wanaagsan. Waxay wadaagaan waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin dhaxal taariikheed oo gumeyste ah. Waxaanu haynaa tobanaan kun oo Kenyan ah oo ku abtirsada Somaliland..”

Xildhibaanku wuxuu sheegay in haddii ay yihiin Hoggaamiyeyaasha Kenya ee Baarlamaanka ku jira ay isku dayi doonaan wax kasta oo kor u sii qaadaya xidhiidhka Somaliland iyo Kenya “Annaga oo ah hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Kenya, xubinna ka ah golaha baarlamaanka Kenya, waxaanu isku dayi doonaa inaan sameyno wax kasta oo aan awoodno, si aan kor ugu qaadno xidhiidhka labadeena dal iyo iskaashiga, iyadoo la adeegsan doono war -murtiyeedyo..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office