Madaxweyne Biixi Oo Sheegay Inay Soomaaliya Ku Xaniban Tahay $ 60 Milyan Oo Baanka Adduunku Ugu Deeqay Somaliland

0
620

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in $60 milyan oo baanka Adduun uu ku Somaliland u soo mariyay dowladda Soomaaliya ay weli ku maqan yihiin gacanta Dawladda Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Somaliland diiday in Baanka Adduunku wixii uu Somaliland siinayo soo mariyo Dawladda Soomaaliya, sidaasi darteed ay weli Gacanta Soomaaliya ku xaniban tahay lacag uu Baanka Adduunku ugu Talo-galay Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlayey Munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay Madaxtooyada oo lagu xusay 61 Guurada ka soo wareegtay xilligii Somaliland ka xorowday Gumaystihii Ingiriiska, ayaa sheegay in Dawladda Soomaaliya si walba si ula dagaalantay Somaliland isla-markaana gaadheen inay Adduunka ka codsadaan in Somaliland laga joojiyo Caawimada dhaqaale, waxaanu yidhi “Waxay soo gaadheen inay ku dacwoodaan sanduqii dhaqaalaha Somaliland ha la joojiyo oo ay yidhaahdaan anaga ha nala soo mariyo..”

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Xamar ay ku xaniban tahay Lacag ka badan 60 Milyan oo Baanka Adduunku ugu deeqay Somaliland “Waxa Maanta xaniban lacag ku dhow ama ka badan $60 milyan, oo 4 tii sano ee dowladda Farmaajo joogtay uu baanka Adduunku u qoondeeyay Somaliland oo iyagu soo qaadeen..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu farriin u diray Baanka Adduunka “Baanka Adduunka waxaanu ku nidhi anagu qoladaa (Soomaaliya) waxba nagama dhexeeyaan, lacagina nooma soo mari karto. Haddana waxaanu u sheegaynaa baanka Adduunka ninkii wax nala damca ama na caawinayaa toos buu noo siinayaa..”

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay Somaliland xaaraan ka tahay wixii loo soo mariyo Soomaaliya “Wixii Xamar soo mara anaga waa naga xaaraan, halkooda ha ku haystaan intaa iyo in ka badan ba” ayuu yidhi.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyey manaasibada 61 guurada kasoo wareegtay markii Somaliland xornimada ka qaadatay Ingiriiska.

 

Geeska.net/Hargeisa Office