Wasaaradda Ciyaaraha Oo Beenisay In La Iiibinayo Laas-geel

0
604

mbHargeysa (Geeska)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dalxiiska Sheekh Maxamed Xuseen Axmed Dhabeeye, ayaa beeniyey, isla markaana waxba kama jiraan ku tilmaamay warar laga qorey oo sheegay in la iibinaayo  Laas-geel, lagana iibinayo cid gaar ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dalxiiska Sheekh Maxamed Xuseen Dhabeeye, oo Shalay Shir jara’iid ku qabtay Xafiiskiisa, ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Wararka lagu baahiyey Warbaahinta, gaar ahaan Mareegaha, ee lagu sheegay in Xukuumaddu iibinayso Laas-geel, waa been, waa war waxba kama jiraan ah, oo xaqiiqda iyo runta ka fog, maxa yeelay Laas-geel, waxa ku duugan Taariikh fac weyn iyo raadad qarniyo ka hor, oo runtii soo jiitay Dalxiisayaasha iyo Beesha Caalamka, waa goob ay ku duugan yihiin xogo iyo macluumad aad u balaadhan, oo u baahan baadhitaan qoto dheer, iyada oo inooga baahan inaynu xafidno, oo ilaashano, laakiin suurtagal maaha, wax caqliga ka fogna weeye in la iibiyo, cid iibin kartaana ma jirto, markaas waxa aan Bulshada reer Somaliland u sheegaya in aanu warkaasi yahay war aan xaqiiqo ahayn”.

Dhanka kale Agaasimaha Waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dalxiiska Somaliland Maxamed Ibraahim Diiriye, oo Agaasimaha guud Shirkan jara’iid kula wehelinayey ayaa dhankiisa ka sheegay in isaga iyo Wasiirka Ciyaaruhu Cali Siciid Raygal ay booqasho ku tageen Laas-geel, si ay u soo indha indhaayeen xaalada dhabta ah iyo dhibaatada ka jirta Laas-geel ee u baahan in wax laga qabto, waxa kale oo uu sheegay inay been tahay in la iibinayo Laas-geel, waxaanu sheegay in loo baahan yahay in si qoto dheer wax looga ogaado Taariikhda Laas-geel.