Xogta Yedioth Ahronoth: Jadwalka Booqashada Madaxweyne Cirro Ee Israa’iil, Furitaanka Safaaradda Qudus Iyo Goobaha Taariikhiga Ah Ee Uu Booqan Doono

0
441

TEL AVIV(Geeska) — Wargeyska ugu afka dheer dalka Israa’iil ee Yedioth Ahronoth ayaa daaha ka rogay faahfaahin xasaasi ah iyo jadwalka rasmiga ah ee booqashada taariikhiga ah ee Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu ku joogo dalkaas. Jadwalkan oo muujinaya maqaam sare oo diblomaasiyadeed, ayaa xambaarsan booqashooyin astaan u ah xidhiidhka cusub iyo kulamo go’aan-gaadhis ah.

Qodobka Ugu Culus:

Madaxweyne Cirro wuxuu magaalada Qudus (Jerusalem)

ka furi doonaa Safaaradda rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Sida uu qoray wargeysku, jadwalka Madaxweyne Cirro waxaa ku jira booqashooyin xambaarsan miisaan weyn oo dhanka taariikhda iyo aqoonsiga ah:

Xarunta Yad Vashem:

Wuxuu sidoo kale tegi doonaa xarunta caalamiga ah ee xusuusta Xasuuqii loo gaystay dadka Yuhuudda ah (Holocaust), ka hor inta uusan u gudbin kulamada madaxda sare.

 La Kulanka Koofiyadaha Waaweyn: Netanyahu Iyo Gideon Sa’ar

Wargeyska Yedioth Ahronoth wuxuu sheegay in maanta oo Isniin ah ay dhici doonaan kulamada ugu miisaanka culus ee go’aaminaya mustaqbalka iskaashiga labada dhinac:

Benjamin Netanyahu:

Madaxweyne Cirro iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa yeelan doona kulan albaabadu u xidhan yihiin oo lagaga wada hadlayo amniga iyo iskaashiga istiraatiijiga ah.

Gideon Sa’ar:

 Wuxuu kulan la yeelan doonaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil si loo nidaamiyo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee rasmiga ah.

Hay’adaha Dhaqaalaha:

 Kulamo gaar ah ayaa dhexmari doona waftiga Somaliland iyo madaxda dhaqaalaha iyo maalgashiga ee dalkaas.

Booqashadan Indhaha Caalamka Soo Jiidatay

Aragtida adag ee ka soo baxday warbaahinta Israa’iil ee ku aaddan booqashada Madaxweyne Cirro, waxay muujinaysaa in go’aankii gobolka Geeska Afrika uu yeeshay weji cusub oo caalami ah, kaas oo meesha ka saaray caqabadihii Muqdisho.