Gariirka Geeska Afrika: Safiirka Somaliland Ee Israa’iil Oo Si Adag U Jabsaday Hanjabaadii Xasan Sheekh: “Jawaab Mudan Ayaa Diyaar U Ah Cadow Kasta!”

0
479

TEL AVIV(Geeska) — Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Israa’iil, Amb. Maxamed Hagi, ayaa si kulul iyo af-haddi dhiiran uga jawaabay hadal dhowaan kasoo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Safiirka ayaa ku tilmaamay hanjabaadaha Muqdisho kuwo xambaarsan aragti dhiig ku daato iyo khatar toos ah oo ku wajahan nabadgelyada nugul ee gobolka Geeska Afrika.

Somaliland waxay sheegtay inay diyaar u tahay “Jawaab

U Dhiganta” haddii lagu soo xadgudbo qarannimadeeda.

“Awood Shisheeye Naguma Cabsi Gelin Kartaan”

Safiir Maxamed Hagi oo hadlayey xilli ay taagan tahay hadal-haynta booqashada taariikhiga ah ee weftiga Somaliland, wuxuu hoosta ka Xariiqay in fikradda ah in awood ciidan ama taageero shisheeye loo adeegsado goosashada Somaliland ay tahay dhalanteed dhalin kara colaad hor leh. Wuxuu caddeeyey in Hargeysa ay haysato cudud ciidan iyo xulufo caalami ah oo ku filan difaaca dalka.

Xigashada Dahabiga Ah Ee Safiirka:

“Somaliland waa dal leh hay’ado amni oo dhisan, awood difaac iyo saaxiibo caalami ah oo ka hor iman kara cid kasta oo isku dayda inay waxyeellayso amniga iyo jiritaanka Somaliland.”

Farriinta Digniinta:

 Wuxuu intaas ku daray in cid kasta oo isku dayda inay huriso colaad ay la kulmi doonto “jawaab u dhiganta”.

Maxay Ahaayeen Hadaladii Xasan Sheekh Ee Kiciyey Xiisadda?

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo wareysi gaar ah siiyey telefishinka, ayaa daaha ka rogay aragti weyn oo dhalisay falcelintan kulul.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in muddo 35 sano ah lagu fashilmay in Somaliland dib loogu soo celiyo wadahadal.

Wuxuu si cad u qirtay in ay suurtagal ahayd in la adeegsado awood ciidan, balse ay doorbideen markii hore waddada wada-xaajoodka.

Hadaladan kasoo yeedhay Muqdisho ayaa loo arkaa isku day la rabto in lagu cabsiiyo Hargeysa, xilli Somaliland ay ku tallaabsanayso guulo diblomaasiyadeed oo caalami ah.