Xogo Xiiso Leh Oo Hurdada Ku Lammaan, Balse Aanay Weli Saynisyahannadu Fahmin Sababtooda

0
399

Hargeysa (Geeska)- Hurdadu waxa ay ka mid tahay baahiyaha aasaasiga ah ee jidhka. Sidaa awgeed xeeldheereyaasha cilmiga nafsiga iyo cilmiga neerfeyaashu waxa ay waqti badan geliyaan daraasaynta hurdada iyo faa’iidooyinka ay jidhka u leedahay. Arrimaha xiisaha leh waxaa ka mid ah in jidhka aadamuhu aanu mar keliya shaqada joojin inta aynu hurudno, balse uu qabto shaqooyinka muhiimka ah ee dhibta badan, hawlaha kaalinta ka qaata koritaanka iyo xoojinta caafimaadka guud.

Marina Nikolaev oo ah qoraa u dhalatay dalka Ruushka ayaa warbixin ay dhowaan ku baahisay shabakadda FBR ee dalka Ruushka laga leeyahay waxa ay kaga warrantay isbedellada xilliga hurdada ku dhaca jidhka qofka.

Seedaha

Marka aynu seexanno muruqyada cagaha iyo gacmuhu waxa ay furfurmaan waxa aanay noqdaan kuwo la moodo in gebi ahaanba bakhtiyey / shaqadii ka tagtay, sida ruuxa marka uu faaliggu ku dhufto, taas oo Meesha ka saaraysa awooddii uu qofku u lahaa dhaqdhaqaaqa caadiga ah.

Dhaqaaqa isha

Hurdadu waxa ay maskaxda iyo guud ahaan jidhka u keentaa nasasho iyo raaxo, iyada oo mar kasta oo ay hurdadu sii qoto dheeraado ay sii badanayso faa’iidada nasasho iyo raaxo ee laga helayaa.

Khubaradu waxa ay hurada u qaybiyaan shan marxaladood oo mid kastaa midda ka horreysa ka sii xeeldheertahay, iyada oo ta ugu dambaysaa ay tahay midda ugu sii kakan, waxa aanay inta badan timaaddaa marka uu qofku qiyaas saacad iyo badh ah uu hurdo. Inta uu qofku marxaladdan ku gudo jiro, ishu waxa ay samaysaa dhaqdhaqaaq xawaarihiisu aad u sarreeyo oo ku socda si aanu qofku ku talagelin. Waxa aanay culimada saynisku sheegeen in sababta dhaqaaqaasi ay la socoto hadba riyooyinka uu qofku arkayo qofka hurdaa, waxa aanay inta badan riyooyinkaasi ka kooban yahay dhowr sawir oo la xidhiidha nolosha qofku uu soo maray dhowaan ama mar hore.

Firfircoonaynta hormoonka koritaanka

Hormoonka ‘Somatotropin’ oo loo yaqaanno hormoonka hurdadu waxa uu ka masuul yahay dedejinta koritaanka lafaha, nudaha, iyo seedaha. Intii uu qofku hurdada ku jiro waxa uu jidhku soo daayaa maaddooyin tiro badan, oo qaarkood ay caawiyaan bogsashada nabarrada iyo dhaawacyada jidhka ku yaalla, waxa aanay cusboonaysiisaa unugyada jidhka.

Xilliga carruurnimada waxa uu jidhka ilmuhu hormoonka ‘Somatotropin’ u soo daayaan si ka duwan dadka waaweyn, taas oo sabab u ah in uu ilmuhu si dabiici ah u koro.

Cidhiidhiga dhuunta

Xilliga hurdada waxaa si la dareemi karo cidhiidhi u noqota dhuunta, sababtuna waa sakati iyo jaahwareer ku dhaca muruqyada oo saamayn toos ah ku yeesha dhammaan xubnaha ka agdhow. Cidhiidhigaas dhuunta ku yimaadda xilliga hurdada waxa ay ka mid yihiin sababaha tirada badan ee keena khuurada.

Jiriqsiga ilkaha

Saynisyahannadu waxa ay sheegeen in isku daboolidda xooggan ama isku xoqiddooda xilliga hurdada oo jiriqsi loo yaqaanno, waxaa keena sababo cilmi nafsi ah, sida daalka jidheed, diiqadda ama culayska nafsiga ah, ama sababo kale oo qaarkood la xidhiidhaan qaabdhismeedka jidheed ee qofka iyo cilmiga loo yaqaanno Morphology.

Waxa se xusid mudan in saynisyahannadu aanay illaa hadda gaadhin in ay xaddidaan sababaha keena in xaaladda aynu ka waramayno dadka qaar lagu arko, halka kuwo kalana aan lagu arkin iyaga oo ilkaha xoog isugu cadaadinaya ama isku xoqaya.

Mararka qaarkood jiriqsiga ilkuhu waxa uu keenaa in dhaawac soo gaadho dhuuxa iligga, ama in qofka ay xanuunaan muruqyada daamamku.

Riyooyinka

Xitaa saynisyahannada casriga ahi weli ma’ay si cilmi ah u fahmin sida ay riyadu ku samaysanto. Waxa aanay dadka oo dhami ogyihiin in maskaxda qofku ay sawirato muuqaallo dabiici ah oo aad u qurux badan, iyo sawirro xiise leh oo la xidhiidha dhacdooyinka nololeed ee maalinlaha ah, iyo wacyiga qarsoon ee qofka. Sidaa awgeed waxa isku darsama, muuqaallo xidhiidh la leh xilliga uu qofku soo jeedo iyo xogaha  sannadaha badan ku kaydsan maskaxda, sida xasuusaha kala duwan ee togan ama taban iyo dareennada qofka.

Illaa hadda saynisyahannadu ma’ay fahmin sababta cilmiga ah ee keenta in marka aynu seexanno ay maskaxdu u aroorto meelo gaar ah, iyo in ay soo doorato qaybo ka mid ah xusuusihii iyo muuqaalladii ama dadyowgii taariikhda qofka soo maray. In kasta oo uu cilmigu aad u horumaray, haddana weli riyadu waa hal xidhaale weyn oo aanay saynisyahannadu faham fiican oo cilmi ah ka haysan.

Qaraxyo lama filaan ah

Dadka qaar ayaa marka ay hurdaan waxa ay maqlaan jabaq xooggan iyo dhawaq qaraxyo u eeg, oo mararka qaarkood ku kallifa in ay hurdada ka boodaan, iyaga oo cabsi iyo aragagax qaba, inkasta oo aanay run ahayn in ay qaraxyo iyo sanqad weyni jirto markaas. Si kastaba ha ahaato ee dadka xaaladahan arka oo la waraystay waxa ay sheegeen in dhawaaqyada ay maqlaan marka ay hurdaan ay yihiin kuwo gaadhsiisan heer uu qofku dhego beel ka baqo.

Waxa ay khubarada caafimaadka qaarkood sheegayaan in dadka xaaladahan isku arkaa ay marar badan qabaan xaalado caafimaad oo nafsi ah, lagana yaabo in ay calaamad u tahay xanuunno nafsi ah oo waaweyn oo qofka ku soo fool leh.

Nadiifinta maskaxda

Saynisyahanno ka tirsan jaamacadda Rochester ee dalka Ingiriiska ayaa baadhis cilmiya oo ay sameeyeen ku ogaaday in maskaxda aadamuhu ay xilliga hurdada soo deysa dheecaanno iyo hormoonno kala duwan oo shaqadoodu tahay ilaalinta jidhka, gaar ahaan maskaxda, isla markaana xusuusta ka nadiifiya waxyaabaha ku urura ee aan waxtarka u lahayn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.