Magacyada Xildhibaanada Saxeexay Mooshinka Kordhinta Tirada Guddiga Doorashada, Xildhibaanada Beelaha Darafyada Oo Fadhiga Ka Dareeray

0
819

Hargeysa(Geeska)-15 xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiilada ayaa shirugddoonka golaha wakiilada u gudbiyay mooshin ay kaga dalbanayaan in wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo xeerka doorashooyinka madaxweynaha iyo goleyaasha deegaanka ee xeer number 20/2001, kaas oo ku jiray heshiiskii ay saddexda xisbi wada gaadheen dhawaan.

Mid ka mid ah qodobadii heshiiska ayaa dhigayay in guddiga doorashooyinka tiradooda la kordhiyo oo laga dhigo 9 xubnood halka ay hadda ka yihiin 7 xubnood, waxase shardi looga dhigay in golaha wakiiladu ansixiyaan, waxaana shalay mooshinkan gaadhsiiyay shirguddoonka golaha wakiilada xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ka tirsan mudanayaasha mooshinka gudbiyay sidoo kalena ah guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani.

Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ah guddomiye-xigeenka 2aad ee golaha wakiilada oo fadhiga guddoominayay ayaa xildhibaan Jirde ka guddoomay mooshinka, waxaana la xaadiriyay mudanayaasha saxeexay oo isugu jiray saddexda xisbi qaranba.

Hase yeeshee waxa golaha ka dareeray mudanayaasha beelaha darafyada oo ku dooday in indhaha laga laliyay saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada oo ay aaminsanyihiin inaanay imika haysan saamigii ay xaqa u lahaayeen gobalada Awdal, Sool iyo Sanaag-bari.

Xildhibaan Cali Barre oo ka tirsan mudanayaasha Sanaag-bari ayaa wuxuu yidhi” Waxaanu nahay xildhibanadii ka soo jeeday deegaanadaas waxaanu uga soo baxnay maadaama oo la yidhi laysu joojin maayo, laysu joojin  maayana Somaliland ka socon mayso, digtoonow oo dib u jeeso oo hore u soco ma socnayso, nin waliba xaqiisa ayuu goosanayaa waanu ka soo baxnay, go’aanka la leeyahay xisbiyo ayaa ku heshiiyay odhan maayo saddex nin oo isku qolo ah, xibsiyadaba shaqo kuma lihin haddaanu nahay beelaha darafyada, ma  ogolin heshiiskaas hadaan saami qaybsigii si cadaalad ah loo helin.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Abubakar Good oo isna ka soo jeeda gobalka Awdal ayaa yidhi  “ Waanu soo dhawaynaynaa heshiiska laakiin waxyaabihii kale ee muhiimka ahaa ee saami qaybsiga ahaa ayaa ka maqan oo qodobkii saamiga halagu soo daro oo 15 sanadood caqabad taagnayd ahayd oo wakhtigaas laga soo hadli jirya sidan cadaalad maaha, oo go’aankii maxkamada ha la fuliyo, waxaan maqlayaa maxkamadaa  loo gudbin doonaa waar maxkamadu ma mid go’aankeeda dib u burisaa oo ku noqotaa, doorashadaas kuma gali karno saamigii aanu Somaliland ku lahayn ayaa loo baahan yahay hadaanu nahay beelaha koonayaasha ha lagu soo daro qodabkaas .”

Hase yeeshee Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo Geeska Afrika u waramay ayaa sheegay inkastoo ay jeclaayeen inay xildhibaanada beelaha darafyadu markhaati ka noqdaan inta la gudbinayo mooshinka, haddana inay ku ixtiraamayaan go’aankooda oo uu sheegay inay hore ugu sii sheegeen, “Bixidii ay ka baxeen way noo sii sheegeen oo waanu ogayn waxbana umay dhimayn mooshinka, inkastoo aanu jeclayn inay markhaati ka noqdaan oo goob joog ahaadaan inta  la gudbinayo haddana waaanu ixtiraamaynaa go’aankooda waanay noo sii sheegeen.”

Mudanayaasha mooshinka saxeexay ayaa waxay nuxurka mooshinkooda gun-dhig uga dhigeen qodobadan:

In wax ka bedel lagu sameeyo xeerka doorashooyinka madaxweynaha iyo goleyaasha deegaanka tirsiga 20/2001, si loo xoojiyo dimuqraadiyadda iyo dheeli tirka guddiga

In gaar ahaan qodobada 11aad faqradiisa 1aad, faraca a), iyo faqradiisa 2aad faraca a)_ iyo b) loo bedelo sidatan

Guddiga doorashooyinku wuxuu ka koobanyahay 9 xubnood oo kala ah a) guddoomiye iyo 8 xubnood

Faraqa labaad guddiga doorashooyinka waxa magacaabaya , madaxweumaja ka dib marka uu helo soo jeedimaha a) 2 xubnood oo golaha guurtidu soo xulo b) 4 xubnood oo ay soo xulayaan xisbiyada mucaaradka (midkiiba laba xubnood) iyo c) 3 xubnood oo madaxweynuhu soo xulayo.

Mudanayaasha mooshinka saxeexay ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin sidan:

Ibraahim Jaamac Rayte

Cabdiqaadir Jirde

Axmed Faarax Cali

Xuseen Axmed Caydiid

Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye

Maxamed Faarax Qabile

Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac)

Maxamed Jaamac Gaaxnuug

Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan

Jaamac Xasan Aadan

Siciid Ismaaciil Warsame

Saleban Diiriye Barre

Aadan Muxumed Hoori Mataan

Ibraahim Mahdi Buubaa

Cali Xaaji Maxamed

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here