Xogo Muhiim Ah Oo La Xidhiidha Cudurka Qaaxada Iyo Heerka Uu Adduunka Ka Marayo

0
234

Hargeysa (Geeska)- Sannad kasta 24 March waxa uu adduunku xusaa maalin lagu suntay maalinta qaaxada ee caalamiga ah. Waa munaasabad loogu talagalay in looga faa’iidaysto kor u qaadista wacyiga iyo aqoonta dadka ee ku aaddan xanuunkan, waana munaasabad dadka talada adduunku ka go’do lagu xasuusinayo muhiimadda ay leedahay in la qaado tallaabooyin lagu horumarinayo daweynta cudurkan, laguna xoojinayo dadaallada lagu dabar goynayo. Maadaama oo uu leeyahay burburin bulsho iyo dhaqaale labadaba.

Qaaxadu waa cudur ku dhaca sambabada oo ay bakteeriya sababto, waxa aana la isugu gudbiyaa hawada la neefsanayo, marka uu qofka cudurka qaaxada qabaa uu qufaco, hindhiso ama candhuuf tufo waxa soo raaca jeermiska cudurka Qaaxada oo si dhaqso ah ugu faafa hawada. Waxa aanay ku filan tahay keliya in qofka badqabaa uu neefsado hawadaa jeermisku raacay, taas oo si degdeg ah ugu gudbinaysa cudurka.

Munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee Qaaxada, hay’adda caafimaadka adduunku waxa ay ugu baaqday dawladaha iyo bulshooyinka cudurkani ka dhex jiro, iyo sida oo kale hay’adaha iyo ururrada bulshada rayidka ah ee adeegyada caafimaad siiya dadka cudurkani ku dhaco in ay ka shaqeeyaan sidii loo wada gaadhi lahaaa dadka adduunka ee cudurkan qaba, loona daweyn lahaa.

Tirakoobyada u dambeeyey ee dadka qaaxada qaba lagu sameeyey waxa ay muujinayaan in ku dhowaad saddex meelood meel dadka adduunku ay qabaan cudurka qaaxada oo qarsoon, taas oo macnaheedu yahay in uu ku jiro bakteeriyada cudurka qaaxada keentaa, laakiin aanay weli ahayn dad bukaan ah oo ay bakteeriyadaasi soo ridatay. Waxa se nasiibwanaag ah in dadka xaaladdan ku jiraa aanay awoodin in ay cudurka gudbiyaan. Iyo in boqolkiiba 10 keliya oo dadkaas ka mid ahi ay khatar u yihiin in bakteeriyadaasi soo ridato oo uu ku dhaco cudurka qaaxadu.

Calaamadaha cudurka qaaxada lagu garto waxaa ka mid ah; Qufaca, xummad, dhidid habeenkii ah, miisaanka oo si aan aad loo dareemay hoos ugu socda muddo dhowr bilood ah.

Waxa ay khubarada caafimaadku aaminsan yhiin in qofka qaaxada qabaa uu sannadka horeba awoodi karo in uu u gudbiyo dad celcelis ahaan tiradoodu gaadhayso 10 illaa 15 ruux.

Sannadkan Maalinta Qaaxada (TB) oo lix maalmood ka hor adduunka laga xusay waxaa halkudheg looga dhigay, “Waa la gaadhay waqtigii” oo looga jeedo in adduunka la xasuusiyo in la joogo waqtigii cudurkan iyo sababaha keena lagu cidhib tiri lahaa.

Munaasabaddan waxa aynu kaga qayb qaadanaynaa in xogo dheeraad ah ka baranno cudurkan iyo halka uu adduunka ka marayo.

  1. 24-kii bishii March ee sannadkii 1882 kii, ayaa saynisyahan lagu magacaabi jiray Dr. Robert Kookh uu ogaaday bakteeriyada Qaaxda sababta. Taas oo gogol xaadh u noqotay in la fahmo cudurkan, lana helo hababka lagu garan karo iyo siyaabaha lagu dabiibi karo. Sababtaas ayaa keentay in sannad kasta maalinta 24 March loo aqoonsado maalinta qaaxada adduunka.
  2. Sannadkii 2015 ka, waxaa cudurka qaaxada adduunka ugu dhintay dad lagu qiyaasay 1.8 Malyuun oo ruux, dadkaas oo 4 boqol oo kun oo ka mid ahi ay la noolaayeen caabuqa AIDS ka.
  3. Sannadkii 2016, waxa uu cudurka qaaxadu ku dhacay dad tiradoodu dhan tahay 10.4 Malyuun oo qof, waxaana u dhintay 1.8 Milyan oo dadkaas ka mid ah, waxaana dadka dhintay ku jiray 4 boqol oo kun oo la noolaa AIDS. Tirakoobyada ay hay’adaha caafimaadka ee adduunku sameeyeenna waxa ay muujinayaan in boqolkiiba 95 dadkaas u dhintay cudurkani ay yihiin dad u dhashay dalalka dakhligoodu hooseeyo ama dhexdhexaadka yahay.
  4. Lix dal oo keliya oo adduunkan ka mid ah, ayaa ay ka soo jeedaan boqolkiiba 60 dadka adduunka ee qaba cudurka Qaaxadu; dalalkaas oo sida ay u kala horreeyaan uu cudurku ugu kala badan yahayna waxa ay yihiin, Hindiya, Indooniisiya, Shiinaha, Nayjeeriya, Baakistaan iyo Koonfur Afrika.
  5. Sannadkii 2016 ka, waxa uu cudurka Qaaxadu waxa uu ku dhacay carruur tiradooda lagu qiyaasay hal milyan oo qof, waxaana dhintay 250 kun oo carruurtaas ka mid ah oo aan qabin caabuqa AIDS ka.
  6. Sannadkii 2016 ka, dadka la qabsaday dawada cudurkan ee sababtaas awgeed cudura Qaaxada ugu dhintay waxa ay tiradoodu adduunka ka gaadhay 490 kun oo qof.
  7. intii u dhexeysay sannadkii 2000 illaa 2016 dadka cudurka Qaaxadu ku dhacay ee inta laga daweeyey ka bogsaday waxaa adduunka lagu qiyaasay 53 Milyan oo qof.
  8. Qorshaha horumarka waara ee dunidu dejisatay sannadka 2030 ka in la dhabeeyo waxaa ka mid ah in laga takhaluso gebi ahaanba cudurka Qaaxada.
  9. Hay’adda Caafimaadka adduunku waxa ay sheegtay in cudurka Qaaxadu uu weli adduunka ka yahay cudur dilaa ah, oo maalin kasta ay u dhintaan ku dhowaad 4500 oo ruux, skda oo kalana maalin kasta ay bakteeriyadiisu ku faafto dad gaadhaya 30 kun oo ruux.
  10. WHO waxa ay sheegtay in dadaallada cudurkan lagula dagaalamayaa ay tan iyo sannadkii 2000 sabab u noqdeen in dadka cudurkan u dhintaa ay boqolkiiba 42 hoos u dhacaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.