Madaxweyne Biixi Oo Xilka Ka Qaaday Wasiiradii Musuqa Lagu Eedeeyay Ee Warfaafinta Iyo Gaashaandhiga Iyo Masuuliyiin Kale & Xubno Dhawr Ah Oo Uu Isku Shaandheeyay

0
1353

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa xilkii ka qaaday labada wasiir ee warfaafinta iyo gaashaandhiga Cabdiraxmaan Faarax Guri-barwaaqo iyo gaashaandhiga Ciise Axmed Yuusuf iyo weliba wasiir-xigeenkii warfaafinta Maxamed Muuse Abees.

Sidoo kale wuxuu Madaxweyne Biixi wasaaradahan u magacaabay wasiiro cusub oo ka tirsanaa xukuumadiisa. Sidoo kale wuxuu xilkii ka qaaday wakiilkii Somaliland ee Imaaraadka Carabta, isagoo ganacsade Muniir Xaaji Cabdillaahi Abusite u magacaabay inuu noqdo wakiilka cusub ee UAE.

Wareegtada Madaxweyne Biixi oo ay dad badani u arkayeen inay tahay tii ugu cuslayd ee uu soo saaro sannad iyo badh uu talada dalka hayay, ayaa sidoo kale wuxuu xukuumadiisa ku soo kordhiyay xubno cusub oo isugu jira wasiir,  guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha iyo agaasimayaal.

Wareegtada Madaxweyne Biixi waxay u dhignayd sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-286/032019, uu Xilka qaadis, Magacaabid iyo Isku-beddel ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Wasiiradda

Ku: Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Diiriye (Guri Barwaaqo);

Wasiirkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

Ku: Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle;

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga

Ku: Maxamed Muuse Abees

Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen ee kala ahaa:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka.

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.

Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Agaasimeyaasha Guud

Ku: Jamaal Cabdilaahi Muxumed

Agaasimihii hore ee Wasaaradda Gaashaan-dhiga

Ku: Maxamed Xuseen Axmed Dhabbeeye

Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka

Ku: Cabdikariim Xuseen Siciid

Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen.

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.

Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Wakiilada

Ku: Xasan Hirad Yaasiin

Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta

Ku: Ayaanle Salaad Diiriye

Wakiil  Ku Xigeenkii hore ee Somaliland ee Dalka Kenya

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen.

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.

Magacaabida

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

 

Tir Magaca Xilka
1. Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga
2. Maxamed Muuse Diiriye Wacays Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
3. Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda
4. LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka
5. Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
6. Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
7. Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha
8. Jamaal Cabdi Muuse Diiriye

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka
9. Maxamed Cabdillaahi  Siciid Khaawi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
10. Mukhtaar Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
11. Farxaan Aadan Haybe Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
12. Muniir Xaaji Cabdillaahi Abusite Wakiilka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta
13. Sharmaarke Axmed Muxummed Geelle Wakiil Ku Xigeenka Somaliland ee Dalka Kenya
14. Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Togdheer

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here