Xogo La Xidhiidha Duulkii Quraanku Ka Warramay Ee Yuug-Yamaa-Yuug Daraasad Lagu Sheegay Halka Ay Ku Noolaayeen Qoomka Ya’juuj Iyo Ma’juuj… Ururintii Kamaal A. Cali (Q:3)

0
1100

1Aragtida qoraagan oo uu weliba Khariirado ku ladhayo waxa uu ku sheegayaa in dhul u dhexeeya deegaanka labada ummadood ee isir ahaan walaalaha ah ee Qirqiiska iyo Usbika, gaar ahaan dhulka ugu sii dhow dhinaca woqooyi-galbeed ee Shiinaha ay halkaas tahay halka uu aaminsan yahay in uu ku yaallo mooska birta iyo laxaamadda la isku dhalaaliyey ah ee uu Dul-Qarnayn ku teeday Ya’juuj iyo Ma’juuj.

Waxaa jirta qiso ka warramaysa safar sahamin ahaa Al-Cabbaasi xilligii uu dawladda Islaamka hoggaaminayey amray in la raadiyo dhulka Ya’juuj iyo Ma’juuj.

Al-Cabbaasi waxa uu ahaa Haaruun Al-Waathiq Billaahi oo lagu naanaysi jiray Haaruunkii Labaad maadaama oo uu ku abtirsaayey Haaruun A-Rashiid oo ahaa khaliifkii / Madaxweynihii ugu magaca dheeraa dawladda Cabbaasiyiinta ee dhulka Ciraaq xarunta u ahaa.

Dhul-mareen lagu magacaabi jiray Salaam A-Turjumaan ayaa riyo ku arkay Moosweyn oo loogu sheegay in uu yahay mooskii uu boqorkii Dul-qarynayn ku xidhay Yuug-yamaa-yuug, arrintaas oo ku abuurtay argagax uu ka qabo in mooskaasi bilaabay in uu faruurmo oo macnaheedu yahay in qiyaamihii soo dhowaaday iyo haddana xiise gaar ah oo uu u qaaday in uu bal dunida ka raadiyo goobtaas qoomkan yaabka badan lagu xidhay.

Salaam warkiisu waxa uu gaadhay Khaliifkii A-l-Cabbaasi oo isa dhiirrigeliyey in uu raadiyo dhulkaas,  isaga oo taageerada iyo dhiirrigelinta amiirka ku socda ayaanu Salaam bilaabay socdaal dheer oo uu ku raadinayo dhulkan.

Taariikhyahannada dambana waxa ay xusayaan in Salaam uu soo helay goobtan duulka Yuug-yamaa-yuug lagu xidhay, oo uu warbixintii arrintaasna ku soo celiyey Khaliifkii diray, iyada oo weliba taariikhyahannada qaar intaas ku darayaan in Salaam uu Khaliifka u sheegay tafaasiil badan oo la xidhiidha teedkaas, oo ay ka mid tahay in uu soo hubiyey mooskaas oo uu arkay in aanu meelna kafaruurmin ee uu weli xidhan yahay.

Gunaanad:

Ugu dambayntii cilmibaadhaha aynu soo xiganayno ee Cabdalla Sharabji waxa uu buuggiisan, ‘Safarkii Dul-Qarnayn ee Bariga’ ku sheegayaa in joogitaanka ay Yuug-yamaa-yuug joogaan dhulka Qirqiisiya iyo Usbaakistaan aanu macnaheedu ahayn in dadka ku dhaqan labadaa dal iyo guud ahaan deegaankaas Eeshiyada dhexe ay isir ahaan ka soo jeedin duulkaas Ya’juuj wa Majuuj.

Sida ku cad Qur’aanka iyo xitaa kutubta kale qaarkoodna, boqorkii Dul-Qarnayn waxa uu awooday in uu moos weyn oo naxaas iyo birka samaysan ku go’doomiyo halka ay deggenaayeen Yuug-yamaa-yuug. Taas oo macnaheedu yahay in aanay halkaas ka soo bixi karin, si aanay u fasahaadin dhulka. Dhammaad.