Xogo Dheeraad Ah Oo Laga Helay Sanduuqa Xisaabeed Ee Ay Xukuumadda Somaliland Dibadda Ka Furatay Iyo Magacyada Dadka Lagu Qoray

1
595

London(sdwo.com)-Dabayaaqadii bishii February 2012 ayay ahayd markii uu wasiirka arimaha dibada Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar uu kaga dhawaaqay magaalada London hayada cusub ee loo bixiyey Somaliland Development Corporation waa Private Limited Company.  

Hayadan ayuu wasiirku sheegay inay ku midaysanyahiin dad ka soo jeeda Somaliland iyo dad ajaanib ah, waxaanu wasiirku sheegay inay tahay meel Somaliland waxii deeqo ah loo soo marindoono kana shaqayn doonta dhinca horumarinta dalka.

Hadaba baadhitaano ay SDWO.COM  samaynay ka dib ayaa waxa soo baxay in Hayadan laga diiwaangeliyey UK 13kii July 2011, Hayadan ayaa xafiiska lagu diiwaangeliyey uu ku yaala xafaada Kensington ee galbeedka magaalada London.  Dhinaca kale waxay hayadani leedahay oo ku diiwaan gashan 5 masuul oo kala degan UK, UAE iyo Somaliland oo iskugu jira Somalilanders iyo Ajaanib.  Waxayna kala yahiin sidan:

Secretary:   Osman Omar Mohamed– Degen Abu  Dhabi – (La magacaabay 09/09/2011)

Secretary:   Leoned Tiahlo – Degan London – (La magacaabay 13/07/2011)

Director:    Jeremy Carver –  Degan London  – (La magacaabay 13/07/2011)

Director:    Mohamed Sheekh Hassan  – Degen Hargeisa – (La magacaabay 15/08/2011)

Director:    Myles Wickstead – Degan Somerset – UK – (La magacaabay 13/07/2011)

Nuqulo ka mid ah sharciyada Hayadan oo soo gaadhay SDWO.COM ayaa qeexaya sida uu wasiirka arimaha dibadu sheegay inay hayadani tahay halka dhamaan la soo marin doono wixii caawimooyin dhinaca binu aadnimada ah iyo caawmooyinka tooska ah ee horumarinta dhinaca kaabayaasha waaweeyn ee dalka ay ugu deeqayaan wadamada taageera Somaliland, hayadaha samafalka, deeq bixiyayaasha iyo maalgashiyaasha.

Hadaba waxa is weydiin leh maxaa intaan hayadan la shaqo gelin looga soo ansaxinwaayey baarlamanaka Somaliland maadama oo dhaqaalahii lagu caawinayey Somaliland oo gaadhaya boqolal milyan oo doolar la soo marinayo company gan gaarka loo leeyahay ee ay ku shuraakoobeen 3 nin oo ajaanib ah iyo laba Somali ah. 

Haddii sida sharciga ah loo mari lahaa oo baarlamanka laga soo xalaalayn lahaa isla markaasna xubno muhiim ah looga dhigi lahaa gudoomiyaha baanka, wasiirka maaliyada iyo wasiirka qorsheynta, hayadani waxay noqon lahayd mid wax weyn u qabata Somaliland halka hada laga dhigay hayad ay dad shaqsiyaad ahi ku qoranyahiin isla markaasna sida ay doonaan 5taas qof ay ka yeelikaraan oo aanay xukuumada Somaliland la xisaabtami karin.

Hayadan ayaa waxa UK uga furan Bangi wixii lacago ah toos ay dowladaha iyo hayadaha deeq bixiyayaashu ay ugu soo shubi doonaan.

Source: Sdwo.com

Comments are closed.