Madaxtooyadu Ha Ka Hadasho Sanduuqa Xisaabeed Ee Lagu Xidhiidhiyay

0
756

siilaanyo22Hargeysa(Geeska)-Maalmihii u dambeeyay waxa warbaahinta ku soo baxayay warar ay sheegayaan xildhibaano iyo siyaasiyiin kala duwani, kuwaas oo sheegaya inay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo sanduuq xisaabeed oo loogu soo shubo lacagaha deeqda ah ka furatay dalka Imaaraadka Carabta, kaas oo aanay bulshada iyo goleyaasha baarlamaanku ka war qabin.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa markii u horaysay jiritaanka arrintan sheegay, waxaanu codsaday in umadda loo cadeeyo sanduuqaas, “waxaad ka warqabtaan in qaabkii la beddelay in xafiiska mucaawimadda reer Yurub oo dhani ku dhacdo la sameeyey oo xafiiskaas akawn (Account), looga furay Dubai oo la magacaabay guddi Guddoomiyaheenu xubin ka yahay (Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Cirro), waana dhaqaale aad iyo aad u badan oo ka badan miisaaniyaddan aynu ku wareersanahay, xafiiskaas sharciyadiisa garan mayno.” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

Sidoo kale Dr. Maxamed Cabdi Gabose, ayaa isna khamiistii ka hadlay mawduucan, waxaanu yidhi“Musuqmaasuq ayaa jira Akoono (Accounts) dibada laga furtay ayaa la sheegayaa oo hantida umadda lagu shubanayo,”ayuu ku tiraabay.”  Waxa kale oo jira warar sheegaya in sanduuqa xisaabeed laga furay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya.

Inkastoo aanay xukuumadu ka hadal sanduuqan xisaabeed, laakiin maaha markii koowaad ee laga hadlo in musuqmaasuq iyo lunsi hantiyeed ay ka dhex jirto xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxaana laga warqabaa inuu agaasimihii guud ee wasaaradda arrimaha dibadda ee is casilay soo bandhigay fadeexado lunsi hantiyeed.

Hase yeeshe marka laga tago jiritaanka eedaymahan, soo hadal qaadka musuqmaasuqu wuxuu ceeb iyo cambaar ku yahay Madaxweyne Siilaanyo oo muddo dheer oo uu mucaarad ahaa sheegi jiray inuu wax ka qaban doono musuq iyo maamul xumo lagu hayo hantida umadda wakhtigii uu Rayaale Madaxweynaha ahaa, waxaanay dad badani aaminsanyihiin inaanay weli rumoobin balan qaadyo badan oo uu Madaxweynuhu sameeyay xilligii ololaha doorashada, kuwaas oo ay ugu horayso la dagaalanka musuqmaasuqa iyo maamul xumadu.

Sidaas darteed, waxa Madaxtooyada looga fadhiyaa inay cadayso waxa ka jira sanduuqan xisaabeed ee la sheegayo oo ay tahay markii u horaysay ee laga maqlo dawlad Somaliland leedahay, haddii kale waxa ay arrintani noqon doontaa mid sababta in laga aamin baxo Madaxweynaha iyo xukuumadiisaba.