mujahid Dhegaweyne Oo Eeddo Culus Ku Ganay Madaxweyne Siilaanyo

0
588

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha urur siyaasadeedka UDHIS Md. Ibrahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne), ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay musuqmaasuq iyo maamul xumo cadaaladeed.

Md. Dhegaweyne, oo shalay shirjaraa’id ku qabtay Hargeysa, wuxuu xukuumadda uga digay inay ku kacdo waxyaabihii hore looga dagaalamay oo ay cadaalad daradu ugu horayso, isagoo ku eedeeyay inay gaar u taageerayso ururada siyaasadda qaarkood.  “Waxaanu leenahay waar bal dib isugu noqda, maatidaad waxooda guranaysaan waa kuwaa kabaha la’ ee qaawan, ee idin hor jooga, dawladu dhex kama aha ururada tartamaaya,  fadeexadii ugu weynayd ayay dawladu lugaha kula jirtaa, loomana dul qaadan karaayo inay maalin walba qof sidaas iskaga xidhato.” Ayuu yidhi.

Isagoo ka hadlaya xadhiga badhasaabkii Hargeysa, wuxuu yidhi “Badhsaabka la xidhay haddii aya dawladu wax ku hayso in si cad u soo bandhigto weeye, markab dhan ayaa la’layahay waxaana loo baahan yahay baadhitaan rasmiya, oo umadda loo soo gudbiyo. Cidda wax loo haysto iyo cida dunuubtan leh in lasoo bandhigo ayaa loo baahan yahay, oo la yidhaahdo cidaas ayaa tuugadaas gashay, qaranku waxa uu ubaahan yahay waxii luma in aan qof lagu fadeexadin ee baadhitan la sameeyo, afar iyo labaatan saacadood wax ka badan’a lama haysan  karo qofka, marba in waraaq nooc kale ah inay soo baxdo maaha ee haddii Xamarji wax lagu hayo waa in la soo bandhigaa, oo aan kolba la odhan waxbuu sahlaayay, waxaana cad in aanu danbi lahayn ee cidii danbiga lahayd laga war’wareegaayo.”

Boqor Buurmadoow, xadhigiisa ayuu isna ka yidhi “Boqor Buur madaw ayaa lamid ah oo badhitaanbaa lagu hayaa, waxa la yidhi DG-gii maalintii hore hadlay ma baxi kartid, magac dilku waa waxii aynu ka dagaalmaynay ee aynu diidanayn in qofna loo haysto sharci daro, afar iyo labaatan saacadood wax ka badan qofka lama haysan karo, waxaanu leenahay haddaan waxba lagu hayn hala soodaayo, waan iska hay’nayaa waa waxii lasku dilay shalaytoole, qofna qof sida uu doono kama yeeli karo, xafiisyadana umaddaa idiin dhiibatay oo in caddaalad lagu sameeyo ayaa loo baahan yahay, laakin haddii ay noqto Suldaan, Badhasaab, DG intii maamulku ka koobnaaba fadeexadii ugu weynayd ayay dawladu lugaha kula jirtaa, loomana dul qaadan karaayo inay maalin walba qof sidaas iskaga xidhato.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Waxaan leenahay hadaydaan waxba ku hayn faraha ka qaada oo cida dunuubata lagu hayo haloo doono, cida ay ku ururtayna waa la ogyahay, masuuliyadana dawladaa iska lahayd, tan tuugada ah, tan DG-yada lagu eryaayo, aday ku dul taalaaye meel isaga qaad. Waxaan ku soo gunaanadayaa in cidii danbi leh danbigeeda toos loo raaciyo, cidii aan danbi lahayna faraha laga qaado.”

Wuxuu sheegay in ururka uu guddoomiyaha ka yahay dhawaan qabsan doono shirweynihiisii, “Anagu ururada tartamaaya aayaanu ka mid nahay, dhakhsana shirweynahayagii waanu u qabsanaynaa, dawladun dhex kama aha ururada tartamaaya, waxan uu Gaboose la qaylinayaana waa dhab, waydinkii arkaayay ururda baabuurta lagu sito Boorama ilaa iyo Ceerigaabo, ururadan ay iyadu samaysay waa ay cadahay ee ay hor cararayso, arintaasna maanta go’aan kama gaadhayo ee talo urur ayaanu ka soo saaraynaa.”

Isagoo si toos ah ula hadlaya xukuumadda, wuxuu yidhi “Dawladan anigu waxaan odhan lahaa musuq-maasuqeedu xadkuu ka baxay, ama dibad wax halku shubato ama caalamka ha ka soo boobto, ilaa ina xaashi oo wasiir ahaa waa kii cadaynaayay in lacago lagu shubtay sanduuq gaara, ee lagu eryay, waxaan leenahay musuqan waa mid qaranku ka xisaabtami doono, maaha maanta oo aad xafiiska joogtaan, laakiin hantidaas umadda ee la boobaayo waa  mid laysaga iman doono, Kulmiye waxa uu balan qaaday oo uu Siilaanayo balan qaaday in uu musuq cidhib go’ynaayo, hay’addii cidhib gaynaysay oo shaqaynaysana ma aragno, waanu xad dhaafay oo dawlad halkaas gaadhayba ma jirto, waxaanu leenahay waar bal dib isugu noqda, maatidaad waxooda guranaysaan waa kuwaa kabaha la’ ee qaawan, ee idin hor jooga, ee badu liqayso, dadka waxii wax loogu qaban lahaa in dhawr shaqsiyaad ah boobaan xaaraan bay ku tahay.”