Xogo dheeraad ah oo ku saabsan filimka nebi Muxammed (SCW) lagu aflgaadeeyey iyo khasaaraha ka dhashay

0
574

Ninka filimka metelayHargeysa (Geeska)- Inta badan ee dalalka dunida muslimka waxaa ka socda kacdoonno ay dadku ku muujinayaan sida ay u diiddan yihiin in si sahlan loo aflagaadeeyo diintooda. Waxaa maalin kasta sii kordhaya khasaaraha maal iyo moodba leh ee ka dhalanaya kacdoonnadaas oo dalalka ay ku sii faafayaanna sii kordhayaan.

Yaa sameeyey filimka:

Weli si rasmi ah looma caddayn cidda ka dambaysay allifidda filimkaas, waxase ay illaa shalay warbaahinta kala duwan ee dunidu sheegayaan in filimkaas ay maal gelisay jimciyad samofal oo Kiristaan ahi, laguna jilay meel u dhow magaalada Loss Angels ee gobolka California, magaca marka hore loo bixiyeyna waxa uu ahaa Dagaalyahankii saxaraha. Wargeyska Los Angeles Times ayaa cadadkiisii shalay ka soo xigtay xafiiska gobolkaas u qaabilsan diiwaan gelinta filimada oo lagu magacaabo Los Angeles films, in rukhsadda jilidda filimkan uu xafiisku siiyey shirkad urur lagu magacaabo Media Of Christ oo ka soo dalbaday, in kasta oo afhayeen u hadashay xafiiska diiwaangelintu ay beenisay in filim magacaas sita ay rukhsad siiyeen. Isla markaana wixii duhurnimadii shalay ka dambeeyey ay hawada ka baxeen bartii internet ka iyo boggii uu facebook-ga ku lahayd urur Media of Christ. Ururkan waxaa madax ka ah nin asalkiisu Masaari yahay balse qaatay jinsiyadda dalka Maraykanka oo Masiixi ah laguna magacaabo Joseph Nasrallah Cabdalmasiix. Ururka Media of Christ waxa uu caan ku yahay soo saarista barnaamijyo talefishan oo ku baxa labada luuqadood ee Carabida iyo Ingiriisida, kuwaas oo qaarkood si adag loogu naqdiyo diinta Islaamka. Hore ayaanay dad deegaankaas ah oo Muslimiin ahi masuuliyiinta gobolka ugaga cawdeen barnaamijyada ururkan oo ay ku dacwoodeen in ay dacaayadaynayaan diinta islaamka. Sida ay warbaahinta qaarkood ku warramaysana filimkan waxaa la dhamaystiray sannadkii 2011-ka, waxaana samayntiisa iyo allifaaddiisa iska lahaa Masiixi kale oo Masaari/Maraykan ah oo isna lagu magacaabo Nakoula Basseley Nakoula balse la baxay magac uu ku dhuumanayo oo ah Sam Bacile oo ah 55 jir ku nool magaalada Cerritos oo dhinaca bari ka xigta magaalada Los Angeles.

Nakoula mar uu la hadlay idaacadda Maraykanka ee Radio C oo ku hadasha luuqadda Carabiga waxa uu ku adkaystay in aanu ka xumayn filimkiisa anshax xumada ah ee cadhada dhaliyey, “Waan ka murugaysanahay dilka safiirkii Maraykanka ee Libya, laakiin kama xumi soo saaridda filimkan” ayaa ka mid ahayd hadalla ninkan oo gurigiisa ay booliisku ku xeeran yihiin war-fidiyeen aad u tiro badanina ay hor tuban yihiin.

Youtube iyo google oo diiday in ay filimka ka saaraan internet ka:

Guri Cad ee Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in uu ka codsaday masuuliyiinta shirkadda maamusha  barta internet ka ee Youtube in ay dib u qiimeeyaan sida uu filimkan rabshada dhaliyey u waafaqay siyaasaddooda uga taalla baahinta. Tommy Feytor oo ah afhayeen golaha amniga qaranka Maraykanka ayaa yidhi, “Waxa aanu la hadalnay degelka Youtube si aanu ugu baraarujinno filimkan ugana codsanno bal in ay dib u eegaan in uu meel ka dhac ku yahay shuruudda uga taalla isticmaalka degelkooda” mar sii horreysayna afhayeen u hadlay guriga cad ee Maraykanka ayaa sheegay in xukuumaddu aanay awood u lahayn in ay filimkaa ka joojiso baahinta, maadaama oo ay taasi ka hor imanayso qodobka koowaad ee dastuurka dalkaas oo sida uu sheegay ka hadlay xoriyadda hadalka.  Laakiin xukuumadda dalka Afghanistan ayaa iyadu amar ku siisay shirkadaha Isgaadhsiinta ee dalkaasi in ay adeeggooda internet ka ka saaraan degelk Youtube arrintaas oo ay shirkaduhuna is dhaqso ah u fuliyeen si looga hortago in dad dheeraad ahi filimkaa daawadaan oo ay cadhadu sii korodho.

Si kastaba ha ahaato ee shirkadda Google oo iyadu maamusho barta Youtube ayaa si cad u diiddady cidsiga Maraykanka ee ah in ay dib u qiimayso sii deynta filimkaas lagu aflagaadaynayo Nebi Muxamed (SCW) iyada oo ku andacoonaysa in aanu filimkaasi ka hor imanayn siyaasaddeeda baahinta, laakiin dhanka kalana waxa ay sheegtay in iyada oo u hoggaansamaysa xeerarka iyo sharciyada ka jira dalalka ay ka shaqayso awgeed ay u xannibtay in filimkan laga daawado dalal ay ka mid yihiin India, Indonesia, Masar iyo Libya.

Waa kuma ninka filimka sameeyey muxuuse ciqaab ka mutaysan karaa Maraykanka:

Masuuliyiin kale oo Maraykan ah ayaa sheegay in waaxda dembi baadhista ee dalka Maraykanku ay bilowday baadhitaanno iyo su’aalo ay weydiinayo ninka filimkan sameeyey, si ay u hubiso sida uu ugu xad gudbay

anshaxa ka yaalla isticmaalka suubban ee kombiyuutarka iyo internet ka. Sida ku cad waraaqo la helay maxkamadda Los Angeles ninkan magaciisu waa Nakoula Bacile Nakoula waxa hore maxkamadda loo hor keenay sannadkii 2009-ka xilligaas oo lagu helay dembi ah in uu lacag ka khiyaameeyey bangi, muddo gaaban kadibna waxaa caddaatay in uu sidoo kale ku lug lahaa qorshayaal tobanaan kun oo doolar lagaga dhacay bangiyo ku yaalla dalka Maraykanka.Maxkamad ayaana ku xukuntay xabi 21 bilood ah iyo in muddo 5 sano ah laga mamnuucay in isaga oo aan ogolaanshiy qoraal ah maxkamadda ka haysan uu isticmaalo Kombiyuutarka iyo qalab kale oo kasta oo uu internet ka ka geli karo. Taas oo keenaysa in haddii ay ku caddaato in uu filimkan sameeyey in lagu qaado dembiga ah in uu ciqaabtaa jebiyey, sidoo kale haddii ay cadaato in qofka Youtube geliyey filimkan ee magaciisa ku sheegay Sam Naukola uu yahay isla ninkaas  in iyaduna ay keensanayso in maxkamaddii hore u xukuntay amarto xadhigiisa afarta sano ee uga hadhay ciqaabtii xayiraadda ahayd ee uu jebiyey. Laakiin marka loo eego shuruucda dalka Maraykanka ee dhinaca xoriyadda hadalka wax ciqaab ah oo toos ah kuma mutaysanayo samaynta filimkan.

Dunida Islaamka oo cadhada Maraykan la holcaysa:

Cadhada muslimiinta dunida ee ka dhalatay filimka lagu aflagaadaynayo nebi Muxamed (SCW) ayaa ku faaftay inta badan ee gobolka bariga dhexe, waxaana si isdaba joog ah u soo dhacaya wararka sheegaya weerarro kala duwan oo lagu qaaday safaaradaha Maraykanka oo qaarkood ay la wareegeen dadka gadoodsani, arrintaas oo keentay in wasaaradda difaaca ee Maraykanku ay dalalka carabta qaarkood u dirto ciidamo Marines ah oo ilaaliya amniga safaaradaha iyo diblumaasiyiinta ka hawlgala. Filimkan waxaa ka dhashay cadhadii ay salaasadii dhoweyd dad gadoodsani ku galeen Qunsuliyadda uu Maraykanku ku leeyahay magaalada Banqaazi ee dalka Libya oo lagu dilay safiirkii iyo saddex ruux oo kale oo Maraykan ahaa. Diyaarad Maraykanku uu leeyahay oo nooca iyagu is wada ah ayaa rasaas ay oodda kaga qaadeen Maleeshiyo hubaysan oo Islaamiyiin ahi magaalada Banqaazi, arrintan oo keentay in Libya ay muddo xayirto in diyaaraduhu ay dul haadaan magaalada, in kasta oo ay warar kalena sheegayaan in ujeedada xayiraaddani ahayd si loo qariyo ciidamo Maraykanku halkaa u dirayo si ay Islaamiyiinta ula dagaalamaan.  Dalka Tunisia isna waxaa ku dhintay ugu yaraan saddex ruux waxaana ku dhaawacmay in ka badan 20 ruux kadib markii uu booliisku rasaas ku furay dad doonayey in ay galaan safaaradda Maraykanka ee caasimadda dalka. Sudan waxaa jimcihii ku dhintay 3 ruux oo ka mid ahaa dad ka cadhaysan filimkan oo doonayey in ay xoog ku galaan safaaradda Maraykanka, laakiin dadkan qaarkood ayaa ku guulaystay in ay galaan qaybo ka mid ah safaaradda, in kasta oo aanay wax khasaare nafeed ah geysanna waxa ay gubeen qaybo ka mid ah. waxaana hadda la sheegayaa in Maraykanku uu ciidan ilaalo ah u diray safaaraddiisa Sudan, waxaa iyadana weerar kan la mid ah ay dadka reer Sudan xoog ku galeen safaaradda dalka Jarmalku ku leeyahay Khartuum, sidoo kale Maraykanku ciidamo ilaalo ah ayuu u diray safaaraddiisa Yemen maalin kadib markii khamiistii ay dad gadoodsani xoog ku galeen barxadd safaaradda ee magaalada Sanca. Dalka Masar isaga bilowgiiba waa ay la kowsadeen kacdoonnadani, dalalka kale ee ay kacdoonnadan cadhada ahi ku faafeen waxaa ka mid ah, Iran, Malaysia, Urdun, Baxrayn, Qatar, Ciraaq, Bangladesh, Pakistan, Israel oo ay muslimiinta ku nool magaalada Barakaysan ee Qudus isku dayeen in ay galaan Qunsuliyadda Maraykanka iyo Kenya, waxaana laga cabsi qabaa in ay ku sii faafaan inta hadhay ee dunida muslimka.

Dhaawac soo gaadhay siyaasadda arrimaha dibadda ee Obama:

Rabshadaha ka dhashay filimkan baahintiisa lagu soo beegay maalintii 11-septemeber ee weerarrada lagu qaaday daarihii mataanaha ahaa ee New York iyo goobo kale oo Maraykanka ahi waxa uu culays badan ku keenay siyaasadda arrimaha dibadda ee Madaxwdeyne Barak Obama oo ay doorashooyin adag oo uu ku doonayo in uu mar labaad ku qabto xilku sugayaan in ka yar laba bilood kadib. Waxa aanay madow soo gelinayaan xidhiidhka uu Maraykanku la leeyahay dalalka Carabta iyo guud ahaanba Muslimka, arrintan oo ninka ay tartanka doorashooyinka isku waajihi doonaan ee Mitt Romney in badan isku dayey in uu siyaabo kala duwan uga faa’idaysto.