Waraysi Gaar Ah: Guddoomiyaha Xisbiga UCID

0
593

Hargeysa (Geeska)-Gudoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu kaga jawaabay su’aalo badan oo ay bulshadu iska weydiiso shakhsiyadiisa iyo weliba hanaanka siyaasadeed iyo maamul ee xisbiga UCID iyo weliba urur siyaasadeedka Wadani ee uu hoggaamiyo saaxiibkii Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Faysal Cali Waraabe ayaa ku dooday inaan UDUB oo saaxada siyaasada Somaliland ka baxday, micnaheedu ahayn in taariikhdii marxuum Cigaal ku baaba’ayso, isla markaana xukuumada KULMIYE keligood awood u lahayn wada hadalo inay la furan Soomaaliya.

Gudoomiyaha UCID, oo wareysi dhinacyo badan leh shalay xafiiskiisa kula yeeshay weriye Maxamuud walaaleye, oo Geeska Afrika ka tirsan ayuu ku sheegay in dareen shaki saarnaa in xukuumadu gacan ku lahayd sifahii guddida Diiwaangelinta ururada iyo xisbiyadu u reebeen ururadii hadhay, ururka WADANI-na u muuqdo mid qiil ka haysta xukuumadda. Waxaanu waraysigii u dhacay sidan:

S: Gudoomiye, ugu horeyn warbixin kooban naga sii halka hawlaha xisbiga UCID idiin marayaan, marka loo eego doorashooyinka soo socda?

J: Bismilaahi raxaamni raxiim, horta xisbiga bishan bisheedii sannadkii Hore ayaa ilaahay mahadii la noo soo dhiciyey, oo maxkamadu noo soo xukuntay. Waxaanan xusaynaa xilligan sannadguuradii koowaad ee la soo laabashada xisbiga UCID. Markii naloo soo xukumay dacaayado ayey suuqa noo geliyeen ah xisbigii UCID wuu baaba’ay dadkii markii hore loo soo adeegsaday inay xisbiga baabi’iyaan, maantana, Ilaahay mahadii waxaan nahay xisbiga ugu quwadda weyn Somaliland, shalay annagaa ugu hor xereynay 21-kii degmo musharaxiintoodii, saddex urur way nagu soo biireen, UDUB badankeedii way nagu soo biireen. Maanta waxa noo banaanaatay jagadii xisbiga ugu da’da weynaa, xisbiga UDUB bil ayuu naga horeeyey samaysankiisii, bishaa soo uu ku qaatay magaca xisbigii ugu horeeyey. Maanta waxaan taariikhda ku gelaynaa inaan nahay xisbigii ugu da’da weynaa xisbiyada iyo ururrada Somaliland. Maanta waxa naga baxay shakigii ahaa tolow UCID ma soo baxayaa-annaga marnaba shaki naguma jirin oo Ilaahay ayaan ku kalsoonayn, ilaahay mahadii shakigaasi wuu dhamaaday.

S: Sababaha xisbiga UDUB ku sheegeen inay qaadaceen doorashooyinka deegaamada waxa ka mid ahaa diidmo Guddida Diiiwaangelinta Xisbiyada iyo Ururradu ku deedefeeyeen musharixiin jagada Madaxweyne iyo Ku-xigeen u sharaxeen UDUB, halka, xisbiga UCID hadaad tihiin idinkuba magacowdeen musharixiinta jagada Madaxweyne iyo ku-Xigeen aan la idiin diidin, waa maxay faraqa u dhexeeya labada magacaabis?

J: Horta, annagu (UCID) waxba maanu magacaabin, heshiis aanu samaysanay (Memorandum of Understanding -MOU) ayuu ahaa. Annaga weli Jamaal Cali Xuseen rasmi ah uma aha musharaxayaga, iyagu (UDUB) rasmi ayey ka dhigeen. Heshiis sideed qodob ah oo la doonayo in la dhaqan geliyo, oo jaranjarooyinkii xisbiga maro ayaan samaysanay. Isla markiina warqad ayaan u qornay Guddida Diiwaangelinta Xisbiyada iyo Ururrada ugu sheegayno inaan Jamaal Cali Xuseen si rasmi ah u ahayn musharaxa jagada Madaxweyne ee UCID, laakiin, aanu wada galnay heshiis qodobo ka kooban annaga iyo Jamaal Cali Xuseen iyo taageerayaashiisii garabkii UDUB. Hadii Ilaah yidhaahdo, waxii Golaha Dhexe u baahan in laga sharciyeeyo, waan ka sharciyeyn, waxii shirweyne u baahana, shirweyne wakhtigiisii ka soo hormara ayaan u qabanaynaa.

S: Gudoomiye, xidhiidh dhow oo aanad la lahaan jirin xukuumadii hore ee Daahir Rayaale Kaahin, ayaa idiinka dhexeeya xukuumada xilligan ee Madaxweyne Axmed. Maxamed Siilaanyo, maxaa sababay? Mase loo fasiran karaa wefdiyadda laga qeybgeliyo UCID inaad ku qanacsan tahay keliya Gudoomiye, Faysal?

J: Maya. Annagoo aan nalaga qeybgelin ayaan annigu ku dhawaaqay oo sheegay in marka arrintu tahay Soomaaliya, wa ain loo midoobo, maxa ayeelay waa arrin qaran, ee maaha arrin xisbi, maxaa yeelay xukuumada xsibiga KULMIYE keligeed awood uma lahayn inay wadahadalo la furto Soomaaliya. Maadama, arrintu mid qaran ahayd, UCID keliya ma ahayne, gollaha Wakiilada Somaliland-na way ka qeybgaleen. Wax naga mamnuucaya kaalintayadii mucaaradnimo inaan qaadanana maaha. Wax mamnuucaya ma jiraan in laga wada shaqeeyo arrin Qaran oo ka sareysa marxaladii xisbinimada. Halkaan xilligan KULMIYE ka wada ciyaarnaa waa meel xisbiyada ka sareysa. Annigu (Faysal) horaan u sheegay oo waxa weeye, waxaa falanqeeya siyaasadeena dad aqoontoodu liidato, aragtidooda siyaasadeed ku kooban tahay guddaha, oo heer caalami aanay gaadhsiisnayn, arrintani aduunka oo dhan way ka dhacdaa, waa arrin Qaran.

S: Sidaad u aragtaa dooda Xisbiga iyo Ururrada ilaa xilligan ka hadhay saaxadii siyaasada Somaliland? Kuwa hadhi doona doorashada deegaamada ka dibna, kula tallin lahayd inay u maraan cabashooyinkooda ama dacwadahooda dariiqyada sharci ee maxkamadaha awooda u leh?

J: Horta, immika xisbiga UDUB ayaa hadhay, waxaan maqlayey dadka qaar leh, waxa baaba’aysa taariikhdii Marxuum, Maxamed Ibraahim Cigaal, ee Somaliland inoo bilaabay. Waxaan leeyahay, horta, Marxuum Cigaal SNL ragii wax ka sameeyey lixdankii ayuu ka mid ahaa, waa tii iska baaba’day, Cigaal iyo taariikhda Somaliland way isku tidcan yihiin (Ilaahay ha u naxariistee). UDUB oo saaxadda siyaasadda Somaliland ka baxay, taariikhda Marxuum Cigaal kuma baaba’ayso. Urruadii badankoodu xilligan Qabiil bay noqdeen, 70% waxa lagu codaynayaa hab qabiil, weliba intay beelo ka tagtay ayey jilibo tagtay, Gudoomiyaha xisbigaasi waa ayo ayaa la odhanayaa?. Markaa maanta waxaan arkaa, in marka xisbiyada KULMIYE iyo UCID laga reebo inta soo hadhay ku salaysan yihiin hab qabiil. Waanad arki doontaaye hadhow kuwa hadha waxay odhan doonaan, hadaan annagu reer hebel nahay yeeli mayno xisbi hebel, waa waxa soo socda, laakiin, annagu hadii ilaah yidhaahdo, dhamaan degmooyinka aanu ka helo musharixiin badan waxaan doonaynaa inaanan hab qabiil ku soo xulin Duqa degmada, ee xisbiga ay ka soo baxeen uu isagu ka soo dhex magacaabo musharixiintii u soo baxday ninka noqonaya Maayarka. Waxaan ku talinayaa inaan durbaanadda qabiilka loo garaacin sidii lixdankii la odhan jiray “Dhulka yaa leh? Annagaa leh.. ciida yaa leh?), oo sidaa aanay innagu dhicin ayaan ka codsanayaa shacabka.

S: Gudoomiye, marar badan ayaad dhaliilo culus iyo eedo musuqmaasuq u jeedisay xukuumadda xilligan tallada haysa, Iyo inay UCID u reebayaan soo saarida urur kale, ma jiraan cadeymo xaqiiqo ah oo musuqmaasuqaa iyo eedahaa ku saabsan ood haysaan? Waa kuma ururka xukuumadu soo saarayso?

J: Diiwaangelintii ururadii la kala saaray ayaa waxuu ku fadhiyey shaki ururaddii hadhay qabeen inaanay ku hadhin si xalaal ah ee dawladu qaar u yeedhinaysay, laakiin, xilligan waxaad arkaysaa in ururka WADANI dawladda qiil ka haysto. Madaxweynahu waa ninka sharciga dalka ilaalinaya, tusaale, Gudoomiye, Cabdiraxmaan Ciro waxuu fadhiyey booskii xisbiga UCID ugu doortay baarlamaanka, isagu muu keenine, annagaa (UCID) markaanu qeybsanaynay shir gudoonka nidhi waa kan xubintayadii. Dastuurkeenu waxuu qorayaa in saddex xisbi keliya baarlamaanka fadhiyi karaan, ururadii hadhay waxay kala galeen saddexdaa xisbi. Bal saxaafadu ha weydiiso Cabdiraxmaan Ciro, waxaad tidhi waxaan ahay gudoomiyaha WADANI, xageed ka soo gashaa baarlamaanka. Gaadiidkii dawladda ayuu wataa, laba milyan oo Dollar, ayuu maamulaa, ninka ugu lacagta badan maanta gudoomiyeyaasha ordaya weeye, anniga (UCID) markuu ila joogay kun dollar maanu haysan? Dadkoo dhan ayaa na ogaa. Maanta isaga iyo Muuse Biixi (KULMIYE), isagaa (Cabdiraxmaan Ciro) lacag badan, xaguu lacagtaa ka keenay? Markaa, markaad aragtid xukuumadii oo ka indho qarsanaysa, oo aan odhanayn, Cabdiraxmaan Ciro, waad khaldan tahay, oo sumcadii dhamaan Somaliland,  ayaad khatar gelisay, oo la leeyahay, waa noocee dimoqraadiyadii aad sheegayseen, waa sidee Gudoomiyahii Baarlamaanka oo xisbigii UCID yidhi waan ka baxay, oo labadii xisbi ee kale midna aan ku wareegin, oo Gudoomiye Baarlamaan weli ah waa sidee? Xisbigee ayuu ku metelaa Gudoomiyenimadda Baarlamaanka, markaa shaki baa ku gelaya inuu gaashaan ka haysto xukuumadda, mar hadii ay kala xidhootay waar is-casil?. Immika shaqadii baarlamaanku waa baylah, olole doorasho ayuu gobolada ugu baxayaa, shaqada Baarlamaanku maaha, (Part-time) waa mid dhamaystiran. Immikana xeer-Madaxweye ayaa soo baxay, markaa waxyaalaha xukuumadda lagaga shakiyayo taa ayaa kow ka ah.

S: Markaa, ma waxaad u jeedaa inuu ururka WADANI yahay ka aad sheegayso ee xukuumadu soo saarayso?

J: Annigu (Faysal) sidaas ma odhan, laakiin, waxaan sheegayaa in waddadii dawladu xaqa u lahayd inay tidhaahdo waa qeyral-sharci adigoo xisbi ka baxay, oo mid kale aan gelin, xisbiyada, isla markaana adigoo ururka WADANI ah gudoomisid Baarlamaanka?. Xeerka-Madaxweyne, ee dhowaan soo baxdayna way sii culaysinaysaa.

S: Shir dhowaan beesha Ciise yeelatay waxay ku saaciyeen in xisbiga KULMIYE iyo ururadda XAQSOOR iyo WADANI keliya taageerayaan, maxaa kaaga baxay baaqaa? Miyaan UCID ku lahayn musharaxiin goleyaasha degaanka beesha Ciise?

J: Annagu (UCID) waan ku leenahay musharixiin goleyaasha degaan beesha Ciise, laakiin, fikradaasi waxay ahayd mid ay wateen rag gaar ah. Gobolka Selel, wa ala wada degaa, rag baa ku taliyey xisbiga ama ururka aan 17-ka xildhibaan-ba ka dhigin beesha Ciise cod ma siin doono? Laakiin, annaga wakiiladayadii waxay cadeeyeen in meesha la wada degan yahay, loona baahan yahay in loo qeybiyo dadka wada degan, ragii fikradaa qabiilka ku dhisan ee weliba ka soo burqanaysay meelo kale ka horjeeday ayaa annaga noo sharaxan, ee lahaa waar magaalada ha naga ceebaynina? Kuwii ogolaaday fikradaa in reer keliya laga sharaxo ayey raaceen oo sharaxdeen. Waxaan filaynaa marka doorashadu dhaco, hadii ilaah yidhaah, xisbiyada tiro fiican ka hela.

S: Gudoomiye, dad badan ayaa aamnisan in siyaasada UCID ka bilaabato, kuna dhamaato Faysal, sidaad u aragtaa fikirkaa? Miyaanse, magacaabidaada Gudoomiye-ku-xigeeno shirweyne awood u leeyahay, daliil u ahayn?

J: Horta, annigu, (Faysal) waxaan ahay ninkii fikradda xisbiga UCID keenay, fikrad walba cid baa keentay oo ay ku aroortaa, haddna, taasi igama dhigayso inaan xisbigii dadka kale ka leeyahay, shaqadiisa iyo hawl-maalmeedka xisbiga, waan u siman nahay. Gudoomiye-ku-xigeenadayada badi waxa lagu doortaa shirweyne, hadii markaa meeshu banaanaato, waxuu shirweynahu awood noo siiyey intayada markaa hadhay inaan si ku-meel-gaadh ah u sii magacowno, laakiin, wax aan keligay Faysal magacaabay ma jiraan, inta badana, shirweynahii aanu qabsanay sannadkan ayaa lagu magacaabay.

S: Marar badan waxaad ku celcelisay in Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ururka WADANI, Cabdiraxmaan Ciro, ka dego xilka gudoomiye-nimada baarlamaanka, hadii arrinkaasi suurtoobi waayo, maxaa idiinka qorshaysan, doorashada-se ma ka qeybgelaysaan? Xisbiyada iyo ururadda kale immisaa fikirkaa idinkula socda?

J: Xisbiyada iyo ururadda kale dhamaantood way nala qabaan in Cabdiraxmaan Ciro sharci-daro ku fadhiyo gudoomiyaha Baarlamaanka, laakiin, anniga wax badan waxa dhibaatada ii soo jiida Runta ayaan sheegaa, qofkaa ku deydo ayaa ah Ilaahay raali ha ka noqdee Cumar binu Khadaab, waan ka tashan doonaa, laakiin, immika wada hadalo ayaa noo socda ururadda iyo xisbiga KULMIYE,  arrinka maanta taagan waa iyada iyo qodobka 6, oo aanu filayno in Cabdiraxmaan Ciro, wax ka sameeyey. Xeerka no:14, dad baa ku magacaaba xeerka shirqoolka UCID, oo annagaa naloo sameeyey. Aduunka waa mamnuuc in qof ka mid ah daneeyeyaasha xeerka la samaynayo uu kaalin ku yeesho samaynta xeerkaa.  Isagoo urur samaysanaya ayuu xeerkan sameeyey, oo isku tolay, isagoo UCID aasaya, arrinkaa waxaan doonaynaa inaan dawladda kala hadalo, waxaan ka yeelaynana hadhow ayaan kala tashan doonaa ururada iyo xisbiga KULMIYE.

S: Musharaxii jagada madaxweyne ee UCID, Jamaal Cali Xuseen, iyadoo hawlahii doorashooyinka deegaanku taagan yihiin ayuu socdaal nasasho ku joogay Jabuuti, ma khilaaf jira darteed ayaa keenay?

J: Maya, hawlo xisbiga ayuu u tegay oo soo qabanayaa, nasasho maaha, xilligana wuu soo laabtay, hadii ilaah yidhaah waxaan ku ballansan nahay magaalada Sheekh. Wax khilaaf ah ma jiro, weligeed UCID la iskuma khilaafin, berrigii dhoweyd ee saaxiibaday la soo adeegsaday in xisbiga la baabi’iyo mooyee. Xisbiga UCID waa xisbiga keliya ee isku tusnaa, wax kalena kuma imane, waxa la yidhaahdaa Faysal Waa Keligii-taliye, oo kala-danbaynta ayey dadkeenu u yaqaanaan keligii-taliyenimo. Hadii ilaah yidhaahdo mar danbe khilaaf soo geli mayo UCID, doorkana, waxaan rajeynaynaa in wakhtigii UCID la gaadhay, oo doorashada deegaanka, baarlamaanka iyo ta madaxtooyadaba heli doono, hadii ilaah yidhaahdo.

S: Gudoomiye, mar labaad iyo saddexaad, ma ballanqaadi doontaa inaad ku qanci doontaan natiijada ka soo baxda doorasha deegaanka, waxii cabashooyin ama dacwado aad qabtaana u mari doontaan dariiqyada sharci ee maxkamadaha awooda u leh, si nabadgelyo ah?

J: Annaga (UCID) waa nalagu yaqaanaa. Laakiin doorkan maanta ah annagu gacanta kuma hayno tallada, arrintu maanta Siilaanyo, Faysal iyo cid kale, ma taagna, intaas oo xildhibaan goleyaasha deegaanka ayey taagan tahay, taan ka sii qeylinayaa ee leeyahay KULMIYE xil ha isa saaro oo yaanu u dhaqmin sidii xisbi nala siman oo wax boobaya, ee ha u dhaqmo sidii xukuumad ah, maalmo dhoweyd siday wax u socdeen si shufto-nimo ayey ahayd. Immika wasiiro iyo xildhibaano badan ayaa ku maqan olele goboladda, oo sahaydoodii la siiyey. Qaarkood ayaa la leeyahay waxa la siiyey Kun kun Dollar inay ka soo saaraan xildhibaano, waxa jira dad shaqaale ah oo shaqadii lagaga eryey waxaad u janjeedhaan mucaaradka. Waxyaalahaasi hadday sii socdaan, oo aanu aragno inay khalkhal iyo nabadgelyo xumo ku keenayso doorashooyinka, waan ka tashanaynaa.

S: Sidaad u aragtaa dad kala duwan oo reer Somaliland ah, una tegay Koonfur Soomaaliya ujeedooyin siyaasadeed, xilligan qorshaynaya inay ku soo laabtaan dalka, in masiirkoodu noqdo?

J: Nimankaa sharci ayaa ka yaalay dalka. Kolay dadku siyaalo kala duwan ayey isugu socdaan, laakiin, qofkii siyaasad u tegay iyo inuu Somaliland ka wakiil yahay sharcina wuu ka yaalaa, Maxaweynaha Somaliland-na wuu ka hadlay,waana denbiile.

S: Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow), oo dhowaan kaga soo baxay xabsiga cafis madaxweyne, waxuu mar kale qoray hadaladii la mid ah kuwii dacwadda loogu oogay, xisbi UCID ahaan, sidaad u aragtaa mowqifka xukuumadu inay qaadato ku haboon?

J: Horta, Somaliland inooma yaal xeer sida Ingiriiska oo ah inaad qof kasta wax ka sheegi kartid aan ahayn Boqoradda. Innaga xeer inoo yaala marka laga yimaado diinteena muqadaska ah oo mamnuuc tahay in wax la sheego mooyee ma jiro. Annigu uma hayo tafaasiil waxii uu qoray iyo waxa lagu xidhay, laakiin, qofku wuu dhaliili karaa qof masuuliyad haya, laakiin in sharaftiisa la ilaaliyo ayaa muhiim ah. Laakiin, hadii xilka uu hayo qofku meeshii ay dalab ka leedahay laga hadlo ama boqor ha ahaado ama suldaan ha ahaado inuu tilmaamo wax denbi ah uma arko. Madaxweynahii hore (Riyaale) waxii lagu sheegi jiray waan ognahay, iyo halkii lala gaadhi jiray. Annigu uma arko in dadka lagu cabudhiyo maxaad wax u sheegaysaa, qofka wax sheegayana inuu xaragadda ka tago maaha. Qofkii caytama ee qof madax ah waxaan jirin ka sheega, annigu waxaan u arkaa inuu qofkaasi isagu wax is-yeelay, isagoo weliba magaca suldaan ama boqor ama siyaasi sita, waxaan qabaa inuu isagu wax isyeelay. Hadii dhaliili jirto in si wanaagsan la isugu sheego waxaan filayaa inaanay denbi ahayn.

S: Halkee ayey ka dhacday in shaqaale dawladeed loogu hanjabo ama shaqadii lagaga eryo waxaad u janjaadhaan mucaaradka?

J: Hargeysa iyo Berbera-ba way ka dhaceen. Badhasaabo, ayaa jira iyagoo awoodii haysta dadka xidha, oo baabuurtii ku dhejiyey calamaantii KULMIYE. Annigu waan ogahay inaanay waxaasi ka socon dhinaca Madaxweyne Siilanyo, laakiin, isagaa ka masuul ah waxii ka yimaada. Hadii aanu aragno in waxaasi sii socdaan, waxay ku filan tahay annigoo beesha caalamka fariin Email-ah u dira ugu sheegayo inay dhaqaalaha ay doorashooyinka Somaliland u hayaan naga joojiyaan, maadama, nabadgelyadii khalkhal naga gelinayso. Xaddiga fariimaha beesha caalamka iiga yimaada ee la igu weydiinayo arrimaha doorashooyinka sidaan u arko, looma soo diro wasaarada Arrimaha Dibedda Somaliland. Maxaa yeelay, annigu, waxaan ku caan baxay nin dantiisa iyo ta xisbiga UCID ka horeysiiya ta Qaranka. Hadaan aragno inaanay xukuumadda KULMIYE u wadi Karin doorashaa sidii xukuumadii UDUB, oo khalkhal na gelinayso waan ka tashanaynaa, annagu ma doonayno wax khalkhal na geliya.

S: Waxaad sheegtay in beesha caalamka aad xidhiidh dhow la leedahay, oo lagu soo weydiiyo werwerka aad ka qabto qabsoomida  doorashooyinka Somaliland, ma dhici kartaa, sidoo kale in dhaqaale hoose-na idiin soo maro xidhiidhkiina dhow awgeed?

J: Wax dhaqaale ah oo noo soo mara ama naga soo gala beesha caalamka si gaar ah ma jirto, ilaa wakhtigii aanu mucaaridka ahayn  codadka waanu heli lahayn, hadaan dhaqaale haysano, waxa nalooga badin jiray dhaqaale la’aan. Ilaa ku dhowaad labaatan sannadood oo siyaasada aan ku jiray anniga iyo Somaliland waan isku sid-kanayn, marka Somaliland la maqlo, Faysal waa la maqlay, marka Faysal la maqlana, Somaliland waa la maqlay. Sidaa awgeed ayaan beesha caalamka ixtiraam uga haystaa. Ilaahay waxaan ka baryayaa in doorasho nabadgelyo ahi inoo dhacdo, aadna waan uga werwersan nahay, maxa ayeelay way furan tahay, diiwaangelin ma jirto, hay’ado adag ma jiraan, dadkii oo dhan ayaa wada siyaasi noqday, baarlamaankii ayaa siyaasi noqday, iyagoo awoodii haya ayey haddana siyaasi noqdeen, wasiiradii ayaa la leeyahay keena dad reerkiina laga sharaxo, salaadiintii ayaa wada cararaya, markaa waxaan leeyahay ilaahay nabadgelyo ha inoogu dhameeyo doorashadaa.