Xogo Ay Hay’ado Caalami Ahi Ka Soo Saareen Heereraka Ay Haweenku Kaga Jiraan Dhinacyada Kala Duwan Ee Nolosha

0
279

Hargeysa (Geeska)- Qormadan waxa aynu ku soo qaadanaynaa xogo kala duwan oo ay hay’ado caalamiya oo u badan kuwa Qaramada Midoobey ka sheegeen saamiga haweenka adduunku ay ku leeyihiin qaybaha kala duwan ee nolosha.

  1. Cilmibaadhis ay hay’adda cuntada adduunku ka samaysay 32 dal oo Afrikaan ah ayaa lagu ogaaday in sannadkan 2019 ka ay ku dhowaad boqolkiiba 30 kor u kacday tirada hablaha la qorayo dugsiyada waxbarashada.
  2. Hay’adda Qarramada midoobey ee cuntada iyo beeraha oo magaceeda FAO loo soo gaabiyo ayaa cilmibaadhiso ay samaysay ku ogaatay in tirada dadka adduunka ku gaajoonaya la dhimi karo, haddii kala tagsanaanta dhinaca jinsiga la dhimo, gaar ahaan dhinaca beeraleyda, oo dumarka la siiyo ilo ka badan inta ay hadda haystaan.
  3. Sanduuqa caalamiga ah ee horumarinta beeraha oo ah hay’ad ka tirsan qaramada midoobey oo magaceeda loo soo gaabiyo IFAD ayaa sheegtay in haweenka adduunka ee ku dhaqan baadiyuhu ay celcelis ahaan maalin kasta 5 illaa 10 kiiloomitir u lugeeyaan soo qaadista xaabada, gaasta ama walxaha kale ee ay u isticmaalaan guryahooda.
  4. Mar kale ayaa ay hay’adda IFAD sheegtay in dalalka soo koraya ee Afrika iyo Eeshiya ay dumarka ku dhaqani celcelis ahaan toddobaadkii shaqeeyaan 12 illaa 13 saacadood, taas oo ka badan saacadaha ay ragga dalalkaasi shaqeeyaan.
  5. Hay’adda Qaramada midoobey u qaabilsan haweenka ayaa sheegaysa in dakhliga dhaqaale ee ay xoogsadaan dumarka adduunku uu boqolkiiba 24 ka hooseeyo dakhliga ragga soo gala.
  6. Hay’adda u ol’olaynta iyo u doodista dadka ka shaqaysa oo magaceeda ONE loo soo gaabiy ayaa daraasad ay samaysay ku ogaatay in haddii dhammaan dumarka uurka leh ee adduunka fursad loo siin lahaa in ay helaan nafaqaynta ay u baahan yihiin, ay suurtagal tahay in sababtaas ay ku badbaadaan carruur tiradoodu ka badan tahay 800 oo kun oo sannad kasta dunida ku dhinta.
  7. Cilmibaadhiso uu sameeyey bangiga adduunku ayaa muujinaya in hablaha oo fursad loo siiyo in ay waxbarashada dugsiga sare gaadhaan ay boqolkiiba 15 illaa 25 kor u qaadayso dakhliga celcelis ahaan soo gala haweenka adduunka.
  8. Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan waxbarashada, sayniska iyo barbaarinta ee UNESCO ayaa cilmibaadhis ay samaysay ku ogaatay in tiro ka yar boqolkiiba 40 dalalka adduunku ay hablaha iyo innama siiyaan waxbarasho loo siman yahay. halka boqolkiiba 39 keliya oo dalalkaa adduunka ka mid ahina ay hablaha iyo innamada saami is le’eg ka siiyaan fursadaha is qorista dugsiyada sare.
  9. Hay’adda caalamiga ah ee horumarinta shuruucda oo iyadana ay xarunteedu tahay dalka Talyaaniga ayaa baadhiso ay samaysay ku ogaatay in qareennada adduunka ay dumarku boqolkiba 19.3 ka yihiin, halka garsoorayaashana ay celcelis ahaan ka yihiin boqolkiiba 8.4.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.