Xoghayaha Guud Ee Waddani Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Wax Kasta Oo Dhaca Sharciga U Adeegsato

0
515

Picture1Hargeysa (Geeska)-Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa ka hadlay shaqaaqadii ka dhacday Magaalada Hargeysa ee sababtay dhimashada iyo dhaawaca, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay in wax walba oo dhaca ay Sharciga u adeegsato, balse aanay xoog u adeegsan.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale ka hadlay Sarkaalkii lagu dilay Magaalada Boorama, waxaanu wax lala yaabo ku tilmaamay in si yar oo fudud saraakiisha loo laayo, waxaanu ku taliyey in dib loo eego sababta dhabta ah ee keentay in Saraakiisha la laayo, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Marka ay wax dhacaan, ee la is qabsado, in Sharciga wax walba loo maro ayaa wanaagsan, oo xittaa inay Xukuumaddu Sharciga wax walba  u marto oo ay dhex dhexaad ka ahaato, ayaa wanaagsan, laakiin in awood, ciidan iyo xabad dadka maatida ah loo adeegsado, waa khalad, in caruur yar yar wejiga xabad lagaga dhufto, waa ayaan daro, waa dhab in marka Ciidanka dhagaxaan lala dhaco inay damqanayaan, waxaana run ah inay caado noqotay in mar walba xabad iyo ciidan loo adeegsado dadka marka ay wax dhacaan, sharci ahaan iyo dadnimo ahaanba waa gef waana khalad, waxaana tacsi u diraynaa haddii aanu nahay Xisbiga Waddani dadkaas waxyeeladu soo gaadhay, iyo Mujaahid Axmed Jabaan, oo isaga oo xidhan Ciidanku gurigiisa soo weerareen, oo Wiil uu dhalayna la dilay, Wiil kalena laga dhaawacay”.

Xoghayaha Xisbiga Waddani ayaa mar uu ka hadlaayey Sarkaal lagu dilay Magaalada Boorama yidhi “Muddooyinkii ugu dambeeyeyna dilka Saraakiishu uu soo badanaayey, markaas in la raadiyo, oo dib loo eego sababta keenaysa dilka askarta ee saraakiisha weeye,in Ninka dilkan ugu dambeeyey geystay madaama la hayo in sharciga la hor keeno, ayaa wanaagsan, waxaana aad uga xumahay dilkan ka dhacay Boorama”