Wasiirka Madaxtooyada Oo Wakiilada Horgeeyay Xeer-nidaamiye Xukuumadada Loo Sameeyay

0
542

kleHargeysa(Geeska):-Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md:Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sharaxaad ka bixiyey ujeedooyinka iyo mabaadiida uu xambaarsanyahay Xeernidaamiyaha Xukuumada oo dhawaan Madaxweyne Siilaanyo u soo gudbiyey Golaha Wakiilada Somaliland.

Md:Xirsi Cali X.Xasan oo shalay horyimid fadhigii ay yeesheen Golaha Wakiilada Somaliland oo uu shir-guddoominaayey guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa tafaasiil dheeraada ka bixiyey xeernidaamiyaha Xukuumadu ay u soo gudbisay Aqalka Wakiilada,waxaana uu sheegay in xeerkan lagaga hortagaayo kala daadsanaanta ku timaada shaqada haayadaha iyo Haybada dawladnimo ee dalka,waxaana uu carabka ku dhuftay in Xeerkani uu kala xadidaayo xadka u dhaxeeya xilalka maamul iyo siyaasadeed ee Xukuumada.

"Xeerkani waa xeer lagaga hortagayo kala daadsanaan ku timaada shaqada ,Haayadaha iyo Haybada dawladnimo iyo waliba isdulfuulka Xilka iyo Waajibaadka isla markaana la xaqiijiyo in Xilalka laysu raaciyey hab loo maamuli karo oo ku dhisan xajmiga shaqo markaa anaga oo arrintaa ka shidaal qaadanayna waxaanu diyaarinay xeerka nidaamka Xukuumada oo xadidaya xilka,Waajibaadka,Awoodaha shaqada,Haayadaha dhaxe ee fulinta,isla markaana maamulaya laamaha dhexe ee xukuumada  iyo isku xidhnaantooda".Ayuu yidhi Md:Xirsi Cali X.Xasan

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md:Xirsi Cali X.Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu intaasi ku daray in ujeedada laga leeyahay Xeerkani ay tahay sidii saldhig loogu heli lahaa maamul daadajinta Xukuumada iyo Haayadaha Xukuumada dhexeba,waxaana uu carabka ku dhuftay in awoodaha shaqada Haayadaha Xukuumada dhexe uu kala xadayndoono.

"Ujeedada xeerkani waa in la daa dajiyo sharci saldhig u ah Xukuumada iyo Haayadaha Xukuumada dhexe,xadidaada Xilka waajibaadka shaqo,iyo awoodaha shadaqada Haayadaha Xukuumada dhexe,kala xadaynta hawlaha iyo laamaha Xukuumada dhexe iyo isku xidhkooda,in la gaadho tayeyn dhamaystiran oo la xidhiidha guud ahaan waxqabadka Xukuumada,In la xaqiijiyo habsami u socodka arrimaha bulshada iyo in si cad loo ifriimiyo loona dhaqan galiyo Xadka u dhaxeeya Xilalka maamul iyo Siyaasadeed ee haga gaadhsiinayana adeegyada aasaasiga ah iyo qaybaheeda kala duwan ee bulshada"Ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md:Xirsi Cali X.Xasan.

Ugu danbayntiina Wasiirka Madaxtooyada Somaliland waxaa uu ka codsaday Mudanayaashu in Xeerkan iyo Xeerka kale ee horyaala Golaha oo ay dhawaan Xukuumadu u soo gudbisayba ay sida ugu dhakhsaha badan ay u ansixiyaan,maadaama baa uu yidhi baahi aad iyo aad u wayn loo qabo.

"Intaa kadiba waxaanu idin ka codsanaynaa in Xeerarka la idiin soo gudbiyey ee uu ka mid yahay Xeerkan iyo Xeerarka kale ee muhiim ah ee Diiwaan gelinta Muwaadiniinta Madaniga ah ee Codbixiyeyaasha aad ka gudataan waajibaadkiina maadaama ay jirto baahi daruuri ah oo loo qabo,waxaan dareemaynaa maalin walba Xildhibaano ama Siyaasiyiin ku tiraab Doorashooyinka ayaa dib loo dhigayaa,markaa Xeerkiiba idinka ayaa uu idin horyaala,Xeerka idin horyaala dhamaystirkiisa iyo qabyo tirkiisaba waa waa jibaad Dastuuri ah oo aad idinku leedihiin,waxaanan idin ka codsanynaa in aad noo soo gudbisaan kana soo dhamaystaan waajibaadkiina"Ayuu yidhi Md:Xirsi Cali X.Xasan.