Hargeysa (Geeska)-Xoghayaha fulinta dawladda hoose Hargeysa, Ibraahim Axmed Raabi, oo dhawaan Wasiirka Arrimaha Gudduhu uu u magacaabay xilkan, ayaa la wareegay xilkii kadib markii Xoghayihii hore ee Dawladda hoose Hargeysa Mowliid Waris Cabdillaahi Madaxweynuhu u magacaabay Agaasimaha Wasaaradda Warshadaha.
Munaasibadii xil wareejintan oo Shalay ka dhacday Mansoor Hotel ayaa waxa ka soo qeyb galay Masuuliyiin ay ka mid ah yihiin Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada, Maayarka Caasimadda,Maayar ku xigeenka Caasimadda, Badhasabaabka Gobolka Maroodi-jeex, Xildhibaano, Agaasimayaasha Waaxaha kala duwan ee Dawladda hoose Hargeysa, Salaadiin, Madax dhaqameed, Marti-sharaf iyo dadweyne aad u tiro badan.
Maayar ku xigeenka Caasimadda cabdicasiis Maxamuud Xaashi oo isagu ugu horeyn Munaasibadaas ka hadlay ayaa yidhi “Kolay halkan hadal badan ma yaal ee waxan u mahad-naqayaa xoghayihii hore ee aanu sida fiican u soo wada shaqaynay runtii waxa uu ahaa nin how kar ah taasna waan uga mahad celinayaa waxan si kal iyo lab ah u soo dhaynayaa”
Suldaan Yuusuf Xiiray oo isna ka mid ah Madax dhaqameedka Somaliland, oo Munaasibadaas ka hadlay ayaa yidhi “Waxa si wanagsan ugu amaanaya shaqadii uu hayay Xog-Hayihii Hore oo ahaa nin aad howl kar u ahaa isla markaan shaqada u gudan jiray si fiican taasi waa amaan uu leeyahay ayaan odhanayaa waan uu u qalmaa in intaa iyo in ka badanba la amaano ,waxan si kal iyo lab ah u soo dhawaynaynaa Xog-Hayah Cusub oo Runtii ah Nin u qalma booskaa loo magacaabay waxaan is odhan karaa maanta dowlada hoose way dheeli tirantahay intaan aan kaftan ahaan u raaciyee, “
Suldaan Bare Xuseen oo isna ka mid ah Madax dhaqameedka Somaliland oo Munaasibadaas ka hadlay ayaa isna yidhi“kolay hadali la odhan lahaa waa la yidhi ee anuu waxan sii sabootinayaa Xog-hayihii hore oo aan leeyahay ALLE ha kugu asturo xilkaa lugu magacaabay ee aad u dalacday waxan si lab furan u soo dhaynayaa Xog-hayaha Cusub ee dhawaan la magacaabay”.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha wakiilada Cali Yuusuf, oo sina Madashaas hadal ka soo jeediyey ayaa hadalkiisi ku bilaabay “Maanta (Shalay), Munaasibadan aan isugu nimi waa mid aad u muhim ah sidaad la soctaan Caasimadu waa wajahadaha iyo indhah wadan walba markaa ragiinan waxaan uga fidhinayaa sidii aad ula tartarnsiin lahaydeen caasimadaha caalamka ku yaal taas waan filayaa in aad gaadhsiin kartaan waayo waxaad tihiin Niman Dhalinyaro ah oo aqoon yahano ah, ilaahay haydin ku usturo ayaan leeyahay waayo xoolaha ay dowlada hoose hayso waa cashuuraha laga soo ururiyay Masaakinta gedaarada fadhiya” .
Xoghayihii hore ee Dawladda hoose Hargeysa Mowliid Waris Cabdilaahi oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray intii uu xilkan hayey, waxaanu dardaaran u soo jeediyey Xoghayaha cusub, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “ALLE Mahadii xilkan Dawladda hoose waxaan soo hayay muddo Saddex Sanno iyo badh ah waxaan ay ahayd madal aad u shaqo badan oo u cabasho badan waxaan ku fikiri jiray tallow maad maalin uu ka bixi adoo ceeb la lakiin ALLE mahadii maantaba waan ka soo baxay anoo ka ceeb la waxan u mahad celinayaa cid kasta oo aanu soo wada shaqaynay oo aan si hufnaan leh u soo wada shaqaynay,Xog-hayaha Cusub waxan u sheegay kolay waad nala arki dontaad waa shaqo badan ee Dul qaad muuji subax walba waxaad u soo toosasaa wado qabyo ah oo xafiiskaag dul taal oo lagaaga baahanyahay in aad socdsii’o.
Subaxii ALLE keenaba waa shaqo iyo hawl qabyo ah oo lagaag baahanyahay in aad sii wado taasan waad kaga baxaysaa dadaalkaaga waxa ALLE kaaga baryay in uu xilkaasi kuu fududeeyo dhamaan waxan u mahad naqayaa cid kasata oo aan shaqo qaran soo wada qabanahy .Si musuqmaasuqa loo yareeyo waxaanu samaynay guddida qandaraasyadda oo aanay dawladda hoose lahayn, waxaanu samaynay wadooyin badan, sanadkii ugu horeysya 2012 waxanu samaynay 36 km ka tayo wannaagsan kuwii hore, waxaan la kulmay iyadoo laba gole kala wareegayo, laakiin golaha cusub waxa yimadeen xili nin walba lagu yidhi wax aka xigta maayirnimada inaad golaha gasho, wax kala jiidasho ayaa badnaa waxaan kugu wareeinayaa gole midaysan ooo wada socda,
Xogyaha cusub ee dawladda hoose Hargeysa Ibraahim Axmed Raabi oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay inuu xilkiisa si daacadnimo ku dheehan tahay u gudanayo, xilka saarana uu ka soo baxayo, waxaanu ammaanay xoghayihiii hore, waxaanu Alle ka baryay inuu xilka u fududeeyo.
Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Runtii waxaan soo dhawyn u muujinayaa Xog-hayaha Cusub waxan Si Niyad san u sii galbinaynaa xog-hayihii hore ooaan leeyahay meeshaad tagtayna siduu ALLE halkan kugu asturay ha kugu asturo”.
Dhanka kale waxa isna Munaasibadaas xil wareejinta ka hadlay Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud (Caydiid Soltelko), waxaanu yidhi “Dawladda hoosse waa meesha kaliya ee qof kasta oo guri ka soo baxo muraad ka yeesho, wasaaradda warshaha waa meel shaqo badan u baahan, ibraahim waxa tartameen toban qof, fursada qof uun baa helaya marka ibraahim uun baa ku guulaystay, dawladda hoose ku soo dhoweeyey waa mishiin aad u weyn oo aan ku saamaxayn in aad galinnba nasato, dhinac walba way taabanaysa marka waxay u baahan tahay in wakhti badan la siiyo dawlada hoose, shaqaale badan ayaa jooga, run ahaantii labaddi sanno aanu joogno aad baanu u tayeyna shaqaalaha, wax masta ahi muu joogin imika shan bay marayan, qaar kala jaamacaadaha dalka ayey ku jiraan, ku soo dhoweey ibraahim shaqada badan, mawliidna waan usii ducaynaya shaqadda cusub ee uu qabtay”