Tahriibeyaal Ka Sheekeeyey Saxariirkii Soo Maray

0
627

Picture1Doonta aan saarnaa anigu waxa aan ku jiray godka yare e doonta sallaanka khanka hoose ka soo baxa eek or lagu soo fuulo ku hoos yaalla. daaqado ma jiraan. Biyo aanu cabno lanama siinayo oo waxa ay diidayeen in ay kaadi na qabato oo aanu suuli u baahanno. Haddii aad bukooto ama aad kor u soo bado si aad waxoogaa hawo ah u hesho, Tahriibiyeyaasha hubaysan ayaa markaba ku tooganaya. Waxa aan aad uga baqanayey in ay doontu nala qarqoonto, waayo ma’ aan aqoonin dabbaasha.

Ibraahim 17 dhadhamiyey dhibta doonyaha tahriibka:

Ibraahim oo ah tahriibe kale oo ka yimi Soomaaliya isaga oo soo maray Itoobiya, Suudaan, Liibiya kadibna doon u soo raacay Talyaaniga. Ibraahim yare oo ka waramaya waxa uu soo maray ayaa yidhi, “Doonta aan soo raacay waxaa saarnaa illaa 150 qof. Dadka Soomaalida ah waxaa lagu guray dabaqa hoose ee doonta, dadkii jinsiyadaha kale ahaana waxaa la geeyey dabaqa iyo barxadda sare ee doonta” Ibraahin oo ka sheekaynaya markii masiibadii ugu darnayd ku qabsatay badda dhexdeeda ayaa intaas ku sii daray, “Mar keliya ayaa uu mishiinkii doontu istaagay. Doontii waa ay dillaacday waxa aanay bilowday in ay biyaha dul sabbayso. Biyo ayaa gudaha doonta soo galayey. Waxa aan arkayey doonidan ay wateen kalluumaysatada reer Tuuniisiya oo meel hortayada ah joogta. Inta ay doonidii Tuuniisiyaanku watay noo timid ayaa uu kabtankii waday noo sheegay in qofkii lacag iska bixiya uun uu badbaadinayo. Waxa aan jeebka ku sitay lacag dhan $15 (Shan iyo Toban doolar) oo keliya, isagii ayaa aan siiyey. Qof kasta oo doonta saarnaa wixii uu lacag iska helay ayaa uu kabtankii doonta watay siiyey. Marba mark aka dambaysa doonta aanu saarnayn waa ay sii degeysay, biyaha soo gelaya ayaa sii kordhayey.

Qof kastaa waa uu ooyayey. Aakhirkii markii aanu lacagtii bixinnay ayaanu ku wareegnay doontii uu watay ninka Tuunisiyaanka ahi. Ugu dambayntii waxaa noo yimi markab weyn oo uu Talyaanigu leeyahay, waxa aan fuulnay doonyihii badbaadada ee uu markabkaas weyn ee Talyaaniga ahi na siiyey si aanu isaga ugu wareegno”

Ugu dambayntii Ibraahim yare oo 17 sano jir ahi waxa uu ka sheekeeyey sababta tahriibka ku sii dhiirrigelisay, “Qoyskayaga ayaa jooga dalka Sweden, waxa aan doonayey in aan iyaga u tago. Ma garanayo waxa aan doonayo in aan mustaqbalka marka aan weynaado noqdo. Yurub imkaaniyaadka aan ka heli doono ma’aan garanayn, laakiin waxa aan jeclaa luuqadaha barashadooda”

Xayaad: 18 bilood jir aan jinsiyad lahayn:

Waa ilmo yar oo aan weli laba sano gaadhin, waxa ay ka badbaadday doon qaraqantay oo ay ku dhinteen tahriibayaal ka badan 100 ruux.

26kii Ogos 2014kii ayaa ciidamada badda ee Talyaanigu ay yimaaddeen dekedda Augusta ee maamulgoboleedka Sicily ee dalka Talyaaniga. Ciidamadani waxa ay ku yimaaddeen dekeddan qaylodhaan tlaefan oo ka timid doon kalluumaysi oo ku geddoontay badda dhexdeeda. Doontan waxaa saarnaa Tahriibayaal doonayey in ay Talyaaniga soo galaan, laakiin intii aanay soo gaadhinayaa ay ku geddoontay biyaha khatarta badan.

Markii Markabka Talyaanigu soo gaadhay halkii ay doontani ku dhacday, waxa uu la kulmay boqollaal ah dad isugu jira rag, dumar iyo arruur oo isku dayayey in ay dabbaal isku badbaadiyaan. Maalintaas ciidanka badda ee Talyaanigu waxa ay badbaadiyeen 364 Tahriibe, laakiin Tahriibayaal tiradoodu ka badan tahay 100 qof ayaa qaraqmay. Markii dadkan la soo badbaadiyey ay Markabka kaga soo degeen Sicily, dadkii tirada badnaa ee ku soo ururay waxa ay ishoodu markiiba ku dhacday, Nin dheer oo sida ilmo aad u  yar, oo jiray 18 bilood oo keliya.

Ninkani waxa uu ahaa Xamiid, oo ahaa dhakhtar ka soo qaxay dalka Suuuriya oo markii dhowr sano uu noloshiisa u baqayey kadib ka soo firdhaday. Dr. Xamiis ilmahan yar ma’ uu dhalin, waxa uu soo badbaadiyey ilmahan oo inan ahayd iyada oo biyaha dul sabbaynaysa, muddo uu biyaha dul sabbaynayeyna kor ayaa uu u hayey isaga oo rajaynaya in uu la tacaalo inta ay doonyaha badbaadadu soo gaadhayaan.

Dhakhtar weeyaan oo si fiican ayaa uu u garanayey khatarta ay leedahay xaaladda afka qalaad lagu yidhaahdo Hypothermia oo ah in heer-kulka (Xaraaradda) qofku ay aad hoos uga dhacdo intii uu jidhkiisu u baahna. Waana xaaladda ay inta badan u dhintaan dadka tahriibayaasha ah ee doonyuhu yaryar u raaca Talyaaniga oo sii bara bad qabowgeedu aad u daran yahay.

Ilmahan yar dhammaan qaraabadiisii waxa ay ka mid ahaayeen dadkii aan la badbaadin ee qaraqmay, hooyadeed, aabaheed iyo wiil yar oo 10 sano jir ahaa oo ay walaalo yihiin ayaa ku dhintay masiibadan.

Dr. Xamaa’id ayaa iskii inantan yar ugu bixiyey magaca ah Xayaat oo ah magac carbeed oo macnihiisu noqonayo Nolol. Haayadda badbaadada carruurta  (Save the Children) iyo haayadda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa baafiyyey ilmahan yar ciddoodii, waxa aanay u soo heleen awoowgeed oo markii uu haayadda kala wareegay dib ugula noqday Suudaan.

Dhammaad. Xigasho wargeyska The Independent.