Xoghaya Guud Ee Ururka Iskaashiga Carabta Oo Ka Hadlay Saxeexa Axdiga Dubai Ee Somaliland Iyo Somaliya & Aragtida Imaaraadka Oo Cadaatay Iyo

2
559

carab ahaaRiyadh- (Geeska/WAM)- Xoghaya guud ee ururka iskaashiga dawladaha Khaliijk Carabta Dr. Cabdalladiif Bin Raashid Al-Zabani ayaa soo dhoweeyey dadaalka ay dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabtu ugu jirto in ay ka midho dhaliso dib-heshiisiin ka aslaaxda Somalia taas oo ku bilaabantay saxeexidda Axdiga Duba, sida ay wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee dawladda Imaaraadku u dhigtay.

Xoghaya guud ee dawladda iskaashiga Khaliijku, tallaabadan Imaaraadku isugu keenay madaxweyne Siilaanyo iyo madaxweyne Shariifka Somalia waxa uu ku tilmaamay, “Waa guul taariikhi ah oo ka qayb qaadanaysa in la joojiyo dhiigga muddada dheer daadanayey, shacabka Soomaaliyeed ee aynu walaalaha nahayna waxa ay u rumaynaysaa amniga iyo xasiloonida uu hiigsanayo”

Wakaaladda wararka ee Imaaraadku waxa ay sheegtay in xoghayaha ururka Iskaashiga Khaliijku, hadal uu siiyey wakaaladda inuu ku ammaanay dadaalka ay dawladda Imaaraadku ku xaqiijisay in ay dib-uheshiisiin ka dhex abuurto dhinacyada Soomaalida, taas oo caddayn u ah dadaalka uu Imaaraadku ugu jiro sidii ay nabadda iyo xasiloonidu ugu soo noqon lahaayeen Somalia iyo sidii dib loogu soo celin lahaa dib u dhiska iyo horumarka si loo dhabeeyo himilada shcabka Soomaaliyeed ee ah in uu helo nolol tan hadda ka fiican oo aan xasarado iyo burbur lahayn. Ayaa ay  wakaaladdu ku tidhi warkan ay ka soo xigatay xoghaye Al-Zabani, iyada oo intaas ku sii dartay in xoghayuhu uu sheegay in dalalka ku bahoobay Iskaashiga Khaliijka Carabtu ay barakaynayaan kuna faanayaan dadaalkaa daacadda ah ee uu dalka Imaaraadku ku bixiyey sidii uu isugu soo dhowayn lahaa aragtiyaha kala duwan una dhabayn lahaa is-faham dhex mara dhinacyada Soomaaliya ku dagaalansan. Waxa aanu sheegay in uu rajo weyn ka qabo in dadaalkani uu samaan, guul iyo isfaham u keeni doono shacabka Soomaaliyeed si ay u soo ceshadaan amnigooda iyo xasiloonidooda. Ayaa lagu yidhi warka wakaaladda wararka Imaaraadku baahiyey.

Waa markii labaad saddex maalmood gudahood ee ay wakaaladda wararka dalka Imaaraadka Carabtu ay war ka qorto heshiiskii dhowaan dalka Imaaraadka Carabta ay ku saxeexeen madaxweynaha Somaliland Md. Siilaanyo iyo madaxweynaha dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Somalia Md. Shariif, waxase labada warba ka muuqata sida dawladda Imaaraadku u muujinayso waxa uu daaran yahay ama natiijada ay ka rabto in ay ka soo baxaan wada hadallada Somaliland iyo Somalia oo sida wararkan iyo masuuliyiinta wakaaladdu soo xigatay hadalkooda ka cad ah in Soomaaliya oo midaysan oo nabad iyo xasilooni ka jirtaa ay soo noqoto.

Arrintani waxa ay aad uga duwan tahay ujeedada dhabta ah ee ay ugu yaraan shacabka u sheegaan masuuliyiinta Somaliland ee ah in wada hadalladani yihiin kuwo Somaliland u soo dhoweynaya aqoonsi ama ugu yaraan ixtiraam dheeraad ah oo ay ka hesho bulshada caalamka. Waxaa iyaduna xusid mudan in warbaahinta dalalka Imaaraadka Carabtu ay dhowaan faafiyeen sawirrada shirkii la dagaalanka budhcad badeedka ee ka qabsoomay Imaaraadka, shirkaas oo ay isugu yimaaddeen Somaliland, Somalia iyo maamul-goboleedada Soomaaliya, ayaa sawirradani ay muujinayaan in wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland uu kaga qayb galay meeqaam ka hooseeya kii shacabka Somaliland filanayeen oo ah in uu fadhiistay miiska Soomaaliya oo uu calankii buluugga ahaa saaran yahay.

Arrintani waxa ay muujinaysaa in wada hadallada xukuumadda madaxweyne Siilaanyo la bilowday Somalia ay yihiin kuw si qabyo ah loo qorsheeyey ama tallaabooyin badan la qaadayo iyada oo aan la daraasayn, waxaana ugu dambaysay tallaabada ay xukuumadda Somaliland ku ogolaatay in ay kulanka labada madaxweyne uu dhex-dhexaadiyo dal aan qarsanaynba mawqifkiisa ah in shirka laga rabo midnimo Soomaaliyeed, oo ah isla aragtidad madaxweyne Shariif qudhiisu rabo. Taas oo ka duwan sida ay dalal kale u dhaqmaan ee ah in Soomaaliya masiirkeedu ku xidhan yahay labada dhinac oo ay iyaguna taageerayaan hadba sida la isla garto midnimo iyo kala-tag ka uu doono ha noqdo ee.

Waxaa iyadana dad badani ka walaacsan yihiin in ka qaybgalka shirarka Soomaalidu ay Somaliland ku noqoto fari Tog-dheer bay kula xushaa. Dad badan ayaa sidoo kale wadnaha farta kaga haya Somaliland ku sii socoto hababkan ay uga qayb galayso shirarka Soomaalida, taas oo sii caddaan doonta haddii xukuumadda madaxweyne Siilaanyo go’aansato in ay sidoo kale ka qayb gasho shirka daneeyeyaasha Soomaaliya oo isna la filayo in uu Isniinta toddobaadkan ka furmo magaaalada Roma ee dalka Talyaaniga iyada oo ku socota uun qorshaha gal-daloolada badan ee ay haddaba wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland kaga qayb gasho shirarkan.

Comments are closed.