Madaxweyne Siilaanyo Oo La Kulmay Hoggaamiyihii Kooxda SSC Iyo Nuxurka Wada Hadalkooda

0
547

xagala toosiyeHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa hoteelka uu degenyahay ee magaalada Dubai ku qaabilay Dr. Saleban Ciise Axmed (Xaglatoosiye) oo ahaa hoggaamiyaha kooxdii SSC.

Kulankaas oo ka dhacay hoteelka Mina-salaama ee uu Madaxweynuhu degenyahay, waxa ay ay kaga wada hadleen qodobo badan oo ku saabsan gobalada bari iyo colaadaha ka taagan. Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Daahir, ayaa wuxuu u dhignaa sidan:  “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Waxa uu maanta [shalay] ku qaabiley Qasriga uu degan yahay ee MINA-SALAAMA HOTEL, Hogaamiyaha Kooxdii SSC, Saleebaan  Ciise  Axmed Kaar (Xaglatoosiye).

 Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha SSC waxay ka wada hadleen sidii deegaanada Buuhoodle iyo qaybo ka mida Sool loogu soo dabaali-lahaa nabad-gelyo buuxda oo taam ah.

Madaxweynaha iyo Gudoomiyuhu waxay  istu-seen isla markaana kuwada Qanceen baahida ay shacbiga deegaanadaasi u qabaan in ay walaalahooda dalka ee kale la wadaagaan horumarka dhanwalba leh ee wax-barashada, Caafimaadka, Nabad-gelyada iyo Adeeg-yada kale ee ay noloshu u baahan tahay oo dhan, sida biyaha Iwm.

Ugu danbayn waxa uu Madaxweynuhu balan qaaday inuu dhiniciisa soo dhawaynayo dedaalka lagu soo Af-jarayo khilaafka jira oo dhan, wuxuuna hogaamiyaha SSC-da kula dar-daarmay inuu si dhakhso ah uga hawl-galo.

Saleebaan  Ciise  Axmed Kaar (Xaglatoosiye)na waxa uu balan qaaday inuu ka hawl-gelayo sidii khilaafka loo soo Af-jari lahaa, waxaanu sheegay inay reer soomaaliland yihiin dad wada dhashay oo aan sinaba u kala maarmaynin, Dantuna ay ku jirto wax-wada qabsiga iyo wada jirka.”