Sarkaal Reer Somaalilaand ah oo ku Guulaystay Bilad Dahaba Kuliyadda Sare ee Ciidamada ee Dalka Ethiopia.

0
665

DSC00199“Waxa uu biladda  kaga guulaystay  50 sarkaal oo ka kooban 12 cornaels, 18 Gaashanle iyo 2o Captain”.

Addis Ababa (Geeska) Xaflad si wayn loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay qalinjabinta konton sarkaal(50)  oo isugu jira Ethiopian iyo reer soomaalind ayaa lagu qabtay 30-06-12, maalintii sabtida   kuliyada ciidamada ee Awash. Munaasibada oo ay ka soo qayb galeen madax ka socotay labada dale e Ethiopia iyo Somalilandba  oo ay kala Hogaaminayeen Geneneral Gebret Ayele oo ah Taliyaha Hoganka tababarada ee ciidamada Ethiopia  iyo Abaanduulaha Ciidanka Qaranka  Gen. Abdilaahi Xaaji Jama(Calas) , Col. Ahmed tansaani  iyo Col.Abdi Adilaahi Dheere oo ka socday somaalilaand.

Kuliyaddan Ciidamada  Awash Combined Arms Academy ee dalkaasi Ethiopia oo  ay ka qalin jabiyeen dufcadii afraad ee ee Milateri ayaa waxaa kaalinta koowaad ku guulaystay sarkaal ka tirsan Ciidanka milateriga Soomaaliland.

Captain Saciid Aadan Abdi oo Dhamastay  Shahaada  Degree Military Science and Leadership ayaa la gudoonsiiyay Biladda Dahabka ah ee lagu abaal mariyo  qofku keena dhibicaha  uga sareeya, Captain Saciid oo keenay CGPA. 4. Oo u dhiganta 100%  ayaa waxa ku wehelinayay  11  sarkaal oo ka socday dhinaca soomaalilaand iyo 38 sarkaal oo ka socday dalkaa Ethiopia. Saraakiishan milattery oo mudo sadexsano ah ku gudi jiray    waxbarashada  ay ku diyaarinayeen  Degree In Milater Science and leadership  ayaa waxay mahadnaq u soo jeediyeen dawlada soomaaliland iyo Ethiopia oo iska kaashaday deeqada waxbarasho. Kabtan siciid oo ku hadlayay magaca saraakisha soomaaliland islamarkaana ah kan ku guulastay bildda dahabka ah ayaa  mahadnaq qaara u soo jeedyay   saraakiisha kuliyada ee wax soo bartay iyo guud ahaanba  labada dawladood ee iska kaashaday. Maaha markii koowaad ee ciidadamada soomaalilaand wacdaro ka muujiyaan kuliyadaha dalka Ethiopia, waxa isna sanad ka hor magac ka soo hooyey  dhakhtar ka tirsan ciidamada milateriga  Dr, Ahmed Shadi oo isna  sanadkii hore biladda dahabka ah ku guulastay. Waana ku wan magacyada 12ka sarkaal ee reer soomaalilaand ee qalinjabiyay.

1.     Captain Siciid Aadan Abdi(suudi)

2.    Captain Ibraahim Abdi Adan(Gabaloos)

3.   Captain Ahmed Dagaal  Dhimbiil

4.   Captain Kayse  Ali Aadan

5.    Captain Ahmed Mohamud Isaaq

6.    Captain Mowliid  Ali Mohamed

7.    Captain Abdiqadir Mohamed Jamac

8.   Captain Ahmed Ciise Ahmed

9.    Captan Mohamed  Omar Koosaar

10.               Coptain Mohamed Daahir   Jibriil

11.               Captain Cabdiwahab Mahad  Warsame

12.               Captain Abdirisaaq Aadan Abdi