Xoghahaya Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Ka Hadlay Daawo Dhacday Oo Suuqa Lagu Daadiyay

0
666

Hargeysa (Geeska)-Xoghayaha Dawladda Hoose Hargeysa Axmed Maxamed Cabdilahi (Axmed Darajo), ayaa ka hadlay dawooyin dhacay, oo magaalada dhexdeeda la dhigay,

Xoghayaha Dawladda Hoose Hargeysa), oo ka hadlaaya Dawooyin dhacay oo lagu soo qubay Magaalada Hargeysa dhexdeeda, ayaa yidhi "Nin muwaadin ah oo dalka u dhashay in dawadii dhacday ee farmasigiisi taalay, ee muddo dhaaftay, inta uu magaaladii ka soo qaado, in magaalada dhexdeedii meel ka mid ah, uu dhigo waa arin aad iyo aad  nasib xumo u ah,oo ayaan daro u ah oo shacabkana duulimaad ku ah caafimaadkoodii iyo deegaanoodii intaba, ninkaas dawada keenay, waxa uu keenay wakhti habeenimo ah, xalay jimicihii ayuu goobta keenay, sida aan warka ku helnay ee bilaysku nagu siiyey, goobtan uu keenay waa magaalada badhtankeedii, waa goob deegaan,  waa goob ay dad degan yihiin, waa goob bulshada ka mid ah, run ahaantii gooobtan uu dhigay waa waa goob banaan ah, oo aan qarsoomayn,ayuu dhigay dawada tiradaas leeg, waa dawo iskugu jirta nooc walba, dawadaasi waa dawada ay inta badan farmasiiyadu hayaan, waa dawo uu ka keenay suuqa dhexdiisa, waa dawo ay ahayd ninka muwaadinka ah ee dadka iyo dalkaba ka naxayaa, in dawadan oo kale marka ay dhacda inta uu goob qashin geeyo inuu gubo, ayaa waajib ku ahayd oo uu umadda ka qariyo".

Dhinaca kale Xoghayaha Dawladda Hoose Hargeysa ayaa sheegay in Booliska Degmada Axmed Dhagax ay gacanta ku soo dhigeen daawadan, waxaanu baaq u diray dhammaan Ganacstada oo uu ugu baaqay inay aad uga feejignadaan Dawooyinka iyo waxyaabaha dhacay ee ay dhigayaan goobaha aan lagu talagalin