Al-Shabaab Oo Qabsatay Magaalada Marka

0
536

Wararka ka imaanaya degmada Marka ee gobolka Shabeelada Hoose ee dalka Somaliya ayaa sheegaya in shalay  hal mar lagu arkey Ciidamo taabacsan ururka al-Shabaab oo gaafwareegaya daafaha magaalada iyo weliba gudaha.

1111111111111

Ciidamada AMISOM iyo kuwa DowladdaSomaliya  ayaa ka soo baxay Marka oo xarunta gobolka Shabeelada Hoose.

Ka bixitaanka ciidamada Amisom ee Marka, ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyey afhayeenka gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Xuseen Shiino.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidankan ay magaalada ka baxeen kadib markii ay  waayeen xuquuqdooda.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Cabduqlaadir Maxamed Nuur (Siidi) ayaa BBC-da u sheegay in ay tahay nasiib darro in al-Shabaab ay dib u qabsadaan Marka weliba si fudud. deda qabsashada ayuu sheegay in aanay lahayn AMISOM oo keliya, waxaana uu qayb ka dhigey dhibaatooyinka gobolka markii hore hoostegi jirey Dowladda Dhexe laakiin hadda la hoosgeeyey maamulka Baydhabo ee Koonfur Galbeed.

AMISOM ayaa maalmihii u danbeeyey dib uga baxaayey degaano ay muddo dheer ku sugnaayeen kadib weerarkii ciidamada badan looga diley ciidamada Kenya.

Degmada Marka waxay ka baxdey gacanta al-Shabaab ka hor doorashadii madaxweynaha Soomaalikya ee Xasan Shiikh Maxamuud sanadkii 2012 bishii Agoosto, tan iyo markaas waxaa ku sugnaa ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM.