Xisbiyadda Mucaaradka Ah Oo Ku Adkaystay Qabashada Doodda Qaran Ee Ay Ku Baaqeen, Xukuumadda Siilaanyana Ku Eedeeyay Cabudhin

1
776

Hargeysa(Geeska)-Xisbiyadda mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani ayaa ku adkaystay  qabashada shirka dooda qaran ah ee ay ku hawlan yihiin,waxaanay si cad ugu celiyeen in aanay joojinayn qabashada doodaas oo xukuumadda iyo xisbiga taladda dalka hayaaba sheegeen inaan la qaban Karin.

Xisiyadda mucaaradka ah waxa ay sidoo kale sheegeen in xisbiga KULMIYE doodan qaran hore u qabtay sanadii 2006-dii, iyaga oo been abuur iyo jaah waraarin ku tilmaamay  qaabka uu shirkan uga hadleen masuuliyiinta xisbiga KULMIYE, ugu danbayntiina  xildhibaanada ku biiray xisbiga KULMIYE ayay ku tilmaameen kuwo mudooyinkanba ka tirsanaa oo ay shaacintooda ku danbabasayso fadeexadaha dhanka nabadgaylada iyo musuqa ka haysta xukuumadda.

Ugu horayntii musharaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo u xalay khadka Telefoonka ugu warmay wargeyska Geeska Afrika ayaa waxa uu yidhi  “Dood qaran ayaanu wadnaa shir beeleedna ma wadno guddoomiyahuna(Muuse Biixi) meesha uu ka keenay shir beeleedka isaga yaqaana, ummadda in la majara habaabiyo maaha, waliba markaad nin weyn oo masuul ah aad tahay oo waliba guddoomiye xisbi gaadhay. ajandayasha aanu soo saarnayna wax shir beeleed ah kuma jiraan oo maba wadi karno shir beeleed oo xisbiyo qaran ayaanu nahay. Inuu KULMIYE sidii markii uu mucaaradka ahaa u dhaqmo oo dadka been ka dhaadhiciyo waa arin laga yiq yirsoodo, meeshu ka keenayna anagu garan maayo, meeshana shir beeleed ma yaale dood qaran ayaa taala. Doodaas qarana waa tii uu KULMIYE sameeyay sanadii 2006-dii iyaga oo ku qabtay Hudheelka Obama waxaana wada sameeyay UCID iyo iyaga sanadkaas,waxaanay ku soo casuumeen safiirkii Itoobiya doodaas qaran ee ay barigaas sameeyeen; waxa guddoomiye u ahaa Dr.Fadal doodaas ay barigaa KULMIYE iyo UCID ay wada qabteen oo imikana guddoomiye u ah doodan aanu qaban qaabinayno.wixii ay shalay samaynayeen markay mucaaradka ahaayeen inay xaaraantinimeeyaan maaha, iyaga oo aan meel ay sharciga ka adeegsanayaana aanay jirin.waxaanan u aragnaa cabudhin ay xukuumaddu ku qarinayso dhaliilaheeda”

Jamaal Cali Xuseen, waxa kale oo uu sheegay “Gudoomiye Muusena waxa uu hadda uga hadlayo ee uu hore uga hadli waayay garan maayno illeen arinkan waa mid soo socday oo in badan laga hadlayay. Qabashada doodaasi w aa arin naga go’an oo laba nin oo meelahaas soo istaagay arin lagu daynayo maaha, xisbiyada qaran milgo iyo sharaf ayay leeyahiin, xukuumadduna waa in aanay sharciga ka dhigin la jiifiyaana banaan” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxay sheegayeen KULMIYE inay  ku soo biireen 11 xildhibaan,waxanan u aragnaa xildhibaanadaas dawladdu ay samaynayso inay yihiin kuwo ay isku iibinayso oo ay ku danba’basayso  fadeexadaha dul hogaanaya ee ay ka mida yhiin, nabadgalyo darada jirta ee suuqa la isku rasaasaynayo iyo fadeexadaheedii hore ee fashilkii madaarka iyo shirkadii shidaalka ee meesha ka baxday,arimaha musuqmaasuqa ee jira iyo xisaab la’aanta. xildhibaanadaas ay leeyahiin way nagu soo biireena waa kuwii awalba dawladda ardayda u ahaa oo sacabka u tumi jiray markay xeerarka golaha keento,waxa wakhtigan loogu soo beegayna waa in dawladu ay  daaha ku saarto xisbiga KULMIYE oo dadku ka soo  taagan yihiin taaldiisii. Waxa kale oo ay xildhibaanadan u soo bandhigayaan in loogu hanjabo guddoomiyaha golaha wakiilada oo ah guddoomiyaha xisbiga Waddani si loogu cabudhiyo oo la yidhaahdo dib uga noqda dooda qaran, dooda qaran way soconaysaa,waa mid dastuurkuna siiyay oo sharci ah, wax cusubna maaha ee waa mid hore KULMIYE uu u sameeyay, anagu u joojin mayno waanay soconaysaa,sharciguna waa uu noo ogal yahay.”

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Axmed Muumin Seed, ayaa isaguna ka hadlay diidmada xisbiga Kulmiye ee shirka talo-qaran “Waa nasiib daro in gudoomiyaha ku-meel gaadhka ah ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi isaga oo muddo badan ku jiray siyaasadda Somaliland inuu maanta kala garan waayo shir beeleed iyo dood qaran, waxaan u malaynayaa waxaanu wax ka akhriyin Muuse saxaafadda madaxbanaan ee dalka, waayo anaga waa nagu ceeb Waddani ahaan iyo xisbiyo mucaarad ahaanba inaanu ku baaqno shir beeleed, shir beeleed waxa la yidhaahdaa marka aanay dawladdi jirin, laakiin maanta inagu dawlad ayaynu leenahay itaalka ay doonto ha la haatee” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo shalay u waramayey Telefiishanka HCTV, waxaanu intaa ku daray  “Anagu hadaanu xisbiyada mucaaradka ah nahay waxaanu ku baaqnay oo aanan cidna u daba fadhiisanayan amarkana aanan uga qaadnayan dood qaran, ajandaheedii ugu horeeyayna waanu sheegnay, waxaana lagaga tashan doonaa dawladnimada Somaliland halkay inoo marayso iyo wixii inoo qaboomay, KULMIYE waad arkaysaan isagay maradiisii ku gubanaysaa inuu cid kale wax ka sheegaana waa u nasiib daro, waxaan u malaynayaa uun inuu arinkaasu yahay nin daad qaaday xubno cuskay.”

Guddoomiye Axmed Muumin Seed oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Anagu hadaanu nahay labada xisbi waxaanu go’aan ku gaadhnay oo aanu gudidiina u saarnay in doodaas la qabto, gudiduna hawshoodii way ku jiraan,dawladdu hadii ay ka hor timaado iyo hadii ay diidaba ka xisbiyo mucaarad ahaan waanu wadaynaa mana joojinayno dooda qaranka,waana wax u dan ah bulshada reer Somaliland oo lagu iftiiminayo xaalada dalkeenu maanta halkay marayso”

Comments are closed.