“Xisbiyada, Waa In Tartankooda Iyo Loolankoodu Noqdaa Mid Nadiif Ah Oo Hufan”Axmed Yuusuf Yaasiin

0
744

Hargeysa (Geeska)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay Doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay dhammaadka sannadkan ay dhacdo, waxaanu Komishanka Doorashooyinka ugu baaqay inay dadaalan, si aanay Doorashada dib ugu dhacin wakhtigeeda, waxaanu Xisbiyadana ugu baaqay inay la yimaadaan tartan iyo siyaasad nadiif ah.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay sannad guuradda 57aad ee 26-june, xilli uu Madaxweynaha Somaliya uu sheegay in aanay kala maarmi karin Somaliland iyo Somaliya, waxa kale oo uu ka hadlay Xukuumaddihii taladda dalka u kaal dambeeyey iyo mid waliba waxay qabatay, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Doorashadii muddo aad u kooban oo bilo ah ayaa ka hadhay,si  hakad aanu ugu iman Doorashada oo aanay dib uga dhicin wakhtiga loo cayimay ama loo asteeyey ha lagu qabto, waxaan Komishanka ku boorinayaa inay dadaalkooda laba jibaarana, oo sida ugu dadaalka badan uga hawl-galaan arimaha Doorashada, oo sida ugu macquulsan kaadhadhka cod bixinta ha u

qaybiyaan,Doorashadana ha noqonto Doorasho xor iyo xalaal ah oo cadaalada ku salaysan”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland mar uu baaq u diraayey Xisbiyada Qaranka ayaa yidhi “Axsaabta waxaan leeyahay tartankiinu ah ahaado mid nadiif ah, oo loolankiinu ha ahaado mid nadiif ah, oo Siyaasada iyo barnaamujka aad dadka u soo bandhigaysaan ha ahaadan kuwa macquul ah, oo dadka ku kala kasbada siyaasad iyo barnaamuj fiican”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland mar uu ka hadlaayey 26-june ayaa yidhi “Somaliland markii ay Ingiriiska ka qaadatay xoriyadeeda, waxay raadinaysay midnimada Shantii Somaliyeed, ee may raadinayn oo qudha Koonfurta Somaliya, balse markii ay Somaliland iyo Koonfurta Somaliya midoobeen, ee ay meesha ka baxeen rajadii laga qabanay in shanti Somalidu midoobaan, dadkii reer Somaliland dhib badan iyo cadaadis badan la baday, waxay dantu baday inay dib la soo noqotay xoriyadeedii ay lumisay, marka Somaliland maanta uma jeedo midnimo dambe oo ay la midoowdo Somaliya, uma jeedo midnimo dambe oo ay ku hungoowdo, ee haddii loo baahan yahay midnimo Somaliyeed waa in shanti Somaliyeed miiska soo wada fadhiistaan, markaas ayey Somaliland diyaar u tahay midnimo, laakiin in Shan Somaliyeed dawlad qudha ku heshiiyaan suurtagal maaha, sidaas ayeyna suurtagal u ahayn inay Somaliland la midoowdo Somaliya,ee Madaxda Somaliya riyada ay ku jiraan ha ka baxaan”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland mar uu ka hadlaayey Xukuumaddihii taladda dalka u kala dambeeyey iyo mid waliba wixii ay qabatay ayaa yidhi “Dhammaan Xukuumaddihii taladda dalka iska dambeeyey mid waliba waxbay qabatay, ka soo bilawo Xukuumaddihii ugu horeeysay ee ALLE ha u naxariiste Cabdiraxmaan Axmed Cali, iyadoo xilligaas dalka la soo galay, oo muddo kooban dalka haysay, haddana waxaanu odhan karnaa waxayba qabatay, Xukuumaddu ku xigtay ee ALLE u naxariiste Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, iyana wax bay qabatay, waxay ka shaqeeysay nabadeyntii,  hub ka dhigistii iyo dib u heshiisiintii, Xukuumaddaydiina waxaanu qabanay wax badan, oo intii aanu taladda dalka haynay waxa dalka ka hirgalay Doorashooyinkii ugu badnaa, oo xor iyo xalaal ah, waxa dalka ka hirgalay Dimuqraadiyada, Xukuumaddan Axmed Siillaanyana iyana wax badan bay dalka ka qabatay, markaas dhammaan Xukuumaddihii dalka iska dambeeyey mid waliba waxay qabatay, ee maanta dadku wuxuu u ooman yahay oo uu doonaya waa Ictiraaf, ee dhabo walba oo loo mari karo Ictiraaf raadinta ha loo maro, oo ha laga dadaalo oo yaan la dhayalsan”.

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa hambalyo u diray guud ahaan Shacabka reer Somaliland iyo umadda muslimka ah, munaasibada ciida awgeed, waxaanu sidoo kale Bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay is caawiyaan, oo ay isku gargaaran.