Xildhibaan La Yaaban In Xukuumadu Tahli Kari Weydo Wax Ka Qabashada Sicir Bararka

0
725

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cali Maxamed Xaaji Huruuse, oo ka mid ah Golaha Guurtida, kana tirsan Guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida, ayaa wax aad loola yaabo ku tilmaamay in sicir bararka waxba laga qaban waayo, isla markaana la fulin waayo go’aamada ay Xukuumaddu soo saarto, waxaanu ku baaqay in sida ugu dhakhsaha badan wax looga qabato Sicir bararka.

Xildhibaan Cali Maxamed Xaaji Huruuse oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka digay inay Doorashadu dib u dhacdo mar dambe, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Sicir bararkii dhib aad u badan iyo culays ayuu dadkii uu ku hayaa, Xukuumadduna go’aamo ayey marar badan ka soo saartay, balse ilaa hadda go’aamadaasi may socon, waana wax aad loola yaabo inay go’aamada Xukuumaddu socon waayeen, ee Xukuumaddu, gaar ahaan Masuuliyiinta ay gaarka u khuseeyso arinkan sicir bararku, waxaan leeyahay doolarkii ayaa ka qiimo badnayday lacagteenii, ee sida ugu dhakhsaha badan wax uga qabata, oo qiimaha sarifka halkiisi ku soo celiya, oo dhibka dadka haysta ka dulqaada”.

Xildhibaan Cali Maxamed Xaaji Huruuse mar uu ka hadlaayey Ganacsatada ayaa yidhi “Ganacsatada, waajib baa ka saaran dadkooda, waxaana qurux badan inay waxay dadka ka iibinayaa, ee ay dalka keenayaan, inay ahaadan wax la hubo, oo tayo ahaan caafimaad qaba, ee yaanay caafimaad daro iyo xanuuno dadka u soo waaradin, Dawladduna dadka xil baa ka saaran ee waajibkeeda ha ka gudato oo baadhitaan ha ku sameeyso raashinka iyo wax walba oo dalka la keenayo”

Xildhibaan Cali Maxamed Xaaji Huruuse mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi “Marar badan oo hore ayey Doorashooyinku dib inooga dhaceen ee waxaan ka digayaa in aanay mar dambe dib inooga dhicin, haddii ay mar dalbe Doorashadu inooga dhacdana waa inagu ceeb iyo weji gabax”.